|
Maqaal: Aayadaha lagu sujuudayo marka qur’aanka la akhrinayo(Qaybtii 23aad)
Den Haag Jimco 11 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Aayadaha lagu sujuudayo marka qur’aanka la akhrinayo(Qaybtii 23aad)
Sujuudda tilaawada waxay qaadanaysa xukunka salaadda,qofkuna ma sujuudi karo in uu qiblada u jeesto mooye,saxiixaynka waxaa ku xusan in Cabdullaahi Ibnu Cumar Allaha ka raalli noqdee uu yiri:rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama marka uu akhriyo qur’aanka kuna jiro meel lagu sujudayo,wuu sujuudi jiray annaguna waan la sujuudi jirnay,xataa qaarkeen waxay weynayeen meel uu sujuudda dhigo,jumhuurka culumaduna waxay sheegeen in sujuudda tilaawada aysan faral ahayn .
Meelaha lagu sujuudayo marka qur’aanka la akhrinayo waa 14 meelood,qaar kale oo ahlu cilmiga ahna waxay la tageen in ay 15 meelood tahay,meesha ugu horraysa ee sujuudda tilaawada waa aakhirka suuradda Al-Acraaf,aayad lambar 206,midda labaad:waa meesha ay ku jirto suuradda arracad,aayad lambar 15, bilowga maalinta iyo aakhirkiisa,macnaha aroor iyo galabba,midda saddexaad:waa marka la gaaro qowlka Allah oo ah:waxay samaynayaan waxa la amray,kuna jirto suuradda Annaxal ama loo yaqaano Annicam,aayad lambar 50, midda afaraad:waa qowlka Allah oo sheegaya:wuxuuna u kordhiya khushuucid,waxayna ku jirta suuradda subxaana ama loo yaqaano banii Isra’el ama loo yaqaano Isra’,waana aayadda 109,midha shanaad:waa meesha uu Allah ku yiri:waxay u dhaceen sujuud weyna ooyeen, waxayna ku jirtaa suuradda Maryam,aayad lambar 58,midda lixaad,waa meesha ay ku jirto suuradda Al-Xaj,aayad lambar 18,wuxuu samayn wixii uu doono,sidoo kale aayadda 77: sameeya khayrka waa intaasoo liibaantaane.
Midda toddobaad waa qowlka Allah oo ah:waxaa u kordhaya ka fogaanshahooda iimaan, waana suuradda Al-Furqaan,aayad laambar 60,midda 8aad waxay ku jirtaa suuradda Annamal ama loo yaqaano Suleymaan,aayad lambar 26,Rabbiga carshiga ee weyn,midda 9aad waxay ku jirtaa suuradda Alif laam miim tanziilulkitaabi ama loo yaqaano Assajda ama loo yaqaano Al-Madaajic,aayadda 15 oo ah:iyaguna kibri maayaan,meesha 10aad waxay ku jirtaa suuraddaa Saad,aayad lambar 24: wuxuu u dhacay rukuuc wuuna soo laabtaa,macnha Allaha ayuu u soo laabtay wuuna towbad keenay,midda 11aad waxay ku jirtaa suuradda Fusilat ama loo yaqaano Assajda ama loo yaqaano Al-Masaabiix,aayad lambar 37:haddii aad tihiin kuwa u laabanayo xaggiisa,hayeeshe abu Xaniifa iyo Shaafici iyo Jumhuurka waxay qabaan in sujuudd ay tahay aayadda 38:iyaguna uma janjeerayaan tasbiixda,midda 12aad waxay ku jirtaa suuradda Annajm,aayad lambar 62:Allah u sujuuda ee caabuda,midda 13aad waxay ku jirtaa suuradda Al-Inshiqaaq,aayad lambar 21:marka korkoodu lagu akhriyo qur’aanka ma sujuudayaan, midda 14aadna waxay tahay suuradda Al-Calaq,aayad lambar 19:sujuud una dhowow.
