Somali News
    Hees  

Maqaal: Allaha kuu naxariisto,Yuusuf Cali Cusmaanow, Mooryaan Miyiga laga soo kaxeeyay, Magaaladana Muufo lagu siiyay baa sabab u noqday noloshaada

 

Garasho iyo garaad midna haku sheegin,diin iyo dal iyo dadnimo jacaylna haku soo qaadin, mooryaanta iyo madaxdooda oo had iyo jeer ku fekera in ay dalkooda ka baabi’iyaan kana takhalusaan wadaaddada,saxafiyiinta iyo aqoonyahannada,kuwaasoo u darban in ay dalka iyo dadkuba wax u qabtaan,haseyeeshe mooryaanta iyo madaxdoodu waxay doonayaan in ay dalka ka xaalufiyaan khayraadkiisa,aqoonyahanadiisana ay dalka ka saaaraan kuwa ku harayna ay dilaan,si loo waayo dad dadka u wacdiya ama warka u soo tebiya,qalinkana u qaata mikrafoonkana u qabsada.

Waxay kuwaasi doonayaan,waaa mooryaante in ay rafiiq la noqdaan kuwo dal cun ah iyo dad cun ah oo aan dan ka lahayn dal iyo dadba,waa kuwii sunta ku aasay xeebaha dalkooda dadkooduna dibedda u kala diray,waa kuwii ajnebiga u soo kaxeeyay dalkooda iyo dadkooda si ay ugu gaaraaan danahooda gar ahaaneed,waxaysan garanaynin mooryantaasi iyo madaxdooduba in haddii ay ka takhalusaan wax garadkooda in uu u soo bixi doono qof qalinka ku jahawareeriya mikrafoonkana ku danaysta.

Yuusuf Cali Cusmaanow Allaha kuu naxariiste,waxay mooryaantaasi garan waayen in aad wax u taraysay,waxay garan waayeen wax qabadkaaga,waxay garan waayeen in aad adiga u hartay oo aad la dhex noolayd,asxaabtaada intooda badana ay ka soo carareen mooryaantaasi, waxay garan waayeen in aad u wadday howshii aad ku soo barbaartay kana howlgalaysay meeshii aad ku soo barbaartay,waa su’aale,maxay doonayeen mooryaantaasi,ma in uu qalinka u qaato qof iyaga ka tirsan, mikrafoonkana u qabsado qof iyaga ah,ma waxay doonayeen in ay kuugu beddalaan mooryaan iyaga ka socda ama gaal lacag siiyay.

Yuusuf Cali Cusmaan,Allaha u naxariiste,wuxuu ka mid ahaa weriyeyaashii Raadiyo Muqdishow,wuxuu ahaa nin qunyar socod ah oo aad u deggan,howshiisana aad u jeclaa, wuxuu ahaa ruux barnaamijkii uu ka soo jeedinaayay Raadiyaha ku wanaagsana aadna uga soo shaqaynaayay,wuxuu ahaa qof howshii uu ka waday beri samaadkii iyo macaankii dawladnimada uu weli ku howlanaa,kumana fekerin in uu dalkiisa ka soo haajiro,ma nin ay dilaan baa? 

Maxamedeyn

Den Haag/Holland

Waa inoo mowduuc kale iyo markale insha Allah

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)