Somali News
    Hees  

Maqaal: Dhalashada jamhuuriyaddii 2aad ee soomaaliyeed

 

Ku      :           Baarlamanka Ummadda Soomaaliyeed

A/S W. Wabrakaatu

Waxan ahay Muwaadin reer Jabuuti ah oo ka soo jeeda qawmiyadda soomaaliyeed ee koonfurta J. Jabuuti degan, kuna riyooda abidkii in mar uun la helo soomaaliwen.

Waxan ku faraxsanahay maanta oo ay dhalanayso Jamhuuriyaddii 2aad ee soomaaliya, isla maanta waxan bildhaansan karnaa in ay tahay, maalin soomaaliweyn dhalashadeedu ay caloolgashay sababo la mala awaali karo oo muuqda awgeed, sida:

ü  Ku meelgaadhnimadii oo ku wareegtay Ethiopia, ka dib markuu ninikii isku dirka soomaalida u taagnaa, Ilaahay naftii ka xayuubshay, waa Males Zenaawi (Waa isla doonasha Ilaah).

ü  Dawlad soomaaliyeed oo rasmi ah oo uu adduunku u aqoonsanyahay in ay iyadu ka taliso Raas-Kaambooni ila Lowyacaddo ila Raas-Casayr.

ü  Soomaalida DDS ta oo ay maanta fursad ay ku go’aani u soo sinqayso, siiba marka ay hoggaanka Ethiopia ay isku qabsadaan Tigreega iyo Axmaaradu kadibna uu Tigreegu ku dhawaaqo in uu Ethiopia ka go`ay, sida mar horeba ay Tigreegu sheegeen oo in shaa`allaah dhici doonta. Taasoo xalaal an la horjoogsankarin ah u noqonaysa in ay ku dhawaaqaan go`itaanka dhulka soomaalida Ethiopia.

ü  Soomaalida Kiiniyaa oo iyadna, wadadaasi ay u furnaandoonto kadib, marka ay isku dhacaan qawmiyadaha Sawaaxilku, sannadahaa fooda inagu soo haya, waa marka laga dhaqaaqo isqabqabsigii bilaamay sannadkii 2007dii oo cid kastoo soomaali ahi ay rajaynayso in uu cirka isku shareero, doorashooyinka madaxnimada kiiniya ee soo socota.

Hadaba, maxaa looga baahanyahay Soomaalidu in ay ka faa’iidaysato isbadaladan dhici kara ee foodda inagu soo haya:

Ÿ  In baarlamanka soomaaliyeed uu doorto maanta aqooniyahan Soomaaliyeed oo cilmigiisa ka bartay waddanada reer galbeedka, kuna xaragoon kara ku hadalka, afka Ingiriisiga, jiridiisuna ay tahay mid biyaha ka qaadata Islaamnimo an ahayn mid xagjirta. Aragtidaydana waxa ka turjumi kara maanta danaha Soomaaliyeed ragga ay ka mid yihiin: Moxamad Cabdullaahi Farmaajo, amba Cabdiraxmaan Baadiyow iyoAxmad Ismaaciil Samatar oo isagu siiba dawo u noqon kara, tartankan joogtada ah ee Beelaha Hawiye iyo Daarood aad iyo aad u sahli kara dib u midaynta soomaaliland iyo koonfurta.

Waxa kale oo looga baahanyahay, si loo wanaajiyo midnimada 2dii gobal ee lixdankii is raacay in ay Caasimadda Soomaaliyeed u soo guurto Xagaagii Magaalaweynta Hargeysa, Jilaalkii oo ay Hargeysa aad u qabawdahayna ay ku negaato Magaalaweynta Muqdisho oo ah runtii hooyada Magaalooyinka Soomaaliyeed.

Waxa kale oo loo baahanyahay, marka la soo dhaafo arrimaha asaasiga ah ee looga fadhiyo madaxdada Soomaaliyeed, sida cadaaladda, sinnaanta, eex la’aanta iyo horay u marinta waddanka in lagu daro, arrinkale oo dadka qaarkii ay ku qosli karaan, laakiin an anigu aaminsanahay, si looga gaashaanto xanuunkan ragaadiyey ummadda soomaaliyeed in laguba dhigo mustaqbalka iskuulada hose ee Soomaalida barashada magacda qabaa’ilka ay soomaalidu ka koobantahay, si ilmaha soomaaliyeed ee ay hooyadii u barayso qabiilkiisa si ray-rayn leh ay macalimiinta soomaaliyeed ay uga dhaadhiciyaan carruurta yar-yar mar horeba qiimala’aanta qabiilka oo uu ardaygu u arko, in qabiilku uga duwanayn sida b+a=ba oo ardaygu uu marnaba soo qaadin, marka uu waynaado.

Wa bilaahi tawfiiq

Waxan kaga baxay soomaalidu ha noolaato, midnimadeeduna ha jirto oo ha joogto.

Waa Cumar Soomaali oo degan Cali-Sabiix (magaalada 2aad ee ugu weyn J. Jabuuti)

om-nazih00@yahoo.fr

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)