Somali News
    Hees  

Ramadaan: Tukashada taraawiixda iyo ducoda qunuutka  (Qaybtii 4aad) 

Sabti 21 July 2012 SMC

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 Labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan xadiis ay soo werisay Caa’isha Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:qofkii ramadaanka tukada isagoo ay ka tahay rumayn Allah iyo ajar doonis,waxaa loo dhaafay denbigiisa hore, Bukhaari iyo Muslim waxaa kaloo ku xusan xadiis uu soo weriyay ibnu Cumar Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya:in  nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:salaadda habeenkii waa labo labo, haddii uu midkiin ka baqo in salaaddii subax ay u soo gasho hal rakac oo witri ah haku soo gabaggabeeyo salaaddii uu tukanaayay,waxaa kaloo saxiixul Bukhaari iyo saxiixu Muslim ku xusan in Caa'isha Allaha ka raalli noqdee ay tiri:in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uusan marna ka badi jirin ramadaan iyo maalmaha kaleba ee aan ramadaan ahayn 11 rakcadood,taasi waxay ina tusinaysa in salaadda taraawiixda oo la tukado bisha ramadaan ama salaadda habeenkii la tukadu ee loo yaqaano salaatullaylka iyadoo aan ramadaan lagu jirin in ay fiican tahay in lagu soo koobo 11 rakcadood,haddii uu qofku rakcada 13aad uu witri ka dhigana dhib ma laha.

Ma’ahan in salaadda taraawiixda lagu tukado degdegsiimo sida masaajiddo badan lagu arko, balse waxaa loo baahan yahay in lagu tukado si deggan laguna taddaburo oo lagu khushuuco qur´aanka la akhrinayo,salaadna nooc kastoo ay ahaataba waxaa tiir u ah in si aayar ah oo deggan loo tukado,khasabna ma’ahan in qur'aanka oo dhan lagu dhammeeyo taraawiixda, muhimaduse waxay tahay in akhrinta qur'aanka lagu khushuuco laguna taddaburo,haddiise ay imaamku u fududaato in uu dhammayn karo qur'aanka oo dhan waa wax fiican,hadduusan dhammayn karina inta uu akhriyo ku filan,hadduusan xafidsanayna waa ka akhrin karaa musxafka,macnaha kitaabka qur’aanka,wax daliil ah ee loo haayana ma jiro in habeen kasta hal jus lagu dhammeeyo,muhiimadduse waxay tahay sida aan soo sheegnayba in qur’aanka la akhrinayo lagu taddaburo oo lagu khushuuco.

Sunnooyinka abu Daawuud  iyo ibnu Maaja waxaa ku xusan,xadiis uu soo weriyay abi Dar Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri: qofkii la istaaga imaamka,macnaha uu la tukado imaamka,lana dhammaysto salaadda waxaa loo qoraya tukashada salaatullaylka,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan uu ku saxiixay saxiixul jaamic,sidaas daraadeed waxaa waanagsan in qofku uu salaadda taraaawiixda la dhammeeyo imaamka,kulana tukado witriga,haddii aad doontaana in aad witriga tukataan habeenka waqtigiisa danbe,waxaad tukan kartaan labo laabo,hana ku celinina witriga,maxaa yeelay witrigu labo goor laguma celiyo.

Sunnadu waxay ka soo horjeedda in ma'muumka uu gacanta ku qabsado musxafka marka la tukanayo salaadda taraawiixda,si uu ula socdo qur’aanka uu akhrinayo imaamka,haseyeeshe waxaa ma'muumka la amray in uu aamuso isla markaana uu dhegaysto marka uu imaamku akhrinayo qur'aanka,gacantiisa midigna uu dul saaro gacantiisa bidix,laabtana uu dhigo, saddexda rakcadoodna ee ugu danbaysa salaadda taraawiixda ama salaatullaylka,waxaa sunne ah in lagu akhriyo suuradaha kala ah:Al-Aclaa iyo Al-Kaafiruun iyo Assamad. 

