|
Aragti: Fadhi ku dirirka iyo Faallada Shacabka ! Q 2AAD
Fadhi ku dirirka iyo Faallada Shacabka ! Q 2AAD
Waxaa maalmahan ilaa shalay dadku isla dhex marayaan Khudbadihii Musharixiintii Xilka Madaxnimada u tartamaysay, Hardankii siyaasadeed oo Codbaahiyaha (Microfone) ku dhex maray, ee nin weliba awooddiisa iyo inta Af Soomaaligiisa la ekaa ama wixii kalee lagu kaalmeeyey meesha ka yidhi.
Haddaba, qormadeennii taxanaha ahayd ee Fadhi ku dirirka iyo Faallada Shacabka ayaan ku qaadadhigaynaa sidii shacabku u arkeen, siday u kala taageereen iyo afkaarta ay ka qabaan hadalladii Musharixiinta, waxay sheekado dhexmaraysaa dhawr wadaay oo sheeko wadaaga, oo ka soo kala jeeda Gobolada dalka badidooda aadna uga sheekaysta hadba sida xaal yahay.
Xaaji Damal: Waan idin Salaamay ee bal xaaladda ka warrama iyo noloshiina maxaad meesha isugu keenteen oo inoo kala danbeeyey?.
Xaaji Daahir: Nabad qab Xaaji Damaloow wax nooga kaa danbeeyey ma jiraan, aan ka ahayn hadal haynta Qudbadaha musharixiinta madaxnimada oo dadkii marba dhinac ula dillaamayaan, nin weliba nin tuurta u ritey oo uu leeyahay hebel baa qudbad qiira leh jeediyey iyo hebelbaa ku leh iyo hebel waa aftahan waxaan intaas ahayn ma hayno.
Xaaji Damac: Waa xaqiiq in meesha lagu kala cod karsanaa miyeydaan arag Wiilkii Cabdiweli ahaa, hadde siduu hadalka u dhigay xitaa caddaankii ayaa ilmeeyey oo qiirooday, waxqabadka xukuumaddii Badbaado Qaran, Sacabka iyo bullaanka iyo mashxaraddaa dhinac ka dhinac isaga yeedhay markaasaa waa jidhaa jidh oo joog la yiri! Marka dee haddaanu musharrax sidaa dadka u maqsuudinayn oo waayo aragnimo u lahayn muxuu meesha ka soo doonahayaa!
Xaaji Daacad: Cabdiweli khudbaddiisa waan dhegaystay wiil reer Muduga oo faanaya isagu iiguma horreyn, wax badan ayaan maqlay, wuxuu sheegay dadkii meesha joogay ayaan ku jiray waa lays wada gujinayey nin baase markii nasiinada loo baxay yidhi “war illeen hadal ooo & aa ma yiraahdo iyo maxaad ii tidhi toona” waxaan weydiiyey: maxaad ula jeeddaa? Wuxuu yidhi: Cabdiweli oo aan u aqaanay Ergayga Puntland u fadhiya Dowladda ku meelgaadhka ah, ayaa yidhi waxaan ahay Badbaado Qaran, Caddaaladdiisu waxay gaadhay in Shaqaalaha xafiiskiisa yihiin 93 qofood 81 ay beeshiisa yihiin 76 waxayna yihiin qoyskiisa ma cid caddaalad ku gaadhaysaa jirta! Maanta caddaalad ayuu ku baaqay waxaa la yidhi “Rag Caddaalad waayaa sidii cawsha kala yaac!” waxaan ula jeeda ninka xafiiskiisu sidaa yahay dalkana siduu ka dhigi doonaa bal adba!
Xaaji Dowlad: Aniga qudbaddii Farmaajo xubnaha dhan ayaa i dubaaxshay ninkaas waa nin waxoogaa waxaad moodaa Soomaalinimo ku duugan tahay, balse, waxaan ogahay aniga ninka haddii albaabka Villa Soomaaliya ka galo in markiiba dhegta wax loogu sheego asaga dhan hal usbuuc ka yar ayuu isku bedelaa, waxaa arkaysaa ninkii oo xuurtaysan oo indhaha gaduud noqdeen oo codkiisa naxariista lahaa ee debacsanaa bootto iyo hadal taagtaagan isu bedelay, muggoo haddiis cudurkaa ka badbaado, waa macquul in ninkaas wax naqdo.
Xaaji Doonbir: Weger war ninkani af Soomaaligaa dhibayey, waxaadba moodaysaa Carruurtii yaryarayd ee qurbaha laga keeni jiray ee dhihi jiray Aabbe aaway haddii la dhaho? Musqushaa yaallaa! Hooyana aaway? Sariirtaa taallaa! Yaa kale oo guriga jooga? Nimanyaashana qolka fadhiga ayaa yaallaan! Naagayaashana Jikada ayay yaallaan! Horta hadal siyaasadeedka ka sakoow waxaa la dhahay: “ Allena la kala baryi og, hadalna la kala dhihi og” maahmaah Soomaaliyeedna waxay dhahdaa oo kale: “Ninkii eraygiisu ku deeqaa Arrinkiisuna ku deeqa” waxaan leeyahay waxaa u dhimman Odayga inuu wax badan oo dhinaca hadalka Siyaasadda ah (Plotical Speech) Hadal Suugaaneedka iyo habdhaqanka Bulshada Soomaaliyeed soo barto, waayo Soomaalidu waa bulsho Oraaheed, hawraar iyo hal-abuur wax isugu sheegta, maaha inuu isagu sameeyo, ee maantoole iyo waxaa la yiri xitaa ma aqaan ayuu meesha la taagan yahay saw uma baahna dab shidistii xaabo iyo xasas uruursi baa ka horreeya, Qudbad jeedinteedna, qalin iyo qoraal iyo qaabayn ayaa ka horreeya.
