|
Maqaal: Oday dhaqameed lagu yiri:idinkaa cilmi iyo caqli iyo diin iyo dadnimoba yaqaane, dastuurka ansixiya, maxayse sameeyeen, halkan ka akhriso wixii ka dhacay shirkii Istanbuul
Den Haag Isniin 18 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Oday dhaqameed lagu yiri:idinkaa cilmi iyo caqli iyo diin iyo dadnimoba yaqaane, dastuurka ansixiya, maxayse sameeyeen, halkan ka akhriso wixii ka dhacay shirkii Istanbuul
Haddii la yiraahdo wadaaddadu waa lagu daalay,aqoonyahanaduna khayr maleha waddaniyiintuna warkooda daa,yaa markaasi khayrka laga sugaya,waxaa caammadii laga dhaadhiciyay:in oday dhaqameed oo doonayo in dalka iyo dadka lagu hoggaamiyo dhaqanka qabiilka ku dhisan uu waddani yahay oo wadaad yahay caalimna yahay,mana dhici karto in ruux har iyo habeenba ku mashquulsan reer hebel iyo reer hebel in la sugayao xal u helidda dhibaatada dalka iyo dadka sabab u ah ka leexashada shareecada islaamka.
Oday dhaqameedka laguma oran waxaad ka doodaysa sidii dalka iyo dadka lagu dhiqi lahaa shareecada islaamka,balse waxaa lagu yiri:dastuur aan diin ahayn baad ansixinaysa,qabiil kastana cadkiisa ayuu qaadanaya,iyadoo ay sidaas tahay haddana oday kasta markuu hadlayo, wuxuu leeyahay:haddaan nahay Soomaali waxaan u soconaa danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed,been buu sheegay,waxay ku haboonayd in uu yiraahdo:annagoo ah reer hebel waxaan ka soconaa oo aan masalayna qabiilkayaga,waxaana halkan u nimid in aan cadkeena meesha ka qaadano,haddii aan qaybteena nala siinina waan ka baxayna,haddii naloo gefana sidaas oo kale.
Iyadoo aan la soo koobi karin khaladaadkii shirkaasi ka dhacay,haddana waxaan ka soo qaadanaynaa,dhacdadan faaftay oo ceeb u noqotay kuwii meesha ku shiraayay iyo kuwii martida ku ahaaba,gabar baa meesha istaagtay waxayna soo hadal qaaday magaca shaabadda looga dhigay guddoomiyaha baarlamaanka kaasoo ah shariif sakiin,magacani ma’ahan magac uu jecel yahay in loogu yeero,sideedana laqabka ama waxa la raacsiiyo qofka magaciisa hore waxay noqon kartaa:wax qofka lagu garto ama lagu sharfo ama lagu xaqiro oo lagu ceebeeyo, guddoomiyaha baarlamaankana oo dadka qaarkii ay ugu yeeraan shariif sakiin ma’ahan magaca lagu garto ama lagu sharfo balse waa wax lagu ceebeeyo,islaamkuna wuu reebay in dadka la ceebeeyo ama loogu yeero magac xun.
Gabadhaasi meesha ka hadashay wey khaladay oo may ahayn in ay ugu yeerto shariif sakiin,hayeeshe waxay caradu sii badatay markii ay gabadhu magacaasi sheegtay waa la wada qoslay sacabna badana waa la raacsiiyay sidii raalli loogu yahay magacaas ay ku dhawaaqday ee shariif sakiin,laakiinse gabadhii waxay khaladkeeda ka bixisay cudaddaar,waase la maqli waayay,odayaashii ka socday qabiilka guddoomiyaha baarlamaanka shirkii ayay ka dareereen xataa wey maqli waayeen gabadhii oo ku celcelinaysa raalli ahaada,waxayna ku dhawaaqayeen ka bax meesha,gabadhii waxay doonaysay in ay hadalkeeda sii wadato, hayeeshe ma iyagaa yeelaya ilayn xaal marin bay barteene ilayn waa odayaal dhaqameede, gabadhii iyadoo yaaban bay tiri:hal hadal may ka xanaaqayaan weyna ka baxday.
Shirkii odayaasha wuxuu isku beddalay riwaaayad ay dadka daawanayaan oo kale halkaaso lagu soo bandhigay dhaqanka odayaasha,qabiilooyinkii shirka ku soo harayna oo nidaamka 4.5ka lagu geeyay Istanbuul ayaa waxay u hoydeen odayaashii carooday waxayna xaal ahaan u siiyeen musxafka qur’aanka,cimaamad, koofiyad iyo kun dollar,weyna qaateen xaalkii inkastoo ay soo celiyeen kunkii dollar,khaladkii dhacayna halkaas ayaa lagu soo afjaray, su’aasha la isweydiinayo waxay tahay ma khaladkaasi keliyaa meesha ka dhacay mise kuwo ka waaweyn ayaa halkaasi ka dhacay,ka sokow in odayaashaasi lagu soo xulay nidaamka dulmiga ku dhisan ee 4.5,ayaa haddana waxaa meesha ka dhacay khaladaad aan la soo koobi karin,waxaan ka soo qaadanayna dhowr qodob:mid u hadlaayay qabaa’ilka kale oo aan ahayn qabiilkii loo hooyanayay ayaa sheegay arrin lala yaabo ama jahli haka ahaato ama dano ku gaar haka ahaate,wuxuu yiri:shariifka waa ahlu baytka,yaa u sheegay arrinkaasi,waxaana meesha ka cad in ruuxaasi uusan garanayn macnaha ahlu baytka,yaa saxaya khaladkan,dadkii meesha joogay sharafka qabiilkooda ayaa u muuqdaaye.
