Somali News
    Hees  

Ramadaan: Waqtiga la afuro iyo xilliga la cuno suxuurta (Qaybtii 3aad)

arbaco 18 July 2012 SMC

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Waqtiga la afuro iyo xilliga la cuno suxuurta (Qaybtii 3aad)

Xilliga la afurayo waxaa fiican in la dedejiyo oo aan dib loo dhigin,labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Sahal bin Sacad Al-Saacidi Allaha ka raalli noqdee kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:dadku waxaa ku sugan khayr goor ay dedejiyaan afurka,waxaana wanaagsan in qofku uu ducaysto kuna ducaysto ducodii uu doono,markuu afurana uu ku ducaysto sida ku xusan sunnooyinka abu Daawuud soona weriyay Cabdullaahi ibnu Cumar Allaha ka raalli noqdee kaasoo sheegaya,in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu oran jiray markuu afuro:Al-Xamdu lillaahi, dahabadamu’, wabtalatil curuuqu,wathabatal ajru inshaa Allahu tacaala,(Rabbi baa mahad iska leh, harraadkii waa tegay,xididdaduna wey buuxsameen,ajarkiina wuu sugnaaday Allaha weyne idinkii).

Xadiis ay sunnooyinkooda ku soo saareen:abu Daawuud,Nasaai’,Tirmid iyo ibnu Maaja, soona weriyay Salmaan bin Caamir Allaha ka raalli noqdee wuxuu sheegaya:in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:haddii uu qofku afuro ha ku afuro timir,hadduu waayana haku afuro biyo waa daahire,sheekh Albaani wuxuu qaar ka mid ah kutubadiisa uu ku sheegay in xadiiskani uu yahay ficilka rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama,culumo badana wey ansixiyeen.

Waxyaabaha soonka lagama maarmaanka u ah waa suxuurta,labada sheekh saxiixooda ee Bukhaari iyo Muslim waxaa ku xusan,xadiis uu soo weriyay Anas bin Maalik Allaha ka raalli noqdee ,aasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:suxuurta,maxaa yeelay suxuurtu waa barako,waxaa kaloo labada sheekh saxiixooda ku xusan in Zeyd bin Thaabit Allaha ka raalli noqdee uu yiri:waxaan la suxuuranay rasuulullaahi sallallaahu caleyhi wasallama,dabadeedna waxaanu u istaagnay salaadda,waxaa la weydiiyay:immisaa u dhexaysay suxuurtiina iyo xilliga aad u istaagteen salaadda?,wuxuu yiri:qaddar 50 aayadood la akhrinayo,taasi waxay ina tusinaysa in ay sunnada tahay in suxuurta dib loo dhigo.        

Suxuurtu waa sunne,waqtigeeduna waa xilliga danbe ee habeenkii,waana in afka wax la geliyo weeyaan,xataa haddii ay timir ama biyo noqoto,waxayna suxuurtu bilaabanaysa saqda dhexe ee habeenkii ah,waxayna soconaysa ilaa laga gaarayo fajarka,saxiixu Muslim waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Camro bin Al-Caas Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:soonka islaamka iyo soonka ahlu kitaabka waxaa u dhexeeya suxuurta, macnaha ahlu kitaabku mey suxuuran jirin,innaguse haddii aynu nahay dad muslimiin ah kuna abtirsano diinta islaamka,waan suxuuranayna,barakada suxuurtana waxaa ka mid ah iyadoo laysku diyaarinayo soonka,Rabbina laga baryaayo in uu soonkeenu aqbal ka dhigo.

Allahayow,adduunka iyo aakhiraba wanaag nagu siia,cadaabta naartana naga fogeey...Aamiin


Maxamedeyn

Waa inoo berri iyo qaybtii 4aad iyo arrimo ku saabsan ramadaanka,Rabbi idankii 

Halkan hoose riix kana akhriso qaybtii labaad:

 

(http://www.somaliweyn.com/pages/Maqaal/Ramadaan/Soon_17_July_2012.html)

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

www.amazon.de
zanox Partner värvar partner   
Somaliweyn Media Center (SMC)