Xaaji Darwiish: War heedheh sawtii la ceebsan jiray maaha faanka iyo fooxaaliska, ee la odhan jiray
: “ Nin is faanshay waa ri is nuugtay” anigu ma maqlin nin yidhi waxaan sameeyey Rug caafimaad oo dadka lagu daweeyo oo bilaash jeebkaygaana ka sameeyey, mana maqal nin yiri waxaan sameeyey waddo hebla oo maanta lagu intifaaco oo jeebkaaygaan ka sameeyey, mana maqal nin yidhi waxaan furay Iskuullo iyo jaamacado aan jeebkayga ka sameeyey, oo bilaash qolyo ganacsi intaasba u furtay way jiraan, kaasi maaha Bulsho daryeele, dadkiisa baanshee, dukaanle weeye, nimankii Dowladdii hore ee KMG soo xukumay waxay qabteen wadar iyo waaxid waa la ogyahay, Alleyleh rag lama caasiyee meel wax laga billaabo ayay keeneen, balse, Dowlad Soomaaliyeed oo isku filan oo ilo dhaqaale leh oo ciidan isku xidhan leh oo dad iyo dal is raba ah may samayn, ee weli xaajadu waa qabyo, markaa uma arko in lagu faano, Mushaharkii UNku soo dhiibay ayaan dadka siiyey ama aan wax ku qabtay oo haddaadan sidaa yeelin miyaad cuni lahayd?!
Xaaji Deyr: Waxaan aad ula yaabay marna ku qoslay, Musharax Salaad Cali jeele marna waan ka naxay, waxaan aad ula yaabay horta meesha lama iman haykal musharrax iyo mawduuc siyaasadeed aan ahayn sheekadii dhallinyarada reer Banaadirigu dhihi jireen (Waxool Bareejo waa u guul) marna waan qoslayoo wuxuu sheegayey run bay u badnaayeen meelo badana waa taabtay oo waxaad moodaysay in uuba u dan lahaa nimanka is sharaxaya. Marna waan ka naxay markuu waxqabadkiisii ka dhigay inuu Ciidamo shisheeye dalka keenay oo ku soo hoggaanshay oo ku soo dhaweeyey oo dadka oo dhami ka xishoodeen, Danbi aanu lahayna korkuu iska saaray oo dadkii keenay waa la yaqaana marka Qudbadi waxba ma tartee qorshaa loo baahanyahay waxaanse aad uga helay: “Lacagi waa cunis codna waa ninkaad doonto” Maahmaahmadani waxay booska ka saartay maahmaah hore u jirtay oo dhihi jirtay: “Af wax cunay xishoo” Marka waxaan leeyahay dalka iyo dadku waxay rabaan hoggaamiye daacada inta laga gaarayo inaan codkayaga dhiibanno.
Xaaji Diini: Horta Shariif iyo Gaas iyo Farmaajo isku waxbay ku faaneen sheegteenna, taasina waxaad mooddaa inay qoraal warqad ku qoran kala qaybsadeen, oo kala dheegteen dhammaantood, warkoodu waa isu ekaa, balse, Musharixiinta aan Dowladda u soo shaqayn waxay la yimaadeen qudbado ka duwan markaasaa aniguu isku wada duubaya waxaan idhi:
Qudbadi qaran miyey dhistaa?
Qadiyadi maw noqon kartaa
Nimaan qaabkiis naqaan
nimaan qorshihiis ognahay
Qudbad qalad miyey saxdaa
Qudbadi miyey qaa'id noqon?
Qudbadi mayna hagi kartaa?!
Qubadi wax inama tartee
Qofkii mudan ee qasdi leh
Qofkaan qalad hore ka dhicin
Qofkaan qaxar iyo dhib wadin
Qof aan dadka kala jeclayn
Qayr qaba Eebboow u keen
Ummadda qabarkani ku dhacay
Qarnigan dadku hore u maray
Qowmiyad aan qaran lahayn
Umaddan qatanee ka madhan
Umaddan qarankeedii dumay
Qabyaaladdu sabab u tahay
Qaxoontiga dunida ku ah
Allow qayr qabe u keen
Xaaji Damac: Haddii maanta Kursigaa naloo dooran waayo, oo ninkaa naga socda la keeni waayo, annaguna waan goosanahaynaa, oo bannaanka ayaan istaagahaynaa, lagama yaabo in beel kale ay hadde madax noo noqoto, inaan madax noqonno mooyane cid kale ka yeeli mahayno, hadalkaygaana meel ku qorta aan maanta idin leeyahay sheekadana waan ka baxay.
