|
Ramadaan: Gaboggabada bisha barakaysan ee ramadaanka (Qaybtii 13aad)
Isniins 30 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Gaboggabada bisha barakaysan ee ramadaanka (Qaybtii 13aad)
Marka la gaaro gaboggabada ramadaanka,dad badan baa qoomammaynaya,dadna wey farxayaan,dadna cibaado bay ku dhammaysanayaan,dadna xumaan iyo macsi bay ku dhammaysanayaan,ciyaadan billaahi,habeenka iyo maalintu si xawli ah bay isu beddalayaan, waxaadba mooddaa in aakhiru samanku soo dhow yahay,bani’aadankuna haddii aad fiirisid wuxuu ku jiraa safar,dadna waxay isku diyaarinayaan naarta,walciyaadu billaahi,kuwo kalena waxay isku diyaarinayaan jannada,Allaha naga dhigo kuwa isku diyaariya jannada,toban maalmood ayaan soo dhammaynay,Alxamdu lillaah,waxaadna arkaysa maalmo kaddib iyadoo lagu jiro dhammaadka oo aynu soo gaboggabaynayno ramadaankii.
Bisha ramadaan marka la gaaro dadna waxay raacayaan wixii Allah faray,dadna wey ka kibri oo fuxshigii ay ku jireen bay sii wadanayaan,haddii aad ku tiraahdana Allah ka baq wey sii kibrayaan,dadna xataa hadalkii ayay joojinayaan waxayna u dhaqaaqayaan qur’aan akhris iyo barashada axaadiista nebigeena Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama.
Maxay qoomammayn doonaan kuwii aan soomin,maxay shallaayi doonaan kuwii soonka ku jeesjeesayay oo dadkii soomana hortooda wax ku cuni jireen,maxay kuwaasi oran doonaan maalinta qiyaame,maalinta xisaabta,maxay ku hadli doonaan haddii ay nafta ka baxdo iyagoo qaadka cunaya,iyagoo sigaarka cabbaya, iyagoo ribada cunaya,iyagoo separate ah,iyagoo dhex fadhiya meel ay naago qaawan ka heesayaan,maxay oran doonaan maalinta qiyaame haddii ay nafta ka baxdo iyagoo xamanaaya walaalahooda muslimiinta ah?
Dadkii soomay oo Allah dartii uga haray cunidda iyo cabbidda, waxaa looga baahan yahay in dhaacada Rabbi ay sii wadaan kuna joogaan inta ay nool yihiin ee ma’ahan oo keliya in marka soonka la soo gaboggabeeyo faraha laga qaado qur’aan akhriska,xuska Allah,sunnooyinka salaadda iyo sunnooyinka soonka iyo kala ogaanshaha axaadiista saxiixda ah iyo kuwa daciifka ah,waana in la sii wadaa tukashada salaatullaylka.
Qofkii soo gaboggabeeyo soonka wuxuu xaq u leeyahay in uu ciiddeedana farxo,faraxaasoo loo baahan yahay in aysan u gudbin cayaar aan sharci ahayn,dadkana aan lagu dhibaynin,Cali bin abi Dhaalib Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:addoonku hadduusan maalin kasta Allah ku caasiyin,waxay maalintaasi u tahay ciid.
Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)
Allahayow,adduunka iyo aakhiraba wanaag nagu siia,cadaabta naartana naga fogeey……………………..Aamiin
Waa inoo berri iyo qaybtii 14aad iyo arrimo ku saabsan ramadaanka,Rabbi idankii
Halkan hoose riix kana akhriso qaybtii 12aad:
(http://www.somaliweyn.com/pages/Maqaal/Ramadaan/Soon_29_July_2012.html)
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|