Somali News
    Hees  

Aragti: Maxaa laga filan karaa Shirka odey dhaqameedka Som uga socda Magaalada Mugdisho?

Maxaa laga filan karaa Shirka odey dhaqameedka Som uga socda Magaalada Mugdisho???Barn-DSS-Hctv…

Waxaa shir xasaasi ah uga socdaa magaalada mugdhisho odey dhaqameedka soomaaliyeed kazoo ujeedadiisu ay tahay in ay soo xulaan Ergadii ansaxin lahayd dastuurka soomaaliya oo uu muranka badani ka taagan yahay,kadibna ay soo xuli doonaan xildhibaanadii baarlamaanka soomaaliya,oo soo dooran doona masuuliyiintii dalka,waxaana intaas dheer shaki laga muujinayo inaanay odey dhaqameedka soomaaliyeed xor u ahayn fikirkooda oo ay jirto gacan togaalayn uga imaanaysa siyaasiyiinta soomaaliyeed iyo weliba beesha caalamka,

 Waxaa isweydiis mudan odey dhaqameedka oon lasoo xasuusan mudo aad u dheer in xiligan xasaasigaa oo kala guurka ah dib boorka looga jafo,waxaana dad badan ka muujinayaan shaki ah in la doonayo in la fashilayo rajadii noo hartey oo qura oo ahayd odey dhaqameedka soomaaliyeed,Maadama aan horey usoo aragnay halkii ay na mariyeen qabqablayaashii dagaal oogayaasha ahaa,kooxihii diimaha,dawladihii ku meelgaarka ahaa oo aan wax badan ka badalin dhibaatadii dalka taalay,

Qodabadaas iyo kuwa kaloo badan uga bogo Barnaamijka dareenka shacabka iyo siyaasiga ee ka baxa telefishinka caanka ah ee HCTV oo uu daadihiyo Durraan c/llaahi shirwac,oo todobaadkan kusoo qaatay qodobka ah(maxaa laga filan karaa shirka odey dhaqameedka soomaaliyeed uga socda magaalada Mugdisho),waxaana kala qayb qaadanaya Aqoonyahno iyo siyaasiyiin can ka dhex ah bulshada soomaaliyeed ee Daawasho wanaagsan…

   Mahadsanidiin.

 http://youtu.be/kNs6IzpgS6U

By-C/fitaax dhaadeey

Em-dhaadeey1988@hotmail.co.uk

  London/Uk


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)