 Dheeraynta la dheeraynayo ducoda qunuutka iyo akhrinta ducooyin aan soo aroorin waxay keenaysa in dadkii ay caajisaan,salaaddooduna aysan ku xasillin, ducoda qunuutka lagu akhrinayo witriga waa sida uu sheegay Allaha ka raalli noqdee Xasan bin Cali oo yiri rasuulka sallallahu caleyhi wasallama ayaa i baray erayo aan ku oranayo qunuutka witriga,waana sidan:Allahummahdinii fiiman hadayta,wacaafinii fiiman caafayta,watawallanii fiiman tawallayta,wabaarik lii fiimaa acdhayta,waqinnii sharra maa qadayta,fa’innaka taqdii walaa yuqdaa calayka,innahu laa yadillu man waalayta (werin kale waxay ku daraysa:walaa yacizzu man caadayta),tabaarakta Rabbana watacaalayta,xadiiskan waxaa soo sunnooyinkiisa ku soo saaray Tirmidi,wuxuuna sheegay in xadiisku uu wanaagsan yahay,sheekh Albaanina Allaha u naxariiste wuxuu ku saxiixay saxiixu sunnan abu Daawuud iyo saxiixu sunnan Annisai’,mana ahan in nafta la isaga qaado ducooyin dhaadheer oo aan soo aroorin,ama ducodiiba laga dhigo sidii duruus la bixinayo oo kale oo laga sheekaynayo:geerida,cadaabta qabriga,maalinta qiyaame,jannada,naarta iyo wixii la mid ah,sheekh Cuthaymeen wuxuuba yiri:dheeraynta ducoda oo ay dadka ku dhibtoonayaan waa reeban tahay,macnaha sharci ma’ahan weeyaan.

Hayeeshe marka uu imaamku akhrinayo ducadan wuxuu ka dhigaya wadar,macnaha markuu qofka keligii yahay wuxuu leeyahay:Allahummahdinii,marka uu imaamku akhrinaayana wuxuu leeyahay Allahummahdinaa,macnaha wuu jamcinaya,lamana doonayo in imaamku uu ku daro ducadan:erayo ay culumada isku haystaan ku dariddeeda,qaar kalena ay ku tilmaameenba ku darideeda in ay daciif tahay,waxaana ka mid ah:falakal xamdu calaa maa qadayta,astaghfiruka wa atuubu ilayka,mana ahan imaamku in uu codkiisa kor u qaado,marka uu akhrinayo ducoda qunuutka,waxaana loo baahan yahay in uu u akhriyo si caadi ah,waxaa kaloo sharci ah in marka la akhrinayo ducoda qunuutka ay tahay in imaamka iyo ma’muumiintuba ay kor u qaadaan gacmahooda,waxaana rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama laga sugay in marka uu akhrinayo qunuutka uu gacmihiisu kor u qaadayay,sida ku xusan sunnanka Bayhaqi,wuxuuna ku sheegay in sanadkiisu uu saxiix yahay,kor u qaadidda gacmuhuna waxaa loola jeeda:in qofku uu labadiisa gacmood isugu keeno,farahiisuna aan kala bix bixin,kana dhigo sidii qof gacmihiisa wax loogu shubayo oo kale.

Ducoda qunuutka ee witrigu waa sunne,haddii marmar layska dhaafana dhib ma laha si aysan dadka caammada ahi u malayn in ducoda qunuutka ay waajib tahay,haddiise ay dhacdo ibtilo (belaayo) waxaa fiican in imaamyada masaajidda ay akhriyaan rakcada u danbaysa ee salaadaha faralka ah,iyagoo akhrinaaya maalmo ama bil dabadeedna ay joojiyaan,waxaa kaloo sunne ah oo rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama ka sugnaaday,in marka la soo gaboggabaynayo taraawiixda oo lagu soo xiro witriga ama salaatullaylkuba,waa in saddex goor la yiraahdo:Subxaanal malikil qudduusi,sida ku cad sunnooyinka abu Daawuud iyo Annasaai´,soona weriyay Ubaya ibnu Kacbin,waxaana xadiiska saxiix ka dhigay sheekh Albaani isagoo ku saxiixay saxiixu sunnan abu Daawuud iyo saxiixu sunnan Annisaai’.

