|
Hay’adda Somali Advice & Information Services (SOMINFOS) oo u hambalyeeynaayo madaweyne Xasan Shiikh Maxamuud

Hay’adda Somali Advice & Information Services (SOMINFOS) oo Hambalyo iyo Bogaadin u diraysa shacabka iyo madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya
Dhammaan shaqaalaha iyo maamulka hay’adda Somali Advice and information services waxa ay hanbalyo iyo bogaadinba u direysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walboo ay joogaanba kadib guushii taariikhiga aheyd ee lagu doortay madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Prof. Xasan Shiikh Maxamuud. Runtii maanta waxa ay aheyd maalin taariikh ah, waxa ay aheyd maalintii taariikhda Soomaalida ugu horeysay kadib muddo 40 sano iyo in ka badan oo dalkeena lagu qabtay doorasho xalaal ah . Runtii waa arin lagu farxo oo qof kasto ay ku jirto damiir Soomaalinimo uu soo dhaweynayo guushaas.
Madaxweynaha cusub waxaanu leenahay Allaha kuu fududeeyo xilka aad qaaday, waxaan kaloo Allaah kaga baryeeynaa in uu kaa dhigo kii isku keeni lahaa Soomaali oo idil dalkana u horseedi lahaa guul, horumar iyo innagoo cagta saarna waddadii horumarka.
Waxaan ka codsanayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaanba in ay soo dhaweeyaan madaxweynaha cusub una duceeyaan si uu Allaah ugu fududeeyo xilka iyo masuuliyadda weyn ee uu qaaday. Ogaada qofna kaligiis meel ma gaari kari karo haddii aan lala shaqeyn.
Mar labaad iyo mar saddexaadba madaxweynaha cusub waxaanu leenahay hanbalyo iyo guul inshaa’allaah.
Wabilaahi towfiiq
Cabdixakiim Jaamac jooje
Gudoomiyaha hay’adda Sominfos – Leicester UK.
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|