|
Ramadaan: Axaadiista daciifka ee loo soo daliilsado soonka (Qaybtii 5aad)
Axad 22 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Axaadiis aad iyo aad u fara badan oo kuwona ay daciif yihiin kuwona ay been abuur yihiin ayaa loo soo daliilsada soonka,waxaana axaadiistaasi been abuurka ah iyo daciifka dusha loo saara in uu yiri:nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama,nebiguna uu bari ka yahay, waxaana axaadiistaasi laga dhigaya sidii axaadiis saxiixi ah oo kale,waxaana axaadiistaasi daciifka ah iyo been abuurka ah ka mid ah:
-Hurdada soonku waa cibaado,xadiisku waa daciif,waxaana daciifiyay Al-Xaafid Al-Ciraaqi wuxuuna ku xusay kitaabkii uu falaqaynta ku sameeyay ee Ixya’ culuumuddiin,waxaana kitaabkaa alifay abu Xaamid Al-Ghasaali,sheekh Albaanina wuxuu xadiiskan ku daciifiyay kitaabkiisa caanka ah ee daciiful jaamic.
-Qofkii hal maalin ka afuro bisha ramadaan cudaddaar la’aan,ma gudi karo xataa hadduu soomo hal sano,xadiisku waa daciif,waxaana daciifnimadiisa ka hadlay Im aam Nawawi isagoo ku soo qaatay kitaabkiisa al-majmuuc,sheekh Albaanina wuxuu ku daciifiyay daciifu sunnan ibnu Maaja.
-Rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu oran jiray markuu afuro:Allahaumma laka sumtu wacalaa risqika afdhartu oo macnihiisu yahay (Rabbiyow daraaddaa ayaan u soomay waxaana ku afuray risiqaaga),xadiisku waa daciif,waxaana daciifiyay Imaam Nawawi wuxuuna ku daciifiyay al-adkaar,sheekh Albaanina wuxuu ku daciifiyay daciiful jaamic.
-Sooma waad caafimaadeysiin,xadiisku waa daciif,waxaana daciifiyay Al-Xaafid Al-Ciraaqi wuxuuna kaga hadlay kitaabkii uu takhriijka ku saaray ee Ixya’ culuumuddin,Ashowkaanina wuxuu ku daciifiyay kitaabkiisa al-fawaa’id al-majmuuca,sheekh Albaanina wuxuu ku daciifiyay kitaabkiisa daciiful jaamic.
-Bisha ramadaan bilowgiisa waa naxariis,bartankiisuna waa denbi dhaaf,aakhirkiisuna waa naarta oo layska xorreeyo,xadiiska waxaa daciif ka dhigay ibnu abi Xaatim wuxuuna ku sheegay kitaabkiisa cilal al-axaadiith,sheekh Albaanina munkar buu xadiisku ku tilmaamay, wuxuuna ku soo qaatay kitaabkiisa daciiful jaamic.
-Ha oranina ramadaan,waayo ramadaan waa magac ka mid ah magacyada Allah,hayeeshe waxaad tiraahdaan bisha ramadaan,xadiisku waa been abuur,waxaana ka hadlay Showkaani isagoo ku soo qaatay kitaabkiisa al-fawaa’id al-majmuuca,ibnu Jowsina wuxuu kaga hadlay kitaabkiisa Al-Mowduucaat,Imaam Nawawina wuxuu ku soo qaatay kitaabkiisa al-adkaar.
-Xadiis uu soo weriyay ibnu Khuzayma,wuxuu Salmaan yiri:rasuulkii Allah sallallaahu caleyhi wasallama ayaa inoo khudbeeyay maalinta ugu danbaysa ee shacbaan,markaasuu rasuullku yiri?,dadow,waxaa idinku soo aaddan bil weyn oo barakaysan,bil laga dhex helayo habeen ka khayr badan kun bilood,Rabbi wuxuu ka dhigay soonkiisa waajib,xadiisku waa dheer yahay,ibnu abi Xaatim wuxuu ku daciifiyay al-cilal,Albaanina wuxuu xadiisku ku sheegay in uu munkar yahay isagoo ku soo qaatay silsilada axaadiista daciifka ah.
-Rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama ayaa la weydiiyay:saddaqada kan ugu fadli badan? ama saddaqo la bixiyo xilliga ugu fiican,wuxuu ku jawaabay:saddaqo la baxsado waxaa ugu fadli badan bisha ramadaan,xadiiska waa daciif,sheekh Albaani ayaana sidaas yiri,wuxuuna ku sheegay kitaabkiisa daciiful jaamic iyo kitaabkiisa irwa’ al-ghaliil.
-Rajab waa bishii Allah,shacbaana waa bishayda,ramadaana waa bishii ummaddayda, Ashowkani wuxuu kitaabkiisa al-fawaa’id al-majmuuca uu ku sheegay in xadiisku yahay daciif,ibnu Jowsina wuxuu kitaabkiisa al-mowduucaat uu ku sheegay in xadiisku yahay been abuur,sheekh Albaanina wuxuu kitaabkiisa daciiful Jaamic uu ku sheegay in xadiisku yahay daciif.
-Qofkii geeridiisa ku soo beeganto ama ku soo hagaagto isagoo gudanaaya ramadaan jannada ayuu galaya,qofkii ku soo hagaagtana isagoo arrafo jooga wuxuu galaya jannada,qofkii geeriyoodana isagoo bixinaaya saddaqo wuxuu galaya jannada,xadiisku waa daciif,waxaana sidaa sheegay sheekh Albaani isagoo ku soo qaatay:silsilada axaadiista daciifka ah.
-Waxaa idin dhalatay bishii ramadaan,addoomada Allah haddii ay ogaan lahaayeen ramadaan waxa ku dhex jira,ummaddaydu waxay rajayn lahayd ramadaan in ay ahaato sannadka oo dhan,xadiiska waa been abuur,Ashowkaani wuxuu sidaas ku sheegay kitaabkiisa al-fawaa’id al-majnmuuca,ibnu Jowsina wuxuu ku sheegay kitaabkiisa al-mowduucaat.
-Aamusnaanta qofka sooman waa tasbiix,hurdadiisuna waa cibaado,ducadiisuna waa aqbal, camalkiisuna waa laballaab,xadiisku waa daciif,waxaana sidaas sheegay sheekh Albaani isagoo ku daciifiyay kitaabkiisa daciiful Jaamic.
-Qofkii sooma isagoo safar ah wuxuu la mid yahay qof ku afursan magaalo,xadiisku waa daciif,waxaana daciifiyay sheekh Albaani isagoo kaga hadlay kitaabkiisa daciiful Jaamic.
-Qofkii sooma ramadaan iyo shawaal iyo maalmaha arbaco,khamiis iyo jimce,wuxuu galaya jannada,xadiiskan wuxuu sheekh Albaani ku daciifiyay silsilada axaadiista aaciifka ah.
-Qofkii ictikaaf ku jira waa raaci karaa maydka,wuuna booqan karaa qofka jirran,xadiiska wuxuu sheekh Albaani ku tilmaamay in uu been abuur yahay,wuxuuna sidaas ku sheegay kutubadiisa ay ka midka yihiin:daciiful jaamic iyo daciifu sunnan ibnu Maaja.
-Subaxa ugu horraysa ee ramadaanka,wuxuu Allah dhaafaya denbiga muslimiinta,xadiiska waa been abuur,waxaana sidaas sheegay sheekh Albaani isagoo kaga hadlay kitaabkiisa caanka ah ee silsilada axaadiista daciifka ah,waxaa kaloo xadiiska beeniyay ibnul Jowsi, wuxuuna kaga hadlay kitaabkiisa caanka ah ee la yiraahdo:al-mowduucaat.
Allahayow,adduunka iyo aakhiraba wanaag nagu siia,cadaabta naartana naga fogeey.......Aamiin
Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)
Waa inoo berri iyo qaybtii 6aad iyo arrimo ku saabsan ramadaanka,Rabbi idankii
Halkan hoose riix kana akhriso qaybtii afaraad:
( http://www.somaliweyn.com/pages/Maqaal/Ramadaan/Soon_21_July_2012.html)
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|