|
Ramadaan: Waxa laga rabo qofka sooman iyo waxyaabaha buriya soonka(Qaybtii 7aad)
Talaado 24 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Waxa laga rabo qofka sooman iyo waxyaabaha buriya soonka(Qaybtii 7aad)
Waxa laga rabo qofka sooman:
-In uu deddejiyo afurkiisa,markuu afuraayana uu ducaysto.
-Inta uusan salaadda u istaagin waa in uu afka wax geliyo kuna bilaabo timir ama biyo.
-In uu dib u dhigo xilliga suxuurta.
-In uu waqtigiisu inta badan siiyo xuska Allah iyo samayn camal wanaagsan.
-In uu salaadaha dhammaan uu waqtigeeda ku tukado.
-In uu badiyo werdiga kuna werdiyo gacantiisa midig oo keliya gaar ahaan marka la tukado ee ma'ahan marka ay salaadda dhammaato in durba la istaago oo la cararo.
-In la badiyo qur'aan akhriska iyo axaadiista nebiga sallallaahu caleyhi wasallama lagana tegin sunnooyinka salaadda,gaar ahaan kuwa raatibka ah.
-In haddii uu qofku cudur dartii u afursan yahay,yuusan walaalkii oo sooman hortiisa wax ku cunin waxna ku cabbin.
-In haddii uu qofku afuro salaadda taraawiixna uu tukado,yuusan dhegahiisu u raacin hadal xun maqalkiisa,sida xanta iyo wax la mid ah,indhohiisuna yuusan ku eegin wax xun, gacmohiisuna yuusan ku qabsan wax kasta oo aan Allah raalli ka ahayn,afkiisuna yuusan gelin quud aan xalaal ahayn.
-In uusan u muuqan qof aan waxba qabsan karin oo caajis ah amase in habeenkii lagu dhafro wax aan macne lahayn,maalintiina uu ninka sariirta iska saarnaado, haweenaydana waa in aysan waqtigeeda ku lumin madbakha iyo daawasho musalsal aan macne lahayn.
-In uu joojiyo sigaar cabbidda,hadduu sigaar cab ahaa.
-In uu ka istaago cunista qaadka,haddii uu qaad cun ahaa.
-In uu towbad la yimaado oo uu ka towbad keeno,waxyaabihii munkarka ahaa ee uu sameeyay,hadduu weli ku jirana uu ka baxo.
Mana dhici karto in la isla wadi karo soon iyo waxyaabaha xaaraanta ah,maxaa yeelay qof kasta oo muslim ah oo sooman wuxuu doonaya in uu Allah ka aqbalo soonkiisa,Allahna aqbali maayo qofka soonkiisa,waqti uu qofku ku dhex jiro fuxshi iyo munkar,xataa qofka sooman,waxaa laga doonaya in uusan rafiiq ka dhiganin qof aan soomaynin ama qof ku dhex jiro waxyaabo xaaraan ah.
Waxyaabaha buriya soonka:
-Cunto iyo cabbid oo caloosha gaaro si kastaba haku gaaree ama afka hakaga soo gaaro ama sanka hakaga soo gaaro ama xididdada hakaga soo gaare,hayeeshe sida ku xusan labada sheekh saxiixooda,soona weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:haddii uu qofku cuno ama cabbo isagoo sooman,hayeeshe uu illowsanaa in uu soomanaa,markaana uu is qabto soonkiisu wuu u jiraa,illow baana meesha soo galay.
-Maalin caddeey ah oo ay ninka iyo naagtu isku galmoodaan iyagoo sooman,culumaduna waxay isku raaceen in dadkaasi laga doonayo in ay soonkoodu gudaan,denbi dhaafna Allah weydiistaan,lana yimaadaan kafaaro gud oo ah:xorrayn addoon ama soomid labo bilood oo isku xigta ma quudin lix miskiin.
-Qofka isagoo soo jeeda oo mina ka timaado,minadaasi haku timaado si toos ah ama si dhunkasho ahba.
-Gacanta oo biyo laysaga keeno,hayeeshee haddii ay minadu riyo ku timaado soonku jebin maayo.
-Hadduu qofku maalin caddeey ah uu niyaysto in uu afuro,xataa hadduusan waxba cabbin ama uusan waxba cunin.
-Haddii uu qofku iska keeno mantag.
-Cadaynta ilkaha waxaa ka jira khilaaf,Shaaficiyadu wey mamnuucayaan in ilkaha la cadeeyo iyadoo la sooman yahay,siiba duhurka kaddib waxayna qabaan in ay karaahiyo tahay waxaana sidaas ku raacay Imaam Axmed,laakiinse Xanafiyiinta iyo Maalikiyadu waxay qabaan in waqtigaasi aysan ahayn karaahiyo,maxaa yeelay urka is beddalayo ee ka imaanayo afka qofka sooman wuxuu ka yimaada caloosha,waayo wax cunto ah iyo cabbid kuma jiro, kamana yimaado urka afka iyo ilkaha,sunnooyinka abu Daawuud iyo Tirmidi waxaa ku xusan in Caamir bin Rabiica uu yiri:waxaan arkay nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama isagoo cadaynaya maalin soon ah.
Haseyeeshe bay leeyihiin takhaatiirtu,haddii uu qofku urka ku saa’ido waa in uu takhaatiirta la xiriiro,jumhuurkuna waxayba isku raaceen in ilkaha la cadayn karo iyadoo la sooman yahay,carafka urkuna waxaaba laga dareemaya qofka sooman ee kuma xirna cadayga, macnaha haddii uu qofku cadeeyo kama tegayso carafkii soonka,qofka soomani urkiisa wuxuu Allah xaggiisa ka yahay caraf,cadayntuna sida la ogsoon yahay waa sunne,waxaana ku soo aroortay axaadiis badan oo wada saxiix ah,xataa qofka weesaqaadanayo waxaa laga doonaya in uu saddex goor luqluqdo,sidaas daraadeed baa loo baahan yahay in markasta la cadeeyo ilkaha hurdada ka hor iyo kaddiba.
Allahayow,adduunka iyo aakhiraba wanaag nagu siia,cadaabta naartana naga fogeey
Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)
Waa inoo berri iyo qaybtii 8aad iyo arrimo ku saabsan ramadaanka, Rabbi idankii
Halkan hoose riix kana akhriso qaybtii 6aad:
( http://www.somaliweyn.com/pages/Maqaal/Ramadaan/Soon_23_July_2012.html)
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|