Somali News
    Hees  

Afhayeenka guud ee jaaliyada Somaliland ee Leeds UK oo u hambalyeeynaayo madaweyne Xasan Shiikh Maxamuud

 

Hambalyo ku socota madaweyne Xasan Shiikh Maxamuud

Ku: Afhayeenka guud ee jaliyada Somaliland ee jooga magalada Leeds Wadanka UK

Ujeedo: Hambalyo ku socota madaweyne Xasan Shiikh Maxamuud

ku taarikheysan 11 09 2012
Anoo ku hadlaayo magaca dadweynah Iyo Jaliyada Somaliland ee u hogaamiyo INA C/lahi Warmahaye waxaan ku soo direyna dhambaal hambalyo iyo taageero iskugu jiraa oo aan kugu hambalyeyneyno xilka lagu doortey shaley ay taarikhdu ahayd 10 09 2012
Shabiga Rer Somaliland oo ay wadaagaan shacbiga soomaaliyeed wadadhalasho taarikhiya waxaa ay maanta la wadagaan dadweynaha soomaaliyeed farxadda doorashada madaxtiinimo ee aad ku guleysatey mudane madaxweyne (Xasan Shiikh Maxamuud) sido kale shacbiga Rer Somaliland iyo madaxda Jaliyada waxa ay ku boorinayaan aqoon-yahan iyo odyaal-dhaqaameedka soomaaliyeed in ay kaa qeybqaataan dib u dhiska nabadeed ee lamoodo in u baryahan dambe soo indo biriqsanaayo
Sido kale madaxa Jaliyada waxaa u sii gaar ah kugu tahniyadeynayaa sida wanaagsan ee nadiifta ah ee ay ku doorteen wakiilada dadweynaha Soomaaliyeed oo ay kugu siiyeen kalsooni 190 cod ah waxaana ku leenahey hambalyo waxaan sido kale Eebe ka rajeyneyna in u kula qabto xilka culus ee ku horyaal

Eebe ayaa mahadle
Afhayeenka guud ee Jaliyada Rer Somaliland ee Leeds Uk

INA C/LAAHI WARMAHAYE

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)