|
Maqaal: Qalboobtanka doorashada iyo hantida qaranka halaka saaro.!!! (Qalinkii Maxamed Xaaji)
Waxaa socda ololaha loogu jiro ‘Doorashada’ madaxweynaha Soomaaliya xitaa hadii ay yara deg deg tahay ama adagtahay in waaqiciyan doorasho rasmi ah lagu tilmaamo marka aad duruufo badan eegto balse halka arin ee aan jeclahay inaan dul istaago maahaa inaan ka hadlo saxnimada doorashadan.!
Waxaa magaalada Muqisho ku sugan MUSHARIXIIN gacan mugeed ah oo u wada gayfan inay gacanta ku dhigaan xukunka dalka Soomaaliya kuwaasoo midba ujeedo ka leeyahay musharaxnimadiisa laga soo bilaabo mid u sharaxan ‘anna waykan’ ‘Halagu arko’ iyo inuu wasiir uun kahelo xukuumadda soo socota kadib marka uu muujiyo dhoolla tuskiisa iyo mid ay dhab ka tahay inuu dalka xukumo oo wax bedelo isla markaana aamisan inuu leeyahay waxa loo baahan yahay si uu u noqdo HOGAAN QARAN.
Inta ay socdaan ololayaasha doorashadu waxyaabo badan baa loo baahan yahay balse kuwa ugu muhiimsan ee aan doonayo inaan ka hadlo waa adeegsiga hantida guud ee qaranka oo si shakhsi ah loogu takri falo.
Horta waloow dalkeenna oo xor ah 52 sanadood isla markaana ay maamulaan dadkeenna oo lagu tilmaamo bulshada ugu khilaafi og nidaamka iyo sharciga degsan waxaa muhim ah inaan haatan gaarno biseeyl iyo heer aan waxyaabaha qaar uga qaangaarno.
Qaran (Nation) iyo dowlad (Government) farqiga u dhexeeya hadii aan bayaaniyo, dowladi way timaadaa wayna tagtaa lkn qaranka oo ah dalka, dadka iyo calanku way jirayaan ilaa yoowmul qiyaame.
Muxuu qaranku leeyahay maxayse madaxdu leedahay hadaba? Madaxdu waxay si shakhsi ah u leeyihiin wixii hanti ah oo loo yaqaanno (Kuma jirto tan dalku) iyo xaasaskooda iyo caruurtooda.
Sidaa darteed xafiiska ay fadhiyaan malaha, madaxtooyada malaha, ciidamada kala duwan malaha, qalabka warbaahinta malaha, hay’adaha garsoorka malaha, kuwa maaliyadeedna malaha, hadaan si guud u iraahdana DALKU MAAHA MAKHAAYAD IYAGA U FURANE waa meel loo igmaday inay mudo gaaban ku yimaadaan magaca ‘ADEEGE’.
Dalka Soomaaliya waxaa kajirta dowlad la sheego in si dimoqraadi ah loosoo doortay lkn hadii xaalku sidaa yahay xaq maaha in aan aragno sawirka madaxda dowladda oo luuq walba lagu wareejinayo iyadoo ay sidaan gaadiidkii qaranka sida kuwa booliiska, militaarka iyo hay’adaha kale ee dowladda isla markaana laga baahinayo qalabkii warbaahinta qaranka oo uusan dadka ka xigin, isagoo adeegsanaya awood uusan lahayn.
Waxaa laga yaabaa inay dadka qaarkood ku adkaato fahamka arintaas maadaama uu weli yaryahay bisaylka dowladnimo waayo maalin dhoweyd waxaan maqlayay anigoo dhegeysanayay barnaamij ku saabsan dadka lagu XADGUDBO hayb ahaan oo ka socda Universal oo runtii ah barnaamij loo baahnaa haweeyneey sheegeysey in askari booliis ah oo ku lebisan dharkii ciidanku uu ku LAFA CAAYAY isla saldhigii booliiska ee uu joogay taasoo dabcan fadeexad ah balse muujinaysa dhererka MASAAFADA noo dhexeeysa inaga iyo DOWLADNIMO.!
Aan kasoo laabtee Musharixiinta haatan u wada taagan xilka dalku waa wada MUSHARAX sidaa daraadeed midna kan kale kama fadli badna, xukunka dalkana ugama fursad badna waayo waxa loo sharaxan yahay waa xilalka soo socda ee maaha xilka haatan taasoo madaxweynaha haatan, gudoonka baarlamanka iyo Wasiirka koowaadba ka dhigaysa MUSHARIXIIN qura.!
Marka sharciba laga soo tago oo aan dhanka caqliga u bayrno su’aasha meesha imanaysaa waxay tahay hadii qalabkii warbaahinta qaranka, hantidii qaranka iyo gaadiidka qaranku ay tusaale ahaan u ololeeyaan mid ka mid ah musharixiinta oo uu madaxweyne kusoo bixi waayo madaxweynaha cusub wejigee la hor tegeysaa illeen waadigii ka eexdee.?!!
Hal tusaale oo dheeraad ah aan idin siiyee intii ay socdeen kacaanadii MASAR iyo TUNIISIYA waad arkayseen in ciidamada qalabka sida ee dalalkaasi ay dadwaynaha ku dhex jireen iyagoo dhex dhexaad ka ah waxa socda oo dadkood u jilicsan waana midaas howsha laga rabo askariga dalkiisa u dhaartay.
