|
Ramadaan: Sunnooyinka soonka iyo sakaatul fitriga (Qaybtii 12aad)
Axad 29 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Sunnooyinka soonka iyo sakaatul fitriga (Qaybtii 12aad)
Sunnooyinka soonka:
Waa tii aynu horay u soo sheegnay in bisha ramadaan soonkeedu ay waajib ku tahay dhammaan ummadaha muslimiinta ah,waxaase jira maalmo kale oo ay tahay in la soomo, haseyeeshe aysan waajib ahayn balse ay tahay sunne,waxaana ka mid ah:
-Lixda maalmood ee bisha shawaal (soonfur) ama waddaca loo yaqaano,saxiixu Muslim, waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abi Ayuub Al-Ansaariyi Allaha ka raalli noqdee, kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:qofkii ramadaanka sooma, lixda shawaalna ku dara waxay la mid tahay sidii qof soomay sannadka oo dhan.
-Maalmaha 13aad,14aad iyo 15aad,Musnadka abi Yacla iyo Sunnooyinka Annasaai’,waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Jariir bin Cabdalla,Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulku sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:bil kasta oo saddex maalmood laga soomo, waxay u dhigantaa soonka sannadka,waana maalmaha:13aad,14aad iyo 15aad,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan ku saxiixay saxiixul jaamic.
-Nuska ugu horreeya ee bisha shacbaan ama in maalmo badan laga soomo bisha shacbaan, labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan in Caa’isha Allaha ka raalli noqdee ay tiri:ma’arag rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama bil uu ka soon badnaa bisha shacbaan,sida aynu ognahayna soonka shacbaan waxay kaloo faa’iido u tahay u diyaar garowga ramadaanka.
-Soonka maalinta isniinta,saxiixu Muslim waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Qataada Al-Ansaariyi Al-Xaarith,wuxuuna yiri:rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama ayaa la weydiiyay soonka maalinta isniinta?,wuxuu ku jawaabay:waa maalintii aan dhashay qur’aankana laygu soo dejiyay.
-Maalinta sagaalaad ee bisha arrafo iyo maalinta Caashuura’,saxiixu Muslim waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Qataada Al-Ansaariyi,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama la weydiiyay soonka maalinta Arrafo?,wuxuuna ku jawaabay: soonka maalinta Arrafo wuxuu dhaafa oo uu tirtira denbiyada sannadkii tegay iyo wixii ka soo haray,hayeeshe dadka Carafaatka ku sugan iyagu soomi maayaan.
-Soonka maalinta Caashuuraa’,saxiixu Muslim waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Qataada Al-Ansaariyi,wuxuuna yiri:rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama ayaa la weydiiyay soonka maalinta Caashuuraa’?,wuxuu ku jawaabay:wuxuu dhaafa oo uu tirtira denbiga sannadkii hore.
Sakaatul fitriga:
Sharci ahaan sakaatul fitrigu waa waajib,qof kasta oo soomay ayaana laga doonaya in uu la yimaado,waxaana Allah loogu mahadcelinaya nicmada waafijinta soonka iyo u istaagidda salaadda habeenkii,waxaana loo baahan yahay in laga bixiyo qofka da’da ah,qofka yar,labka iyo dheddigga,ibnu Cumar Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu ku waajibiyay sakaatul fitriga:qof kasta oo xor ah ama addoon ah (waa dadkii la haysan jiray) ama lab ah ama dheddig ah ama qof weyn ah ama qof yar ah oo ka tirsan dadka muslimiinta ah,hal madaal ama suus oo timir ah ama hal suus oo heed (shaciir) ah,wuxuuna amray rasuulku in la bixiyo inta aysan dadku u bixin salaadda,waxaana xadiiskan soo weriyeen Bukhaari iyo Muslim.
Sakaatul fitriga waxaa fiican in la bixiyo inta u dhexaysa salaadda fajarka iyo salaadda ciidda,haddii maalin iyo labo maalmood ciidda ka hor la bixiyana dhib ma lahan,ibnu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu waajibiyay sakaatul fitriga,si uu qofka soomay uga dhaahiriso hadalladii xumaa ee afkiisa ka baxay iyo wixii fuxshi ah ee ka dhacay oo hadal ah,masaakiintana ay ugu noqoto kaalmo xagga cuntada ah,qofkii salaadda ka hor bixiyo waxay u noqonaysa sako la aqbalay,qofkii bixiyana salaadda ka bacdi waxay u noqonaysa saddaqo,xadiiskan waxaa sunnooyinkooda ku soo saareen abu Daawuud iyo ibnu Maaja,sheekh Albaanina wuxuu ku saxiixay saxiixul jaamic.
Dadka Shaaficiyada ah waxay qabaan in sakaatul fitriga la bixin karo maalinta ugu horraysa ee ramadaanka,a’imaada kalena waxay qabaan in la bixin karo maalin ama lamo maalmood ka hor maalinta ciidda,dad badana waxay qabaan in ay fiican tahay in la bixiyo salaadda ciidda ka hor,sida ku xusan axaadiista nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallamana sidaas weeyaan,waana sharci in la bixiyo salaadda cidda ka hor,waxaana nalaga doonaya in aan raacno sida uu amray rasuulkeena sallallaahu caleyhi wasallama.
Waxa la bixinayo sakaatul fitriga waxay kaloo noqon kartaa sida ay fuqahadu sheegeen waxyaabaha ay quutaan ahlu baladka,macnaha waxa ay markaasi cunaan dadka ahlu baladka ah,nebiga sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu ku xaddiday bixinta,saac waana mug u dhiganta 2.5 kilogram,haddii ay tahay bur ama bariis iyo wax la mid ahba,labada sheekh saxiixooduna waxaa ku xusan in abi Saciid Al-Khudriyi Allaha ka ka raalli noqdee uu yiri: waqtigii uu rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama nala joogay waxaanu bixi jirnay sakaatul fitriga,madaal ama suus oo badar ah ama madaal timir ah ama suus beed ah ama madaal sabiib ah,waxaana xadiiskan saxiixooda ku soo saareen Bukhari iyo Muslim.
Allahayow,adduunka iyo aakhiraba wanaag nagu siia,cadaabta naartana naga fogeey………………………………..Aamiin
Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)
Waa inoo berri iyo qaybtii 13aad iyo arrimo ku saabsan ramadaanka,Rabbi idankii
Halkan hoose riix kana akhriso qaybtii 11aad:
( http://www.somaliweyn.com/pages/Maqaal/Ramadaan/Soon_28_July_2012.html)
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|