Somali News
    Hees  

Ramadaan: Maalmaha aan la soomi karin iyo soonka maalinta sabtida ah (Qaybtii 10aad) 

Jimco 27 July 2012 SMC

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Maalmaha aan la soomi karin iyo soonka maalinta sabtida ah (Qaybtii 10aad) 

Maalmaha aan la soomi karin:

-Labada maalmood ee ciidaha oo kala ah:ciidda soonfur iyo ciidda arrafo ama waxa loo yaqaano ciidda yar iyo ciidda weyn,labadaasi maalmoodna waa labo maalmood oo ciid ah oo farax ah weeyaan,mana ahan in la soomo labadaasi maalmood,ciidna waa marka xajka la soo gaboggabeeyo,ciidna waa marka la soo afjaro soonka,dadka muslimiinta ahna wey is booqanayaan labadaasi maalmood ee ciidda ah,waliba iyagoo faraxsan oo damaashaadaya bay is booqanayaan,cunto iyo cabbid kala nooc nooc ahina wey cunayaan iyo weliba cabbitaano.

-Saddexda maalmood ee lagu magacaabo "Al-Tashriiqa" waana maalmo farax ah weeyaan, nebigeena sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu yiri:maalmahaasi waa maalmo cunid iyo cabbid ah,waxaana xadiiskan soo weriyay Nabiisha Al-Hadaliyi,waxaana sunnooyinkooda ku soo saareen Tirmidi,Nasaa’i iyo abu Daawuud, sheekh Albaanina wuxuu ku saxiixay kitaabkiisa saxiixul jaamic

-Maalmaha ay haweenaydu qabto dhiigga caadada ama xaydka loo yaqaano,maalmahaasina waxaa haweenka loo fasaxay in ay wax cunaan waxna cabbaan, hayeeshe marka uu ka istaago dhiigga caadada waxaa laga doonayaa in ay gudaan maalmihii ay afursanaayeen.

-Maalinta shakiga oo ah maalinta ugu danbeysa ee bisha Shacbaan.

-Maalinta jimcaha oo si gooni ah loo soomo,labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama la weydiiyay soonka maalinta jimcaha,nebigu wuu reebay in la soomo maalinta jimcaha ah.

-Maalinta arrafo ee aan soomaynin dadka ku sugan Carafaatka,iyagoo loo diidayo in ay ku dhibtoodaan soonka maalintaasi.

-Soonka sannadka,waa kalifaad weyn,qofna looma fasaxin in uu sannadka oo dhan soomo, balse wuu yeeli karaa sida soonkii nebi Daawuud calayhissalaam, maalina uu soomo,maalina uu afuro.

Soonka maalinta sabtida ah:

-Qaar ka tirsan ahlu cilmigu waxay qabaan in soonka maalinta sabtida ah ay karaahiyo tahay,iyagoo soo daliilsanaya xadiiska ku xusan sunnooyinka abu Daawuud iyo Tirmidi iyo ibnu Maaja soona weriyay Cabdullaahi bin Busri kana soo weriyay walaashiisa in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:ha soomina maalinta sabtida ah,soonka la idinku faral yeelay mooyaane,macnaha la idinku waajibiyay mooye,ibnu Qudaama wuxuu kitaabkiisa ee Al-Muqni uu ku yiri:asxaabteena waxay sheegeen:in soon loo gaar yeelo maalinta sabtida ah ay karaahiyo tahay,laakiinse haddii maalin kale lagu lammaaneeyo ma’ahan karaahiyo, imaam Nawawina wuxuu kitaabkiisa Al-Majmuuc uu ku sheegay:waa karaahiyo in soon loo gaar yeelo maalinta sabtida,laakiinse haddii maalin ka hor ama maalin ka bacdi lala soomo ma noqonayso karaahiyo.

Sheekh Cuthaymeen wuxuu yiri:xadiiskii aan soo sheegnay,wuxuu abu Daawuud yiri: Maalik bin Anas wuxuu yiri:xadiisku waa been abuur lagu been abuurtay rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama,haddii maalinta sabtida ah ay ku soo beeganto,maalin sharci ah waa la soomi karaa,sida soonka maalinta Carafo,mana ahan karaahiyo,Cuthaymeen wuxuu ku yiri kitaabkii uu sharaxa ku saaray Buluuq Al-Maraam:in xadiisku yahay munkar,ibnu Bazna wuxuu kitaabkiisa Tuxfatul Kariima uu ku yiri:in xadiisku uu sanadkiisu aaan degganayn matnigiisuna aan caadi ahayn,abu Daawuud wuxuu kaloo sheegay in xadiisku la nasakhay, laakiinse sheekh Albaani wuxuu xadiiskan uu ku saxiixay saxiixul jaamic,wuxuuna sheekhu caddeeyay in aan la soomi karin maalinta sabtida ah xataa haddii ay ku soo hagaagto maalinta Carrafo iyo maalmaha kale ee sunnaha ahiba.

Musnadka imaam Axmed iyo Nasaa’i sunnooyinkiisa weyn iyo ibnu Xibaan iyo ibnu Khuzayma saxiixooda waxaa ku xusan xadiis ay soo werisay Ummu Salama Hind binti abi Ummaya Allaha ka raalli noqdee,waxayna tiri:rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu soomi jiray maalinta sabtida iyo maalinta axadda, wuxuuna yiri:waa labo maalmood oo ah ciidda gaallada,aniguna waxaan jeclahay in aan khilaafo gaallada,bin Bazna wuxuu sheegay in aysan jirin wax diidayo in maalinta sabtida ah la soomo,sidaas buuna qabaa sheekhul islaam ibnu Taymiya iyagoo soo daliilsanaya xadiiska aan kor ku soo sheegnay,laakiinse sheekh Albaani wuxuu markii hore sheegay in xadiiskan aan soo sheegnay uu wanaagsan yahay wuxuuna ku sheegay saxiixul jaamic,hayeeshe markii danbe wuu ka soo laabtay wuxuuna kitaabkiisa silsilada axaadiista daciifka uu ku sheegay in xadiiska uu yahay daciif.

Waxaa kaloo jira xadiis ku xusan labada sheekh saxiixooda soona weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri: qofkiina yuusan soomin,maalin jimce ah,hadduusan maalin ka horumarinayn ama uusan  maalin ka danbaysiinayn,waxaana u daliil ah in maalinta sabtida la soomi karo,haddii lagu lammaanaynayo maalinta jimcaha.  

Allahayow,adduunka iyo aakhiraba wanaag nagu siia,cadaabta naartana naga fogeey……………………Aamiin

Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Waa inoo berri iyo qaybtii 11aad iyo arrimo ku saabsan ramadaanka,Rabbi idankii 

Halkan hoose riix kana akhriso qaybtii 9aad:

(http://www.somaliweyn.com/pages/Maqaal/Ramadaan/Soon_26_July_2012.html)

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

www.amazon.de
zanox Partner värvar partner   
Somaliweyn Media Center (SMC)