Somali News
    Hees  

Ramadaan: Ciidda iyo salaadda soonfur iyo arrafo (Qaybtii 14aad)

Isniins 31 July 2012 SMC

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Ciidda iyo salaadda soonfur iyo arrafo (Qaybtii 14aad)

Labada ciidood ee ciidda soonfur iyo ciidda arrafo waa labo ciidood oo ay muslimiintu ciidaan oo ay farxaan weeyaan,waana ciid ay muslimiintu leeyihiin weeyaan,midna waxaa la ciidaya marka ay muslimiintu dhammeeyaan soonkooda,midna waa maalinta Carafaat laga soo laabto oo xajka la soo gaboggabeeyo, xadiis uu sunnooyinkiisa ku soo saaray abu Daawuud soona weriyay Anas bin Maalik Allaha ka raalli noqdee,wuxuu sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama markii uu u haajiray Madiina uu arkay dadkii oo labo maalmood cayaarayay,wuu ka reebay,markaasuu yiri:Allah wuxuu idinku beddalay labo maalmood oo ka khayr badan,waana ciidda soonfur iyo ciidda arrafo,xadiiska waxaa saxiixay sheekh Albaani,wuxuuna ku saxiixay saxiixu sunnan abu Daawuud.   

Muslimiintu meel kastoo ay joogaanba waxaa ciid u ah labadaasi ciidood,Bukhaari iyo Muslim waxay saxiixoodu ku soo saareen xadiis ay soo werisay Caa’isha Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:qoon kasta wuxuu leeyahay ciid,innaguna ciiddeenu waa ciddan, macnaha ciidda soonfur iyo ciidda araffo weeyaan,waana in loo dabbaaldego weeyaan oo la damaashaado,waana in laysku hanbalyeeyo layskuna duceeyo, carruurtana laga faraxsiiyo oo haddiyad iyo dhar qurxoon loo iibiyo,waana maalin la doonayo in laga nasto shaqada iyo waxbarashada,xataa muslimiinta deggan arloda gaallada ah waa in ay ciidaan shaqadana ay ka joogaan,carruurtana waa in fasax looga soo qaado dugsiyada ay dhigtaan loona sheego carruurta in maanta ay tahay maalin farxadeed oo ciid ah.

Xadiis ay sunnooyinkooda ku soo saareen Tirmidi iyo ibnu Maaja soona weriyay Anas bin Maalik wuxuu sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu ku afuraayay timir intuusan salaadda ciidda soonfur aadin,midda ciidda arrafona waxba ma cuni jirin ilaa uu ka soo tukado salaadda,waxaana xadiiskan saxiixu Tirmid iyo saxiixu ibnu Maaja ku ansixiyay sheekh Albaani,waxaa kaloo loo baahan yahay in aynan ka qaybgelin ciidaha gaallada ah, waana in aynan muujin faraxooda,carruurteenana aanu u oggolaan in ay ka qaybgalaan ciidaha gaallada ah iyo kuwa bidcoda ahba,waa in aan carruurteena u sheegno in aynu leenahay labo ciidood oo keliya kalana ah ciidda soonfur iyo ciidda arrafo,haddii ay dhacdo in aan ka qayb qaadano ama aan ka qaybgalno ciidaha gaallada ah,waxay taasi noqonaysa in aynu u sharciyeenay ciiddooda.

Tukashada salaadda ciidda waa in lagu tukadaa meel bannaan ah,haddii ay suuraggal noqon weydana wax dhib leh ma’ahan in lagu tukado masjidka,salaadda ciidda ma lahan addin iyo aqim,lamana sheegin sunne ka horraysa ama ka danbaysa oo la tukado,hayeeshe haddii salaadda ciidda lagu tukanayo masjidka,waxaa qofka soo galo masjidka laga doonaya in uu la yimaado labadii rakcadood oo ahayd taxiyatul masjidka,haweenayda caadada qabtana looma oggola in ay dhex fadhiisato masjidka,laakiinse waxaa loo oggol yahay in khudbada ciidda ay ka dhegaysato masjidka bannaaankiisa.

Qofku marka uu xirto salaadda ciidda oo uu yiraahdo Allahu akbar,waa in uu yiraahdo inta uusan waxba akhrin,toddobo goor Allahu akbar,marka uu u istaagana rakcadda labaad oo uu yiraahdo Allahu akbar,waa in uu shan goor yiraahdo Allahu akbar,xadiis uu abu Daawuud ku soo saaray sunnooyinkiisa,soona werisay Caa’isha Allaha ka raalli noqdee,waxay sheegtay in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu rakcadda kowaad ee soonfurka iyo arrafoda uu 12 goor takbiirsan jiray,macnaha rakcada 1aad uu 7 goor oran jiray Allahu akbar,rakcada 2aadna uu shan goor oran jiray Allahu akbar,sheekh Albaanina wuxuu xadiiskan uu ku saxiixay kitaabkiisa saxiixu sunnan abu Daawuud. 

Laga soo bilaabo kowda bisha arrafo ilaa laga gaarayo 13ka waxaa fiican in la badiyo weynaynta iyo mahadcelinta Allah,Allah wuxuu yiri:in ay u yimaadaan nacfigooda daraadii ee adduun iyo aakhiraba leh,ayna xusaan magaca Allah maalmo la og yahay (22:28), waxaana maalmahaasi lagu sheegay in ay tahay tobanka maalmood ee ugu horraysa bisha arrafo,Allah wuxuu kaloo yiri:xusa Allah maalmo la yaqaano (2:203),waana maalmaha saddexda berri ah ee ciiddan kaddib, nebiga sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu yiri:maalmahaasi waa maalmo cunid,cabbid iyo xusid Allah ah,xadiiskan waxaa soo weriyeen Axmed,Nasaai’ iyo Muslim.

Habka takbiirta loo qaadayo maalmaha ciidda waxaa laga soo weriyay asxaabta nebiga sallallaahu caleyhi wasallama iyo taabiciinta Allaha ka raalli noqdee, waxaana habkaasi ka mid ah sida uu sheegay sheekh Cuthaymeen Allaha u naxariiste:

-Allaahu akbar,Allaahu akbar,Allaahu akbar,laa ilaaha illallaahu,wallaahu akbar,Allaahu akbar walillaahil xamdu,ama:

-Allaahu akbar,Allaahu akbar,laa ilaalha illallaahu,wallaahu akbar,Allaahu akbar walillaahil xamdu iyo kuwa la mid ah.

Waxaa fiican in marka takbiirta la akhrinayo in codka kor loo qaado,inta lagu dhex jiro masaajidda ama la marayo waddooyinka ama suuqa iyo meelaha kaleba, sunnahuna kama mid ah in koox ahaan loo qaado takbiirta.

Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Allahayow,adduunka iyo aakhiraba wanaag nagu siia,cadaabta naartana naga fogeey……………………….Aamiin

Waa inoo berri iyo qaybta ugu danbaysa oo ah qaybta 15aad iyo arrimo ku saabsan ramadaanka,Rabbi idankii

Halkan hoose riix kana akhriso qaybtii 13aad:

(http://www.somaliweyn.com/pages/Maqaal/Ramadaan/Soon_30_July_2012.html)

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

www.amazon.de
zanox Partner värvar partner   
Somaliweyn Media Center (SMC)