|
Ramadaan: Fadliga tobanka ugu danbeeya ee ramadaanka (Qaybtii 11aad)
Sabti 28 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Fadliga tobanka ugu danbeeya ee ramadaanka (Qaybtii 11aad)
Tobanka ugu danbeeya ramadaanka:
Tobanka ugu danbeeya ee ramadaanka waxaa laga helaya khayr iyo ajar badan,nebiga sallallaahu caleyhi wasallama aad buu ugu dadaali jiray marka la galo tobanka ugu danbeeya ee ramadaanka,labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan in Caa’isha Allaha ka raalli noqdee ay tiri:nebiga sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu samayn jiray marka ay soo gasho tobanka ugu danbeeya ee ramadaanka,qof u taagan salaad iyo xuska Allah,ehelkiisana wuxuu u toosin jiray salaadda.
Waxaa tobankaas habeen ee fadliga badan ku dhex jira hal habeen oo loogu magac daray laylatul qadri,waxayna culumada intooda badan isku raaceen in habeenka qaddarka ay tahay habeen witri ah,macnaha in ay tahay habeenka 21aad ama 23aad ama 25aad ama 27aad ama 29aad,Allah wuxuu yiri:annagu waxaanu dejinay qur’aanka habeen barako leh,macnaha habeenka qaddarka ah weeyaan,waxaana ahaanay digeyaal,waxaana habeenkaasi la kala saari amar kasta oo xikmadaysan,waana amar xaggayaga ka ahaaday,annagaana wax diri,macnaha rususha weeyaan,(suuradda addukhaan,aayad lambar 3-5).
Habeenka qaddarka waa habeenkii xukunka,waana habeenkii la soo dejiyay qur’aanka kariimka ah,sida ku cadna suuradda Al-Qaddar,habeenka qaddarka ah waxay ka khayar badan tahay kun bilood,saxiixul Bukhaari waxaa ku xusan in Caa’isha Allaha ka raalli noqdee ay tiri:rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama ayaan ku iri:ii sheeg haddii aan ogaado laylatul qadri,waxa aan oranayo,wuxuu rasuulku ku jawaabay:waxaad dhahda:Allahumma innaka cafuwwun,tuxibbul cafwa,facfu cannii,oo macnihiisu yahay:Allahayow,waxaad tahay cafiye, waxaadna jeceshahay cafinta ee i cafi.
Labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee kaasoo sheegayo,in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:qofkii u istaaga habeenka qaddarka,isagoo rumaysan iyo ajar doonis waxaa loo dhaafaya denbigiisa hore, waxaana qofka muslimka ah looga baahan yahay in tobanka ugu danbeeya ee ramadaanka uu aad u badiyo salaadda,qur’aan akhriska iyo xuska Allah,waxaana shaki ku jirin in qofku haddii uu tobankaasi habeen ku dadaalo wax khayr ah in uu la kulmayo habeenka qaddarka ah,wixii uu Allah weydiistana uu helayo.
Ictikaafka:
Ictikaaf macnihiisu waa laasimid shay,naftuna lagu xabbiso,macnaha nafta oo meel lagu laasimiyo ama lagu xabbiso weeyaan,waxayna noqon kartaa khayr ama waxay noqon kartaa shar,macnaha naftu wax khayr ahina waa lagu laasimi karaa wax shar ahina waa lagu laasimi karaa,sow lama arag kuwa naftooda ku laasimiyay caabudidda qubuurta,sow lamana arag kuwona in ay naftooda ku laasimiyeen caabudidda Allah iyo baytka Allah iyo qur’aan akhris iyo barashada axaadiista nebigeena Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama.
Qofka ictikaafayo oo Allah dartii u ictikaafayo,wuxuu ku ictikaafaya masjid ka mid ah masaajidda Allah,labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan xadiis ay soo werisay Caa’isha Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu ictikaafay tobanka ugu danbeeya ee ramadaanka,wuxuuna waday ilaa uu Allah ka oofsaday, kaddibna waxaa ictikaafkii waday xaasaskiisa.
Sharci ahaan waa in masjid lagu ictikaafo oo la dego iyadoo la niyaysanayo Allah u dhowaansho,ictikaafku ma lahan waqti go’an,sida uu yahay qowlka ahlu cilmiga,shardina uma ahan soon,laakiinse fadli badan buu leeyahay in lala soomo,waxaana sii fiican in la ictikaafo tobanka ugu danbeeya ee ramadaanka,wax dhib ahna laguma sheegin inta uu qofku ku jiro ictikaafka haddii uu asxabtiisa kala sheekaysto khayrka iyo is faridda macruufka,sidii uu samayn jiray nebiga sallallaahu caleyhi wasallama.
Dadka ictikaafayo waxaa looga baahan yahay in ay ku daydaan sidii uu rasuulkeena sallallaahu caleyhi wasallama u ictikaafayay,mana ahan dadka masjidka ku ictikaafaya in ay arrinkooda u beddalaan baashaal iyo sheeko in loogu soo doonto,waa in ay badiyaan sidii aan soo sheegnayba qur’aan akhriska,xuska Allah iyo wax kasta oo khayr ah,waxaana qofka looga baahan yahay inta uu ictikaafka ku jro in uusan u dhowaan xaaskiisa,Allah wuxuu yiri:hana u tegina haweenka idinkoo ku ictikaafaya masjidka (suuradda Al-Baqar,aayad lambar 187).
Shuruudaha laga doonayo qofka ictikaafayo waa inuu dabcan muslim yahay,fayow yahay, macnaha in uusan ahayn qof waalan,shar iyo khayr ama xalaal iyo xaaraamna uu kala saari karo,qofka ictikaafayo waa in uu daahir yahay,haddii ay haweenay tahayna aysan qabin caadada dhiigga ah,waana in qofka ictikaafayo uu niyaysto ictikaafka.
Cumrada:
Cumradu waa booqasho la booqanayo kacbada,si loo soo guto xaj ama cumro,qofkii soo cumraystana waxaa laga tirtiraya dunuubtiisa,dabcan waa haddii uu shuruudeeda ka soo baxo weeyaan,labada sheekh saxiixooduna waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallalaahu caleyhi wasallama uu yiri: cumro ilaa cumrada kale waxaa u dhexaysa kafaaro,xajkii la aqbalana abaalkiisu waa janno.
Cumradu ma lahan waqti go’an,waxaase ugu fadli badan bisha ramaadaan in la cumraysto, nebigana sallallaahu caleyhi wasallama aad buu u ammaanay dadka cumraysanaya,saxiixul Bukhaarina waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Jaabir Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:cumro oo la guto ramadaan waxay u dhigantaa xaj,macnaha ajarkii xajka ayaad helaysa weeyaan,laakiinse faralkii xajka waa lagaa doonaya.
Allahayow,adduunka iyo aakhiraba wanaag nagu siia,cadaabta naartana naga fogeey.......................Aamiin
Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)
Waa inoo berri iyo qaybtii 12aad iyo arrimo ku saabsan ramadaanka,Rabbi idankii
Halkan hoose riix kana akhriso qaybtii 10aad:
(http://www.somaliweyn.com/pages/Maqaal/Ramadaan/Soon_27_July_2012.html)
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|