Imaam Nawawi Allaha u naxariiste wuxuu kitaabkiisa sharxu saxiixu Muslim uu ku yiri: culumadu waxay isku raacen in ay sugan tahay sujuudda tilaawada, jumhuurkana waxay sheegeen in ay sunne tahay,laakiinse abu Xaniifa wuxuu isagu la tegay in ay waajib tahay, imaaam Nawawi wuxuu kaloo kitaabkiisa Attibyaanu fii aadaabil xamlatil qur’aani ku yiri:in sujuudda tilaawada ay leedahay labo xaaladood,midna waa marka aan salaad lagu jirin,midna waa marka salaad lagu jiro.
Midda kowaad:haddii uu qofku damco in uu sujuudo wuxuu niyaysanaya sujuudda tilaawada,wuxuuna leeyahay Allaahu akbar sida takbiirtul ixraamka oo kale, gacmihiisuna kor ayuu u qaadaya,labadiisa garbood ayuuna la simaya,sida uu samaynayo marka uu salaadda bilaabayo,kaddibna wuxuu leeyahay Allaahu akbar marka uu sujuudda u dhacayo,hayeeshe markani gacmihiisa kor uma qaadayo,takbiirtan labaad shardi ma’ahan balse waa wax la jecel yahay,takbiirta kowaad saddex siyaabood ayaa loo kala sheegay,midka kowaadna waa midka loo badan yahay,waana tiir mana ansaxayso ilaa lala yimaado sujuudda ma’ahane,midka labaad:waa wax fiican,haddii la iska daayana sujuudda waa ansaxaysa,midda saddexaad: ma’ahan mid la jecel yahay.
Waxaa kaloo in la ogaado mudan qofka doonayo in uu sujuudo oo markaasi joogo,waa in uu la yimaado takbiirta ixraamka,kaddibna wuxuu la imaanaya takbiir kale marka uu sujuudayo, xataa haddii uu markaa yahay qof fadhiya,saxiixu Muslim waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raali noqdee, kaasoo sheegaya:in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:bani’aadanku markuu akhriyo sujuudda tilaawada wuu sujuudaya, shayadaankuna markaasi wuu tegaya isagoo ilmaynaya wuxuuna leeyahay:hoogayay, bani’aadankii waxaa la amray sujuud wuuna sujuuday,waxaana u sugnaaday janno,aniguna waxaa lay amray sujuud waana diiday,werin kalena waxay leedahay waan caasiyay,naarta ayaana ii sugnaatay.
Saxiixul Bukhaari iyo sunnooyinka abu Daawuud iyo Tirmidi waxaa ku xusan in Zeyd bin Thaabit uu yiri:waxaan nebiga sallallaahu caleyhi wasallama aan ku akhriyay suuradda Annajmi,mana uusan sujuudin,saxiixul Bukhaari iyo sunnooyinka Tirmid waxaa ku xusan in ibnu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee uu yiri:in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu u sujuuday suuradda Annajmi,taa macneheedu waxay tahay in aysan waajib ahayn.
Sheekhul islaam ibnu Taymiya Allaha u naxariiste wuxuu kitaabkiisa fataawa assalaat uu ku yiri:fadhiga sujuudda tilaawada waxaa kaga fiican istaagga,sida la ogsoon yahayna istaagga salaadda ayaa ka fadli badan salaadda oo fadhi lagu tukado,Shaaficiyaduna waxayba qabaan in takbiirta ixraamka ee sujuudda tilaawada ay tiir tahay qofkii ka tegana aysan sujuuddiisa ansaxyan,laakiin takbiirtu waxay jumhuurku ku sheegeen in ay sunne tahay,dadka raacsan Xanbalina waxay qabaan in ay waajib tahay,Shaaficiyadu iyo Xanaabiladu waxay qabaan in salaamo naqsiga sujuudda tilaawada,qofkii ka tago ay sujuuddaasi bureyso,laakiinse Xanafiyiitu iyo Maalikiyadu looma baahna ayay leeyihiin.
Allahayow denbigeena noo dhaaf,Allahayow noo kordhi garashada diinta islaamka, Allahayow adduunka iyo aakhiraba wanaag nagu sii..........................Allahummastajib
Maxamedeyn
mohamedein@hotmail.com
Waa inoo jimcaha nagu soo aaddan iyo qaybtii 24aad iyo arrimo ku saabsan salaadda Rabbi idankii
http://www.somaliweyn.com/pages/Maqaal/Maqaal_4_May_2012.html
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|