Somali News
    Hees  

Maansadii Hambalyo: (Oo ku socota Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud Macalin)

 

Maansadii“Hambalyo” waxaan Curiyey Maansadan ka dib, Isbedelka Doorashadii Maanta oo ay Taariikhdu ahayd 10.09.2012 ka dhacday Magaalada Caasimada Muqdisho ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Doorashadaas oo lagu doortay Hoggaamiye cusub oo noqonaya Madaxweynha Soomaaliya ee Afarta Sanadood ee soo socota ahna Mudane Dr, Xasan Shiikh Maxamuud Macalin haddaba anigoo metela codka Shacabka Soomaaliyeed ayaan maansadan Hambalyo,Bogaadin Dardaaran , Talo, Tusaalayn, Duco, Dhiirigelin Gubaabo isugu jirta u tiriyey ee Bogasho wacan:


Maansadii Hambalyo

Ha‘deediyo Wawga
Heestii dhaqankeena
Anoo ka hadaafay
Ka haajiray waayo
Inaan halabeeyo
Inaan hal abuuro
Hilaadiyo maanso
Suugaan hilinkeeda
Anoo muddo hiifay
Ayaan helay haatuf
Hagaag ka hadlaaya.

Sidii hogol hoortay
Hillaaca barwaaqo
Sidii haramaanyo
Dhirtoo wada hawrtay
Hoobanna la ciirtay
Haleelo la maalay
Hadhuub iyo caano
Baalan hambalyeeyo
Hojiyo hadalkayga
Hubaalna u sheego
Halkaan ula jeedo
Halyeeyga la doortay
Hoggaanka dalkeena
Horjeegaha haatan
Codkii helay maanta
Hal aan ku iraahdo.

Hoggaamiye heedheh
Muddaan u harraadnay
Halyeey samadoona
Dhulkoo hamashoobay
Hareeri baxaaya
Hir doogle na geeya.

Hoggaamiye heedheh
Haddii Baarlamaanku
Codkooda hibaysan
Habsami kugu doortay
Hantidii qarankoo dhan
Hormuudka u taagan
Haddaad tahay maanta
Hayaanka bilaabmay
Horseedka la gaaray
Hagaaji dhankaaga
Hannaanka dalkaaga
Halbeeg hadalkaaga
Hubsiimana raaci
Ha diidin wanaagga
Ha qaadin tallaabo
Hadhow lagu eedo
Halkay hadda joogto!
Horey u dhaqaaji
Ka haabso ujeedka
Habkuu qarankeenu
Hirkaa iyo caadka
Hubaal ku tegaayo
Hilaadi dhankeeda.

Habkeeda wanaaji
Hankeeda sabaali
Ka heer cadowgeeda
Hajuumka xumaale
Halgaadda Dhurwaaga
Haadaan ka ilaali
Halkay ka hallawday
Hoggii lagu eeday
Dorraato ka haadday

Ka haybso aqoonta
Halmaal dhaqankeena
Haweenka ilaali
Dhallaanka habaabay
Aqoonta ka hoostay
Haddeer u hagaaji
Agoonta haryuuban
Cid lada ku habaastay
Hooy sii shacabkaaga
Habee umaddaada
Hubsoo dhaqankaaga
Ku hay sadrigaaga.

Halyeey calankeena
Habaaska ka dhawr
Hoos yaanu u ciirin
Cirkaa sida heego
Ha fuulo buluugle .

Hilmaan danta gaara
Hirgali danta guudna
U hiilli wanaagga
Ka haari xumaanta.

Ninkii hadafkaaga
Hummaag gelinayaa
Hadhkii la xisaabtan
Hub yeelo dagaalka
Han yeelo dhaqaale
Hab yeelo siyaasi
Hadhiimo samayso
Hadhoow magacaaga
Halyeey lagu sheego

Ha’dii xarafkeeda
Hannaan ma u muujay
Miyaan halna seegay!
Duucaan la hurayn
Rabboow la hagaaji
Hoggaanka la doortay
Rabboow hilin toosan
Rabboow hadaf taama
Rabboow nin hufnaanta
Horseeda ka yeel

Umaddan kala haadday
Habaabka ku raagtay
Hoygeeda ka guurtay
Harraadku dhammeeyey
Rabboow harac gee
Hanuunshe ka yeel

Rabboow na hadee
Dadkaaga u hiilli
Haykalka qarankeenna
Himliye kor u qaada
Mideey ku hurdaano
Hagaajiye doora
Hoggaanka ka yeel.

Aamiin. Aamiin. Aamiin.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)