|
Aragti: Denjire Mahiiga:- Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed masiirka daku gacantiida
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimada iyo Cadaalada
madaalayaasha heeganka joogtada ah ugu jira danaha guud iyo
difaacida masiirka qaranka,gun-nimo iyo gumeeysi diidyada
garanaaya qiimaha gobanimada iyo halgankii qaraarkiisa lahaa
oo naf iyo maalba loo soo hudhay koonfur iyo waqooyiga laguna
dhaliyeey xoriyada macaan oo lagu hantay karaamada iyo sharafta
qaaliga ah ee Somaaliya.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo had iyo jeer ka hadal xaaladaha
markaas taagan si geesimo leh codkooda iyo aragtidooda u sheega
ayaa waxaa wax lala yaabo ah hadalka khaldan,gefka ah,faduusha
fara-gelinta oo ka soo yeeray wakiilka xoghayaha guud UN-ta ee
arrimaha Somaaliya Dr-Mahiiga kuna tilmaamay Odayaasha Dhaqanka
Somaaliyeed kuwo aan xaq iyo awood midna u laheyn wax ka bedelka
Dastuurka qabyo qoraalka,iyadoo la wada ogyahay in xiligan lagu
jiro waqti xasaasi ah(kala guurka)xurmadlayaasha odayaashana loo
gartay qaadashada doorkooda ku saleeysan aayo ka talinta masiirka
Dalka iyo Dadkaba,si xilkasnimo leh daacadnimo leh u wadaan howsha
culeeyskeeda murankeeda leh.
http://youtu.be/tM6MAE3xg-A
*Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed waxeey si cad u qeexaayaan in Odayaasha
Dhaqanka Somaliyeed yihiin hogaanka ugu sareeya ee hab dhaqameedka
soo jireenka ah,waxeeyna xaq iyo awoodba u leeeyihiin dib u eegida
daraafka qabyo qoraalka Dastuurka Cusub dhuuxidiisa iyo ka tallo
bixinta qodobadda lidka ku ah shaceeraceena Islaamka ama meelaha
dhaliilahah uu ku leeyahayba sida-Xaduudaha,xoriyadda diimaha iyo
wixii sed bursi ku saleeysanba,Denjire-Mahiiga haba yaraatee kuma
laha fara-gelin iyo ka hadlid danaha gaarka ah ee masiirka dalka
iyo dadka somaliyeed,mana u yeerin karaayo odayaasha dhaqanka iyo
shacab-weynaha somaaliyeed nooca dastuurkooda iyo qodobadiisaba,
Hadii wuu shakhsiyaad kooxda saxeexayaasha ka mid eey gacanta ugu
jiraan ama ogolaadeen qaabka gunimo ee soo farigiisa,somaali dadnimo
iyo damiir leh ayaa nool mudane-Mahiiga.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed waxeey halkan cambaareeyn baaxadeeda leh
uga soo gudbinaayaan Den-Mahiiga oo si weyn uga gudbeey xuduudka
xilkiisa iyo wakiilnimadda xoghayaha guud si toos ah ugu dhex jira
arrimaha somaaliyeed isuna arka hogaanka ugu sareeya ee dalka iyo
shakhsiga xariga ama usha gacanta ku heeysta,sidii uu doonana ku
socodsiin karaaya ummadda somaaliyeed,Mahiiga hanti boobidii iyo
qorshayaashii curyaaminta ee uu soo melaagaayeey miyuu ku darsan
rabaa amar bixin,hanjabaad iyo af-lagaadeeynta odyaasha dhaqanka
waanu kaa diidneey mana ogolaaneeyno wixii ka baxsan xilkaaga iyo
wakiilnimadii,midna ogoow naguma khasbi kareeysid dastuur dhaliilo
iyo waxyaabo lid ku shareecada Islaamka ku jiraan.
*Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxu ugu baaqaaya odayaasha Dhaqanka
Somaaliyeed iyo madaxda dowlada somaaliyeed gaar ahaan Xurmadle-
Madaxweyne-Sh.Shariif Sh.Axmed in eey jawaab cad ka bixiyaan
hadalka khaldan ee Den-Mahiiga una sheegaan in uu si weyn uga
soo gudbeey xuduudiisii shaqo fara-gelin,dhinac taageerid dano
gaar ahaaneed ku saleeysan iyo dhawaaqida ereyo gef ah oo aan la
qaadan kareyn,sidoo kalle odayaashu waa in aanay marna ogolaan
hor-fariiska Den-Mahiiga ilaa inta uu raali gelin ka bixinaayo
hadalkja gefka ah iyo fara-gelinta uu ku hayo arrimaha gaarka
ah ee Somaaliyeed iyo aayo ka tashigooda(Waxaa amaan,bogaadiin
iyo milgo gobeed gaar ah mudan-Xildhibaan-Halyeeyad-Drs-Caasha
Axmed Cabdalla oo jawaab waafi ah culeeyskeeda leh had iyo jeer
siisa cida isku deeyda ku xadgudub danaha somaaliyeed waana arin
ka turjumeeyso biseylkeeda danimo,dareenka iyo damiirka wadaniyadeed
geesimadeeda somaalinimada dhabta ah ku saleeysan,dan-Mahiiga iyo
kuwo kale oo ku xadudbeey maqaamka qarameed iyo xurmada somaaliyeed
durus lama illaawaan ah u dhigtay(Drs-Caasha guuleeyso-aamiin).
-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab).
-Afhayeenka Guud:-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda.
-Jul-10-2012.
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|