Somali News
    Hees  

Dhanbaal: Dhanbaalka 45aad waxay ku socotaa halgameyaashii S.Y.L. iyo xornimadii Soomaaliya

Den Haag Axad 1 July 2012 SMC

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dhanbaalka 45aad waxay ku socotaa halgameyaashii S.Y.L. iyo xornimadii Soomaaliya

Waa murugo iyo calool xumo in shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan aan la xusuusin maalintii xornimadooda iyo qaranimadooda,maalintii ay ka xorrobeen gumeystaha, waa nasiib xumo in meeshii la rabay in shacabka,siiba dhalinta soo koraysa loogu sheekeeyo qaddarinta maalintaasi iyo geesiyaashii u soo halgamay dalkooda,in maalintaasi loogu beddalo maalin lagu soo bandhigayo niman iyo naago isla heesaya,waqtigana looga lumiyo cayaarid iyo caweys,waa musiibo hor leh in dhallinyaradii Soomaaliyeed ee dibedaha ku koray intii loo sheegi lahaa loogana sheekayn lahaa macnaha iyo qiimaha xorriyadda iyo halgankii ay soo galeen geesiyaashooda iyo xisbigooda waddaniga ahaa ee S.Y.L. in maanta waqtiga loogu luminayo xaflado samayn,music iyo heeso iyo isla cayaarid wiilal iyo gabdho qaawan oo xishood iyo diin midna aan lagu arag,kuwaasoo horkacaya niman iyo naago oo wada da’ ah oo diintii iyo xishoodkii meel iska dhigay.

Xornimadan aynu hiigsanayno laguma keenin si fudud oo sahlan,13 dhallinyaro oo naftood hurayaal ahaa ayaa u guntaday sidii ay dalka uga xorrayn lahaayeen gumeystaha,Allahna waa ku garab galay,waxaa loo huray in gobannimo la helo daarteed naf iyo maalba,sida laga warqabana dhibka Soomaaliya wuxuu bilowday bishii November sannadkii 1884kii, sannadkaasoo magaalada Barliin ee dalka Germany lagu qabtay shir loogu gogol xaarayay sidii qaaradda Afrika loo qaybin lahaa loona kala qaybsan lahaa,waxayna qaaraddii Afrika noqotay qaarad hoos timaada Yurub,markaas bayna Afrika u bilaabatay dhibaatada xudduudeed oo ilaa iyo imminka haysato.

Dawladda Germany ayaa isugu yeertay dhammaan dawladaha xoogga leh si ay uga soo qaybgalaan shirkii Barliin ee Afrika lagu qaybsanayay,wuxuuna shirku socday intii u dhexaysay 15kii November sannadkii 1884kii ilaa 26kii Febraayo sannadkii 1885kii waxaana ka soo qaybgalay ergooyin ka kala socday:Austria, Hungary,Germany,Belgium,Denmark, Italy,The Netherlands,Portugal,Russia, Sweden, Norway,Turkey,France,Great Britain iyo U.S.A.

Arrintaa qaaradda Afrika lagu sameeyay waxaa loola jeeday sidii Afrika aysan marnaba uga bixin dhibaato xudduudeed,hayeeshee shirkii ugu horreeyay ee ay yeeshaan madaxda Afrikaanka ah sannadkii 1964kii laguna qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa aad looga dooday arrimaha xudduudda ee Afrika, madaxweynihii Tanzania Julius Nyreri ayaa markaasi soo jeediyay in dawlad kasta ay waajib ku tahay markii ay gobannimadeeda qaadato in ay dhawrto sida uu imminka yahay xadka,talodaasina waxay noqotay mid laysku raaco.

Soomaaliya waxay ka mid noqotay dawladihii sida xun loo qaybsaday,waxaana loo kala dhigay shan qaybood,boqortooyadii Itoobiya ee damaca weynaydna waxay fursad u heshay in ay wax la qaybsato gumeystayaashaasi,waxaana gacanta loo geliyay qayb Soomaaliya ka mid ah,innagiina waxaynu awoodi kari weynay markii aynu gacanta ku dhignay gobannimadii in aanu isu keeno dadkeena iyo dalkeena oo shantii qaybood loo kala dhigay,nasiib xumose dagaalkii sokeeye ee waddankeena ka dhacay,wuxuu ina dhaxalsiiyay in shantii qaybood loo kala qaybiyo 30 qaybood ku dhowaad,waxaana howshan fulinaya dad Soomaali ah oo u shaqaynaya gumeystayaasha.