Waxaa ka sii daran mid kale oo sheegay:in :rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri: qofkii aan qiiro lahayn iimaan ma leh,macnaha wuxuu caddaynaya in dadkii baxay ay qiiro lahaayeen,been buu sheegay wuxuusan rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama oran buu dusha u saaray,rasuulkana sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu yiri,sida ku cad saxiixul Bukhaari iyo musnadka Axmed soona weriyay Salama:qofkii iga sheega wax aan oran,naarta meeshii uu ka geli lahaa haka diyaarsado,yaa ninkaasi khaladkaasi galay ka saxaya,laakiinse waxay dadkii awoodeen in ay saxaan gef loo geestay qof ka tirsan qabiilkooda.
Mid kalaa si khalad ah u aqriyay,qowlkii rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama oo sheegaya:bani aadam kasta wuu gefaa,kuwa gefana waxaa ugu khayr badan kuwa ka toobad keena,xadiiskan wuxuu ku xusan yahay sunnooyinka ibnu Maaja,waxaana soo weriyay Anas bin Maalik Allaha ka raalli noqdee,sheekh Albaanina wuxuu xadiiskan uu siiyay darajada xasan,wuxuuna ku sheegay kitaabkiisa saxiixul jaamic,ibnu Xajarna wuxuu kitaabkiisa Buluugh Al-Maraam uu ku sheegay in sanadka xadiiska uu xoog leeyahay,wuxuu ninkii hadalkiisa raacsiiyay in shariifka uu ka soo jeedo asharaafta,macnaha nin asharaaf ah miyaaa loo gefi kara,qof kaloo u hadlayay qabiilka ku abtirsada guddoomiyaha baarlamaanka ayaa yiri:Allah wuxuu yiri:dadka oo dhan wey gafayaan ruuxii Allah u naxariisto mooye, subxaanallaah,wixii meesha fadhiyay miyaa qofna laga waayay oo yiraahdo bal u kaadi hadalkani qur’aan ma’ahan ee waas idee arrintu,waliba isagoo hadalkiisa sii watay buu yiri: annagu waxaanu ka xumaanay qosolka iyo sacabka laysku daray markii la yiri shariif sakiin, odaygu haddana wuxuu u gefay wixii qoslay oo sacbiyay wuxuuna yiri:kuwii sacabka ku kaalmeeyay yacnii markii la yiri shariif sakiin waa dad aan waxba aqoonin oo aan fikir lahayn oo carruur ah.
Haddana waxaa hadlay qof soo qaatay xadiis saxiix ah,hayeeshe u aqriyay si khaldan, waxaadba moodaa in hadalka Allah iyo qowlka rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama sidii la doono loo akhrinayo,lagana caroon,balse laga caroodo haddii qof bani’aadam ah loo gefo, wuxuu haddana nuinkaasi yiri:shariif Xasan waa nin asharaaf ah,mid kalaa haddana wuxuu yiri:waan in u nasab sheegta rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama,macnaha looma gefi karo weeyaan,annaguna buu yiri ninkaasi:markayno shir joogno waxaanu leenahay yaa ka jooga asharaaf haddii la waayana qolo kale ayuu sheegay,Rabbi baan idinku dhaarshaye halkaasi ma dan dal iyo dad baa loo tegay mise qof kasta iyo qabiilkiisa,sow maynu arag kuwo qaarkood markii ay wacdiga dhammeeyaan oo ay doonayaan in ay duceeyaan baa waxay leeyihiin:reer hebel oo jooga ducayn mayno oo waa yaaabe yaa reer hebel u caleemo saaray in ay duceeyaan,ducoduna sida laga warqabo waxay leedahay shuruud qofkii ka soo baxa shuruudaasi ayaa la aqbalaya ducodiisa kumuna xirna reer hebel iyo reer hebel.
Gabadh kalaa istaagtay waxay tiri waxaan huwanahay maro cad,macneheeduna waxay tahay in ay asaay saaranahay ilaa uu dalka ka degayo,waxaan leenahay walaashaydiiyey asaayda meel ha ugu dhicin dib ugu laabo diinta fahamna raacsii,yaa qaata asaayda,maxaa loo qaata,goormaane la qaata,waxaan filaya haddii aad fahantidarrinkaasi in aadan mar danbe oranayn,meel fagaaro ahna la imaan asaay baan saaranahay,hadalkeeda wey soo wadday oo waxay tiri:walaashayda,waxay ula jeedda gabadhii tiri:shariif sakiin:waa haweenay haweenayna waa annisa’waa nus,walaashaydiiyay:annisa’ nus ma’ahan,suuradda annisa’ waxaa loola jeeda haweenka,loolamana jeedo nus.
Waxaa haddana meesha ku soo laabatay gabadhii ku dhawaaqday shariif sakiin waxayna tiri:horta shallaygu waa shay xaaraan ah,waxaa loo qaadan karaa in ay weli ku adkaysanayso magacii ay tiri ee shariif sakiin,haddana waxay gabadhii aflagaadaysay qoloda Diasporada loo yaqaano waxayna Diaspora waa dayuus baro.
Isku soo wada duuduub meesha xal Soomaali ah looma tegine waxaa loo tegay waqti lumis,qiila wa qaaal,isku aflaagadeyn iyo qabiil kobcin,sidaas daraadeed inta aynu dawlad dhisan marka hore kuwii dhisi lahaa la baro akhlaaqda,la baro diinta kaddibna la yiraahdo dawlad ayaanu dhisayna.
Maxamedeyn
Den Haag/Holland
Waa inoo mowduuc kale iyo markale insha Allah
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|