|
Ramadaan: Maxaa lagu bartaa oo laga faa’idaa soonka? (Qaybta ugu danbaysa)
Isniins 1 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maxaa lagu bartaa oo laga faa’idaa soonka? (Qaybta ugu danbaysa)
Soonka bisha ramadaan,waxaa lagu bartaa waxyaabo badan oo aan halkan ku soo koobi karin,waxaa kaloo laga faa’idaystaa waxyaabo badan oo khayr ah, nafsadda iyo maskaxduna daawo u ah,waxaa lagu tababartaa in aan soomi karno xataa maalmaha sunnaha ah,sida soonka maalinta isniinta iyo saddexda maalmood ee bil kasta iyo waliba maalmaha kale ee sunnaha ah.
Soonka bisha ramadaan,waxaa lagu tababartaa oogidda sunnaha salaatullaylka,salaaddaasoo ah salaadda ugu fadliga badan tukashadeeda,salaadaha faralka ah kaddib,waxaa kaloo soonku lagu bartaa samirka iyo adkaysiga,iyadoo uu raashiin kala nooc nooc ah horteena yaalo ayaa loo diiday in ay nafsaddu damacdo,taasina waxay na tusinaysa in nafsadda noocaas oo kale ahi ay u hoggaansami karto amarka Allah,kana adkaan karto shaydaanka iyo wixii ehel u ah.
Soonka bisha ramadaan,waxaa lagu bartaa sidii looga hari lahaa loogana fogaan lahaa dhammaan waxyaabaha uu Allah xarrimay,waxaa lagu bartaa qur’aan akhriska iyo xuska Allah,waxaa kaloo lagu bartaa axaadiista nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama, kuwooda saxiixda ah,isla markaana waxaa lagu ogaadaa axaadiista daciifka ah iyo kuwa been abuurka ah.
Soonka bisha ramadaan,waxaa lagu bartaa xishoodka iyo saddaqo bixinta,isla markaana waxaa lagu bartaa la dagaalanka wahsiga,shaqo la’aanta,waxbarasho la’aanta iyo wax akhris la’aanta,waxayna tahay fursad lagu baranayo xifdiga qur’aanka iyo axaadiista nebiga sallallaahu caleyhi wasallama.
Soonka bisha ramadaan,waxaa lagu bartaa samirka iyo dulqaadka,waxaa kaloo lagu bartaa is kaalmaysiga iyo isku gargaarka,waxaa lagu bartaa is-ixtiraamka iyo is maqalka,waxaa kaloo lagu bartaa in qof walaal ah oo naga maqan aan la xaman ceebihiisana aan bannaanka la dhigin.
Waxaana xaqiiqo ah in soon iyo waxyaabaha xaaraanta iyo munkarka ah ee aan soo sheegnay aan la isla wadi karin,waana xaqiiqo in qofka daacadda ka ah islaamnimadiisa uusan sigaar cabbaynin,qaad cunaynin,shiisho cabbaynin separatena uusan noqonaynin,dadka uusan xamanaynin iyo wax kasta oo xaaraan ahna uu ka fogaanayo.
Su’aasha la is weydiinayo waxay tahay,ka haridda iyo ka fogaanshaha waxyaabaha munkarka ah ma wuxuu ku eg yahay ramadaanka?,dabcan jawaabtu wey iska caddahay Allah ka cabsiga kuma koobna ramadaan,balse qofka waxaa laga doonaya inta uu nool yahay in uu markasta ku joogo cabsida Rabbi,Allah wuxuu yiri: caabud Rabbigaa inta ay geerida kaaga timaado (suuradda Al-Xijr,aayad lambar 99),macnaha ilaa aad ka dhimato waa lagaa doonaya cabsida Rabbi ee ma’ahan in soon uun Allah la caabudo.
Haddii ay dhacdo marka la soomo kaddib in dib loogu laabto waxyaabihii munkarka ahaa ee aan soo sheegnay,taasi waxay macneheedu noqonaysa in aan caabudayno soonka ee aan Allah caabudin,caabudidda Allahna sidii aan soo sheegnayba waa in markasta lagu joogo.
Intaas ayaan ku soo afjaraynaa arrimihii aan kaga hadlaynay bisha khayrka badan leh ee ramadaanka,wixii aan saxay waa wax Allah xaggiisa ka ahaaday,wixii aan khaldayna waa shaydaan iyo naftayda,denbi dhaaf ayaana Allah weydiisanaya.
Allah waxaanu ka baryaynaa in uu soonkeena aqbal ka dhigo,salaaddeenana aqbal ka dhigo,Allah waxaan ka baryayna in uu naga dhigo dad markasta ku taagan cabsida Rabbi subxaanahu watacaala,jannadiisa fardowsa ahina uu na geliyo.
Subxaanakallahumma wabixamdika,Ash-hadu an laa ilaaha illaa anta,Astaghfiruka wa atuubu ileyka.
Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)
Halkan hoose riix kana akhriso qaybtii 14aad:
(http://www.somaliweyn.com/pages/Maqaal/Ramadaan/Soon_31_July_2012.html)
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|