Markii uu Soomaaliya ka bilawday gumeysigaasi ayaa durba dalkii ka dhashay dhaqdhaqaaqyo fara badan oo lagaga soo horjeeday kala qaybintaas iyo gumeysigaas,shacabkii Soomaaliyeed ee waddaniga ahaana waxay waagaa dareemeen lagama maarmaanimada in la helo Soomaaliya oo mid ah xorna ah waxaana loo galay halgan dheer sidii arrintaasi loo xaqiijin lahaa loogana hortegi lahaa kala qaybinta ummadda Soomaaliyeed iyo dhulkooda aaranka ah inkastoo ay ifka u soo baxeen axsaab iyo shakhsiyaad Soomaali ah oo la dan noqday wixii ay gumeystayaashu wadeen.

Dagaal weynihii labaad ee adduunka kaddib,Talyaanigii iyo xulufadiisana la jebiyay ayaa 13 dhallinyaro oo naftood hurayaal ah waxay 15kii May 1943kii isla garteen in ay furaan naadi ay ugu magac dareen Somali Youth Club (SYC){Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed}, sannadkii 1947kiina waxay naadigii u beddaleen urur siyaasi ah oo ay ugu magacdareen Somali Youth League (SYL){Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed}waxayna dhallinyaradaasi halgan u galeen sidii ay Soomaaliya uga saari lahaayeen gumeystayaasha una abuuri lahaayeen qaran midaysan oo Soomaali ah.

Bilawgii gobannimodoonka ee uu xisbigaasi hoggaaminaayay waxay shacabkii Soomaaliyeed si xoog leh u taageereen halgankaas xaq u dirirka ahaa iyagoo u huray naftooda iyo maalkooduba waxayna gumeystayaashu tuseen in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin shacab isku duuban ayna neceb yihiin gumeystayaasha nooc kastoo ay ahaadaanba,nasiib xumo muddo gaaban markuu socday halgankaas gobannimodoonka ahi,gumeysigiina u adkaysan waayay halganka shacabka Soomaaliyeed iyo nacaybka ay u qabaan gumeystaha ayuu xisbigii ka dhex abuuray fidno iyo khilaaf wuxuuna adeegsaday shakhsiyaadkii Soomaaliyeed ee la dan ahaa iyo xisbiyadooda si ay u wiiqaan halganka shacbi weynaha Soomaaliyeed oo ay ugu jireen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen gobannimadooda, waxayna gumeystayaashii awoodeen in ay iska hor keenaan shacabka waddaniga ah iyo kuwii u adeegayay gumeystayaasha oo dantii guud ee dadka iyo dalkaba ku beddasheen dantooda gaar ahaaneed.

Fadhigii qaramada midoobay ee looga hadlaayay arrimaha Soomaaliya wuxuu gumeysigii Talyaaniga ka kaxaystay Soomaaliya shakhsiyaadkii caadifada u haayay oo dantii gumeystayaasha ilaalinaayay waxayna isku waafaqsanaayeen oo ay talo ku soo jeediyeen in Talyaanigu uu sii joogo Soomaaliya muddo soddon sannadood oo kale ah si ay u ballaarnaato danaha gumeystaha iyo gumeysi kalkaalkuba,nasiib wanaag ra'yigaasi ma noqon mid la aqbalo halkii ayuuna ku jabay waxaana door weyn ka cayaaray in ra'yigaasi la jebiyo shacabka Soomaaliyeed iyo xisbigooda waddaniga ahaa ee S.Y.L. iyadoo garab laga helay shucuubta adduunka ee nabadda jecel iyo dawladihii saaxiibka la ahaa shacabka Soomaaliyeed iyo xisbigooda gobannimodoonka ah,waxaana fadhigii lagu soo gunaanaday in Talyaanigu uu toban sannadood oo keliya sii joogo dalka Soomaaliya,tobankaas sano gudaheedana lagu fiiriyo in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin  oo ay bisayl u yihiin gobannimo iyo in kale.

Muddodii tobanka sano ahayd wuxuu gumeysigii u halgamay sidii uu dhaqan rog ugu samayn lahaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool konfurta wuxuuna ku dhaqaaqay in erayo badan oo af Talyaani ah uu dhex geliyo afkii Soomaaliga sidoo kale ayuu Ingiriiskana ku sameeyay shacabka Soomaaliyeed ee deggan waqooyi,iyagoo ulajeeddadoodu ahayd sidii Soomaaliya ay uga cirib tiri lahaayeen afkooda iyo dhaqankooda ayna uga fogayn lahaayeen dhaqanka islaamka, gumeysigii Talyaaniga wuxuu isku dayay muddadii tobanka sano ahayd ee wisaayada in uu Soomaaliya ka tirtiro afka carabiga oo aasaas u ah diinta islaamka wuxuuna is-hortaagay in afka carabiga uu noqdo afka rasmiga ah ee Soomaaliya,wuxuuna gumeysigu adeegsaday si uu arrintaasi u fuliyo shakhsiyaadkii Soomaaliyeed ee uu heshiiska la ahaa,haseyeeshe gumeysigu markuu arkay in shacabka Soomaaliyeed ay isku xiran yihiin diintooda islaamkana aan laga faraggelin karin afka carabigana ay jecel yihiin kana soo horjeedaan dhaqanka iyo afka Talyaaniga ayuu markaasi bilaabay in uu dhiiraggeliyo qoritaanka farta Soomaaliga isagoo is-hortaagay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo xisbigooda waddaniga ahaa ee S.Y.L. oo barnaamijkiisa doorashada 1956kii ka mid ahaa in afka carabigu uu noqdo afka rasmiga ah ee dawladda iyadoo garabna laga helaayay golihii la talinta ee qaramada midoobay.

