|
Ramadaan: Dhacdooyinka bisha ramadaan (Qaybtii 9aad)
Khamiis 26 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dhacdooyinka bisha ramadaan (Qaybtii 9aad)
- Bisha Shacbaan sannadkii labaad ee hijrda ayaa soon la waajibiyay,soonka Caashuura’ ayaa markii hore ahaa waajib,hayeeshe markii soonka la waajibiyay baa maalinta Caashuura’ laga dhigay sunne ama wax fiican.
-Suxuftii (waraaqihii) nebi Ibraahim nabadgelyo korkiisa ha ahaatee waxaa la soo dejiyay habeenkii ugu horraysay ee bisha ramadaan.
-Diintii Tawreed waxaa nebi Muuse nabadgelyo korkiisa ha ahaatee lagu soo dejiyay markii la dhafay lixda bisha ramadaan.
-Diintii Zabuur waxaa nebi Daawuud nabadgelyo korkiisa ha ahaatee lagu soo dejiyay markii la dhaafay 18ka bisha ramadaan.
-Diintii Injiil waxaa nebi Ciise nabadgelyo korkiisa ha ahaatee lagu soo dejiyay markii la dhaafay 13ka bisha ramadaan.
-Qur’aankuna waxaa nebiga sallallaahu caleyhi wasallama lagu soo dejiyay 24ka bisha ramadaan,waxaana arrintani ku cad xadiis saxiix ah,soo dejinta qur’aankuna ee lagu soo dejinaayay nebiga sallallaahu caleyhi wasallama waxay socotay muddo ku dhow 23 sannadood.
-Sannadkii 8aad ee hijrada ramadaana ay ku beegnayd 21 waxaa la furtay oo ay muslimiintu gacanta ku dhigeen magaalada Maka,waxaana halkaas lagu baabi'iyay asnaamtii la caabudi jiray,waxayna noqotay markii ugu horraysay oo xaramka laga addimo.
-Sannadkii 10aad ee ramadaan waxaa geeriyooday abu Dhaalib oo ahaa adeerkii nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama.
-Saddexdii bisha ramadaan,sannadkii 11aad ee hijrada waxaa geeriyootay Faatima oo ahayd gabadhii rasuulkeena Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama.
-17kii ramadaan,sannadkii labaad ee hijrada waxaa dhacay dagaalkii weynaa ee Badar, ciidankii muslimiinta ee dagaalamayay waxay tiradoodu dhammayd 313 ruux,waxayna siteen hub fudud iyo 70 neef oo geel ah iyo raxan fardo ah,ciidankii gaalladuna waxay dhammaayeen 950 iyo 700 neef oo geel ah iyo boqol faras ah iyo hub badan,labada ciidan waxay isaga horyimaadeen biyahii la oran jiray Badar oo u dhexaysa Maka iyo Madiina.
Muslimiintu markii ay arkeen in laga tiro badan yahay bay Rabbi u carareen oo ay kaalmo weydiisteen,Rabbina wuu u aqbalay ducodooda,Rabbi wuxuu yiri: waxaad kaalmo weydiisateen Rabbigiin wuuna idin aqbalay,wuxuuna idinku deeqay kun malaa’ikta ka tirsan oo wada socda (suuradda Anfaal,aayad lambar 9), waxaana guushii helay muslimiinta.
-Sannadkii 58aad ee hijrada ramadaana lagu dhex jiro,waxaa geeriyootay Caa'isha Allaha ka raalli noqdee oo ahayd marwadii rasuulkeena sallallaahu caleyhi wasallama.
-18kii ramadaan sannadkii 21aad ee hijrada waxaa geeriyooday geesigii muslimiinta Khaalid bin Waliid Allaha ka raalli noqdee.
-Sannadkii 40aad ee hijrada ramadaana ay ku beegnayd 17 waxaa la dilay Cali bin abi Dhaalib Allaha ka raalli noqdee.
-Nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu geeriyooday kaddib markuu soomay sagaal goor.
-Nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu guursaday iyadoo bisha ramadaan lagu dhex jiro,Zowda bintu Zamca Allaha ka raalli noqdee,kaddib markii ay geeriyootay Khadiija Allaha ka raalli noqdee oo geeriyootay maalinta 10aad ee ramadaan.
-Bisha ramadaan waxaa ku dhex jira habeen lagu magacaabo leylatul Qadri,habeenkaasoo ka khayr badan kun bilood (83 sannadood iyo afar bilood).
-Sannadkii saddexaad ee hijrada ramadaana bartanka loogu dhex jiro,waxaa dhashay Xasan bin Cali Allaha ka raalli noqdee.
Allahayow,adduunka iyo aakhiraba wanaag nagu siia,cadaabta naartana naga fogeey………………….……………………Aamiin
Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)
Waa inoo berri iyo qaybtii 10aad iyo arrimo ku saabsan ramadaanka,Rabbi idankii
Halkan hoose riix kana akhriso qaybtii 8aad:
( http://www.somaliweyn.com/pages/Maqaal/Ramadaan/Soon_25_July_2012.html)
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|