Culumadu waxay sheegeen in marka uu imaamku yiraahdo:Allahummahdinaa,ay tahay in la yiraahdo aamiin,laakiin marka la soo gaaro oo uu imaamku yiraahdo: fa’innaka taqdi walaa yuqdaa calayka…........ ilaa laga gaaro tabaarakta watacaalayta,waxay dadka qaarkii leeyihiin, iyagoo qaylinaya:yaa Allaah ama nash-hadu ama xaqqan ama wax la mid ah,arrinkaasina wax sugan ma’ahan oo rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama ka sugnaaday,marka waxaa loo baahan yahay in markii meeshaasi la soo gaaro in ma’muumku uu yiraahdo:aamiin,maxaa yeelay ammaantu waxay ka mid tahay ducoda ama in uu iska aamuso,qaar ka tirsan fuqahaduna waxayba sheegeen in qofku haddii uu yiraahdo erayadii aan soo sheegnay sida: yaa Allah iyo wixii la mid ah,salaaddiisa ay burayso,waayo wuxuu la yimid hadal salaaddii ka baxsan,sunnahuna aan lagu arag,culumo kalena oo uu ka mid yahay sheekh Cuthaymeen waxayba yiraahdeen:in qofkii erayadaasi sheega wuxuu la yimid fal bidco ah.

Qaar kaloo ka tirsan fuqahadu waxay yiraahdeen markii la soo gaaro ammaanta Rabbi, waxaa ma’muumka laga doonaya in uu yiraahdo:sidii uu imaamku dhaho,laakiin si hoos ah oo aan la maqlayn,masalan hadduu imaamku yiraahdo:innahu laa yadillu man waalayta, wuxuu ma’muumku si hoose ah u leeyahay: innahu laa yadillu man waalayta,in uu kala qayb qaato ayaana fiican sida uu qabo imaam Nawawi,wuxuu kaloo imaam Nawawi qabaa in gaboggabada ducoda qunuutka oo ay dadka qaarkii ku soo gaboggabaynayaan salliga rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama aysan ka mid ahayn hanuunka rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama,sheekhul islaamna ibnu Taymiya sidaa buu qabaa,sheekh Albaanina wuxuu qabaa in xadiiska ku qoran sunnooyinka Annasaai’ ee sheegaya:in gaboggabada ducoda qunuutka ay tahay in lagu salliyo rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu xadiiskaasi yahay xadiis daciif ah,ibnu Xajar iyo culumo kaloo badana sidaas bay qabaan,laakiin ku dariddaasi waxaa iska leh salafkii,qaar asxaabta ka tirsana,sida Ubayyi ibnu Kacbin Allaha ka raalli noqdee waa laga sugay.

Marka la dhammeeyo qunuutkii aan soo qornay waxaa la raacsiinaya ducooyin oo aan ahayn sidii aan soo tilmaanay ducooyin dhaadheer,loomana baahna sida dadka qaar ay sameeyaan oo marka ay leeyihiin:aamiin aad u qaylia,qaarkoodna ay ku darayaan oohin iyo sawaxan, inkastoo ay ahayd in marka qur’aanka la akhrinayo lagu ooyo,haddana wey dhici kartaa in dadka qaarkii aysan is celin karin oo ay ku ilmaynayaan ducoda,laakiinse waxaa loo baahan yahay in oohinta ay ahaato mid hoose oo aan sawaxan lahayn,sideedaba waxaa mamnuuc ah in duco kasta oo la ducaysanayo in codka kor loo qaado. 

Dadka qaarkii waxaad ku arkaysa in marka la soo gaboggabeeyo ducoda qunuutka ay gacmahoodu ku masaxayaan,macnaha ku tirtirayaan wejigooda,taasina wax sunnaha khilaafsan weeyaan,sheekh Albaani wuxuuba sheegay in arrinkaasi uu yahay fal bidco ah, sheekh Albaani iyo sheekhul islaam ibnu Taymiya iyo culmo kaloo badan waxay sheegeen in axaadiista ku soo aroortay:in marka ducoda la soo gaboggabeeyo in gacmaha lagu masaxo wejiga ay tahay axaadiis wada daciif ah.

Allahayow,adduunka iyo aakhiraba wanaag nagu siia,cadaaabta naartana naga fogeey……………………………Aamiin

 Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Waa inoo berri iyo qaybtii 5aad iyo arrimo ku saabsan ramadaanka,Rabbi idankii 

Halkan hoose riix kana akhriso qaybtii 3aad:

( http://www.somaliweyn.com/pages/Maqaal/Ramadaan/Soon_18_July_2012.html)

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

www.amazon.de
zanox Partner värvar partner   
Somaliweyn Media Center (SMC)