Xaaji Damal: Waxaa wax lala yaabo ah in nin maanta qarnigii 21aad ku gooddiyo ama ha lay doorto ama waan goosanayaa dalkaan qarribayaa, Xaaji Damacoow: horta belaayo looma durbaan tumo, Soomaaliyina dhib way ka daashay, cidina kaagama itaal darna fawdo iyo dhib danbee, maad dadkaaga dhinac ka raacdid ileen waad ogtahayoo, Walaalahaaga Soomaaliyeed kama maarantide, kelina isma bixin karayside haddii Federaalkii lagu yeelay (Kaygana annaa iska leh kaagana kula lihi) Haddii inaad labada jago ee sare mid iska qaadato laguu yeelay maantana ma waxaad keentay aniga Madaxnimada ha lay daayo haddii kale waxba kala socon maayaan, anigu waxaan ku dhihi lahaa “baarreey guur beladaadana la guur” dhanka kale, shalay saw ma lahayn, Qabqablayaasha ha laga reebo baarlamaanka, cid kugu diidday ma aragtay? Taa ka sokow, saw tallaabadani ka har imaan mayso qorshaha nabadda ee la wada qaatay? Sidoo kale, saw habdhaqankani ma ahan kii lagu yaqaannay qabqablayaasha? Anigu ma garan, ee ciddi garatay ha noo qeexdo!
Xaaji Dowlad: Dalkaan ilaa inta Xisbiyo la samaysto dadku wax dooranayaan anigu waxaan ka ahaanayaa daawade ninna diidi maayo nina dooran maayo saa maba dooran karee, ninna diidi maayo saa maba diidi karee, waxaan intaa ku darayaa, Dowladdu waa shacabka, haddii shacabku diido oo la dagaallamo dulmiga iyagoo hub sidan iyagoo dagaal gelin ay afkooda ku ciil baxaan way helayaan masiirkooda ummadeed iyo mabda’ooda nololeed, bal eeg inteennan meesha joogtaa saaxiibbana waan nahay isku fekerna kama nihin danta guud ninba nin iyo qolo ayuu xambaarsan yahay Ilaayahoow umaddaada u gargaar.
Xaaji Daahir: Waxaa la yidhi (wan weyn ilaa la gowraco indhihiisu cirka ma arkaan) Baarlamaanka waxaan ku odhan lahaa nimanyahoow haddaad caddaalad doonaysaa labada beelood ee kursiga xalaashaday ka ilaaliya, oo ama Prof Samatar Doorta Ama Oomaar ama Musharax beesha Shanaad ah, Xilkana bal labadaa beelood ha lagu eego,
Sababtoo ah, maalin walba haddaan noqonno Juud kamaa juud oo aan halkii sartu ka quruntay taagnaano waa bar kuma taal, ee beelaha Soomaaliyeed ha la tijaabiyo, Bartamaha iyo Banaadir, iyo Barri hala bedelo xaalkooda waa lagu daalay, Arrintu afartaa sano waxay noqonaysaa Ama mid laga raysto ama mid lagu riiqdo oo meeshay ka timid dib loogu celiyo, balse, hannaankii siyaasaddii hore wax halaga bedelo.
Anaa mudan madaxnimada
Anaay manfacayga tahay
Anaa madaxweyne ka ah
Masuulkuna waa aniga
Raggaan la mutaxan arlada
Raggaan Muslinkii ku nacay
Na mootiya maanta oo
Masuul kale doorta
Miisaama siyaasaddoo
Muqdisho qardhaba dhiga
Mudug iyo nugaal dhiga
U miyiriya maantoo
Maandeeq ha curatee
Magow bay ku dhawdee
Mudday jahawareertoo
Miidaamo halisiyo
Mugdi iyo colaadiyo
Mahadhooyin mudatee
Majaraha bedela oo
Magac dhaba dar kale oo
Maksab iyo hanaanba leh.
Xaajiyadii oo dhan: Alleylehe waan kugu raacsanahay in madaxnimada lagu eego beelaha kale balse Saaxiibkeen Xaaji Damac Arrintaa kuma qanacsana ee sidee la yeelayaa?!
Xaaji Damac: Weligiinba waxaad doontaa isku raaca, anigu mawqifkaygu waa inaan dalka xukuma, haddii aan xukumi waayona in gumaysi aan heshiis la ahay xukuma, haddii aan waayo labadaa xeradayda xoola kuma jiraan xarbi af iyo addin ah ayaad igu ogtihiin iyo inaan xarko maleego oo aan marnaba xasarad iyo xummaato joojin, idinka maxaa idinka helayaa haddaad tiraahdaa war heedheh bal yaabkan kaalaya Xaaji Madax baad tahay maxaa idin helayaya intaas keliya haddaad tiraahdaan aniguna markaasaa caafiimaadkayga la helayaaa .
La soco qaybaha danbe oo la jaanqaadaya hadba isbedelka siyaasadeed iyo doorashada ka dib...........................
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|