Gumeysigii Talyaaniga markuu arkay in shacabka Soomaaliyeed ay aad u jecel yihiin afka carabiga iyo diinta islaamka ayuu dhiiraggeliyay wargeyskii ka soo bixi jiray Muqdishow lana oran jiray “Corriere della Somalia” kaasoo ku soo bixi jiray afka Talyaaniga waxaana dhexda uga jiray hal bog oo ku qornaa afka carabiga taasina waxay ina tusinaysaa in gumeysigu uu xoojinayay afkiisa,haseyeeshe arrimahaasi oo dhan suuraggal wey u noqon weyday in uu sii ballaariyo cadaadiskii uu ku haayay shacabka afkiisana uu dhaqangeliyo,waayo markasta waxaa sii xoogaysanaayay halgankii shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu jireen in ay gobannimadooda hantiyaan,kana hortagaan wax kasta wixii diintooda iyo dhaqankooda cadow ku ah,gumeysigii wuxuu ku dhaqaaqay in uu xabsiyada u taxaabo cid kasta ciddii uu ku tuhmo islaamnimo,waddaninimo iyo gumeysi nacayb,wuxuuna ku guulaystay in uu safka hore dhigo shakhsiyaadkii Soomaaliyeed ee Soomaali diidka ahaa ilaa uu markii danbe ku guulaystay in maamulkii dalka uu gacanta u geliyo markii gobannimadii la qaatay dadkii Soomaaliyeed ee ay isku danta ahaayeen iyadoo halkaasi lagu dafiray waxqabadkii geesiyaashii 13kii dhallinyaro ee u horseeday in ay dalka gaarsiiyaan gobannimo buuxda dalkana ay ka saaraan gumeysigii cadowga ku ahaa shacabka Soomaaliyeed.

Gumeysigii Talyaaniga intuusan ka tegin baladkii beeraha ku caansanaa ayuu gacanta u geliyay beerihii Soomaaliyeed maalqabeeno Talyaani ah wuxuuna dalkii uga tegay Kiniisado aysan dhaqan u lahayn shacabka Soomaaliyeed iyo waliba dhaqano xun xun ah,wuxuu kaloo ku guulaystay in uu si dadban u maamulo ilahii dhaqaale ee dalka maamulkii siyaasadduna uu faraha la galo,wuxuuna dalkii ka dhigay dawlad aan keligeed istaagi karin talona lahaaan karin Talyaani la’aan, sidaas buuna dalkii uga tegay isagoo aan hal shardi ahna ka fulin wixii lagula soo ballamay muddadii tobanka sano ahayd ee uu gacanta ku haayay maamulkii dalka, dadkii iyo dalkiina wax uu u qabtay may jirin inkastoo uu helay dad Soomaali ah oo isagu daacad u ah dunidana u sheegaan in Talyaani uu dalka daacad u yahay.

Dawladdii ugu horreysay ee rayidka ahayd kana dhalatay Soomaaliya halkaas ayay ka sii anbaqaadday,waxayna durba dawladdu bilawday in arrin kasta ay kala tashato Talyaani waxayna noqotay dawlad ku tiirsan Talyaaniga caqli ahaan iyo cilmi ahaanba,halgankii dhallinyaraduna sidaas baa lagu illoobay,sidaas bayna ku sii socdeen kuwii ka danbeeyay ilaa uu dagaal sokeeye ka dhaco dalkii,waxaase shacabku laga sugaya sida ay haddaba ku socdaan in ay noqdaan kuwo xusuusta halgankooda iyo dhallinyaradii u soo halgamay gobannimoda meel kastoo ay joogaana waxaa looga baahan yahay sida ay haddaba sameeyaan in ay ka sheekeeyaan xisbigooda waddaniga ahaa ee S.Y.L.

Waa inoo dhanbaalkii 46aad,waxayna ku socota madaxda websiteyada Soomaalida

Maxamedeyn

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

www.amazon.de
zanox Partner värvar partner   
Somaliweyn Media Center (SMC)