Dad badan baa aaminsan hadii ay Soomaaliya lahaan lahayd ciidamo iyo saraakiil fahansan waajibaadkooda qaran inuusan dalkuba galeen burburka aan aragnay qaradiisa kadib markii uu askarigii noqday qabali iyo danayste adigoo maqlaya REER HEBEL IMISA JENERAAL AYAY LEEYIHIIN? Waa yaabe yaale Jeneraalkan balaayo ma dalka mise qabiil?, marka ay si aynaan ugu laaban CALOOL XANUUNKAAS waa in la ilaaliyaa xaqa muwaadiniintu wada leeyihiin si aysan u dhicin waxa ay gabadhu ka cabaneeyso oo kale oo weliba dadka rag diinta yaqaanaa kujiree haku dhaqmeen oo ha iska jireen inay aduunyadu u kediso SIDII ABII THACLABA.!!
Waxaan xalay maqlayay warar sheegayay inuu madaxweynuhu sheegay inaysan musharixiintu adeegsan karin ciidamada….Aan kala saarno adeegsiga oo waa sax oo talis ahaan ma adeegsan karaan lkn amaan ahaan waxay xaq u leeyihiin in amaankooda la sugo sida uu xaq ugu leeyahay qof kasta oo muwaadin ahba askartuna waa inay ogaadaan inaysan DOWLADU lahayne uu QARANKU leeyahay.
Si hadaba waxaan looga gudbo waxaan soo jeedin lahaa 5-tan qodob ee soo socota:
1-In musharixiinta oo idil oo ay kujiraan kuwa haatan xilalka haya loo wada ogolaado ama loo wada diido adeegsiga hantida qaranka, sida qalabka warbaahinta qaranka, gaadiidka qaranka iyo adeegyada kale sida guryaha weliba waxaan soo jeedin lahaa oo sharciyan wanaagsan in loo wada diido.
2-In TV-yada gaarka loo leeyahay oo haatan lagu xamanayo inay lacago ka qaateen qaar ka mid musharixiinta aysan arintaa ku eedoobin, oo ku ceeboobin iyo tan ugu daran oo ah inaysan ku xadgudbin sharciga saxaafadda.
Hagaag.! Hadaad doonto lacag ka qaado lkn waa khalad in la yiraahdo MUSHARAX fulaan ayay u xiran tahay oo mid kale looma ogola taasoo muujinaysa maangaabnimo iyo hunguri waynin waayo ninka aad shalay u diiday mikrofoonka hadii uu beri madaxweyne noqdo sow isna kuguma amar ku taagleen karo, oo GACAN CULUS kuma dulsaari karo hadii uusan Alle ka biqin.?
3- Waxaan aad u yaxyaxay markii aan arkay gabdho weriyayaal ah oo aan qaarkood aqaano oo sida sawiradda mid ka mid ah musharixiinta Soomaalida iyagoo jooga madaxtooyada……CEEB CALAYKUM..!! Howsha la idiin igmaday intaa way ka sharaf badan tahay ee saxaafaddu iyadoo LIBAAX ah yaysan BISAD iska dhigin.
4-In meel ay joogaan taageerayaasha mid ka mid musharixiinta aysan imanin taageerayaasha musharax kale maadaama aysan taageeranimadu ahayn midi mid ku taag ee loo baahan yahay ismuujin uun anigoo dadka isu soo baxayana usoo jeedinaya inay nidaamka iyo xasiloonida ilaaliyaan oo ay si nabad ah u soo dibad baxaan (Fadlan xakamee casaabadaada).
5- Ciidamada amaanku waa inay yimaadaan goob kasta oo uu ka socdo ololaha doorashada cidii doontaba ha dhigtee waana in ay amaanka xasiliyaan iyagoo ka amar qaadanaya hay’adaha amaanka ee ay hoos tagaan ee aan kala xulufaysanaynin dhinacyada XILDOONKA ah.
6-Madaxda hay’adaha amaanka gaar ahaan kuwa ugu sareeya waa inay ka waantoobaan inay la xulufoobaan madaxda sare iyagoo dano gaar ah cayrsanaya taasoo keeneysa inay gacan bidxeeyaan musharixiinta kale hana ogaadaan waa la wada sharaxan yahay sidaa darted majiro XISBUL-XAAKIM iyo MUCAARAD xitaa hadii ay jiraana wax idinka (Hay’adaha amaanka) khuseeya maaha.
7- Hay’adaha maaliyaddeed ee dowladda waxaa khasab iyo waajib qaran ku ah inay hantida umadda ka ilaaliyaan dadka u sharaxan xilalka dowladeed ee haatan dalka maamula si ay doorashada la sheegayaa u noqoto mid xaqa oo xor ah.
8- Ugu dambeyn halla kala saaro DOORASHADA iyo DOWLADA qof kasta oo musharax ahna halla yimaado wixii xikmad ah oo uu hayo isagoo aan ku amar ku taaglayn (Abuse of power) awoodda uu haatan leeyahay oo uu u adeegsado si aan dastuuri ahayn.
Hadaba aan maqaalkan kusoo hooriyo erayo haydaarteeyn iyo hoga tusaaleyn ah gaar ahaan tudcaha ugu dambeeya gabayga ‘DIB U SAXA’ oo uu tiriyay Maxamed Cilmi Dhicisow iyadoo uu gabaygani ka tirsan yahay silsiladda SALAAMALEEY oo ah gabayo baraarujin ah oo colaad iyo xumaan diid ah:
Dib u saxa waxaan soo dhignee, salaf ahaan dhaafey
Haddii kale sidey tahey ku wada, aan sal-guurnaba’e
Sawaariikhda iyo suugga wada , Oo subax ku soo toosa
Dawarsada saboolnimo darteed, Oo dunida soocnaada
Gumestuhuna waa suu rabee, Heeydin salabeeeyo
Sawaaxili amxaariyo israal, Amar ka soo qaata
Ha sifeeeyo maankiina gaal , Daba-saqleyn doorta
Seben baa la oran wey jireen, Qoomkan Soomaale.
Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto:-maxaaji@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|