Somali News
    Hees  

Aragti: Su’aalaha ku Saabsan Dastuurka Qabya-Qoraalka Soomaaliyeed ee Shakiga  Leh

Su’aalaha ku Saabsan Dastuurka Qabya-Qoraalka Soomaaliyeed ee Shakiga  Leh
WQ: Aamina Axmed
April 26, 2012

Dastuurku ma aha aalad ay Xukuumaddu/Dowladdu ku xakameyso dadka, ee waa aalad dadku ku xakameeyo Xukuumadda/Dowladda." - Patrick Henry 
Tixraaca sharciyadeed ee ugu horreeya waa waxa Qaamuuska Black’s Law Dictionary ku qeexayo Dastuur inuu yahay : “Xeerka asaasiga ah ee ay ummad ama Dowlad leedahay kaas oo dhidibada u aasaya hey’adaha iyo nidaamka maamul-dowladeed, islamarkaana qeexaya cabbirka awoodaha dowladda, damaanadna qaadaya xuquuqaha qofka.”  Tan macnaheedu waxaa weeyaan in Dastuurku saleeyo nooca Dowladda ee ay umadi yeelaneyso; qeybaha Dowladda iyo kala xadeynta awoodaha iyo meelaha ay ku siman yihiin; wuxuu waliba sameeyaa isudheellitiranka oo ka dhigo in qeybaha kala duwan ay wadajiraan.  Waliba dastuur waa inuu caddeeyaa xuquuqaha muwaadiniinta oo xadidaa faragalinta Dowladda ee xuquuqahaas.
Dastuurka umadi leedahay waa sharciga ugu sarreeya kaas oo ay dhammaan shuruucda kale ka qaataan sharciyadda. Dastuur kama koobna dhammaan shuruucda dalka/umadda, haseyeeshee wuxuu dhigaa qaabka guud ee qeybaha Dowladnimo/Maamul ayaa sameeya shuruucda kale ee qarameed ee muhiimka ah. Sidaa daraadeed maadaama uu yahay sharciga ugu sarreeya, sharci kasta oo aan la socon Karin waa waxba kamjiraan.
Dastuurradu waa “Heshiis Bulsho” ama aalad sharci oo u dhaxeysa dadka iyo Dowladda. Dastuurrada waa in lagu sameeyaa iyadoo laga ambaqaadayo rabitaanka iyo heshiisyada muwaadiniinta. Geedi-socodka sameynta Dastuurka waxay ka billaabantaa qabyo-qoraalka oo loo wakiisho Guddi dastuureed. Qoraalka Qabyada ka hor, tixgalin waa in la siiyaa in Dastuurkii hore lagu duldhiso/dib-u-eegid lagu sameeyo ama mid cusub la sameeyo.      
Interpeace, oo ah Hey’ad caalami ah oo madax-bannaan, oo nabad-dhisidda ka shaqeysa, waxay daabacdaa buug-yare la magac baxay ‘Constitution-making and Reform: Options for the Process’, Dastuur-Sameynta iyo Dib-u-Qaabeynta: Khiyaaraadka Geedi-Socodkakaas oo soo bandhigaya hababka “ loo sameeyo Dastuur Casri ah oo xalaal ugu muuqda dadweynaha oo lagu sameeyay hab loo dhan yahay.”  Mabaadiida Buug-yaraha ee sameynta Dastuurka waxay xoogga saarayaan ka-qeybgalka dadweynaha, udhamidda, xalaalnimada iyo lahaanshaha qarameed. Habka Dastuur sameynta ka socota Soomaaliya ma waafaqsanaya dhammaan mabaadiidaas, ma jirto ka qeyb-gal dadweyne, kawada-qeybqaadasho loo dhan yahay, xalaalnimo iyo lahaansho wadaniyadeed. Interpeace waxay ka digeysaa in “ Dastuur–sameyn waa dhacdo weyn oo ummad dhisid ah, laakiin haddii dhaawacyadu cusub yihiin islamarkaana geeddi-socodku aan loo maareynin si taxadir leh, waxaa ka dhalan kara iskudhacyo soo cusboonaada”
 

Dowladda Federaalka KMG ah waxaa u haray 3 bilood waxayna ku jirtaa deg deg weyn oo ay ku dhameystireyso Wadatashiga Dastuurka Qabyada ah - Consultation Draft Constitution- (CDC) ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Waxaa lagu soo warramayaa in Wadatashiga Dastuurka Qabyada ah (CDC) uu qabyo-qoray Guddiga Dastuurka Federaalka Madaxa-bannaan- Independent Federal Constitution Commission- (IFCC), oo ah Guddi la aasaasay sanadkii 2006 oo markii hore ka koobnaa 15 qof oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib khubaro ah. Hadda guddigan IFCC wuxuu ka kooban yahay 27 qof – 20 rag ah 7 dumar ah – waxaana madax u ah Abdillahi Hassan Jama. Bishii December 2011, Ra’iisul-Wasaaraha ayaa isugu yeeray Guddiga Khubarada ee Dastuurka Soomaaliyeed kuwaas oo kulansanaa afar cisho si ay taageero u siiyaan shaqada IFCC gacanna uga geystaan dhammeystirka qabyada. CDCda waxay ku qoran tahay websiteka dastuur.org iyadoo af Somali (Maxaa), af Somali (Maay), English iyo Arabic. Qoraal-Qabyadan dheer waxay ka kooban tahay 179 qodob, 3 jadwal,  71 bog (69 bog af Somali) iyo xeerar badan oo iskudhex jira, tiro kamid ah ayaa isbaabi’inaya, tusaale ahaan:

Article 22 - (1) A person is free to practice his or her religion. (2) No Muslim can renounce Islam.

Article 22aad (1) Qof kastaa wuxuu xor u yahay inuu ku dhaqmo diintiisa. (2) Qofka Muslimka ah kama bixi karo diintiisa.

Haddii aad dhex qaaddo 176 qodob, waxaad arkeysaa in CDCdu yahay qoraal aan ilhaam iyo nuur lahayn oo u eg in ay qortay cid aan warba uheynin mudnaanta iyo xaaladaha dhabta ah ee umadda Soomaaliyeed ee nugul. Qabyadu ma soo qaadeyso taariikhda jahawareerka ah ee ay Soomaaliya soo martary dhawaan, mana adeegsaneyso luqad dib-u-hesiishiin mana ka muuqato indheer-garadnimo ku saabsan mustaqbalka. Qeybo kamid qoraalka ayaa kaa qoslinaya qaabdarro darteed. Tusaale ahaan:

 

 

Article 23 (2) A person has a right to seek and receive ideas.

 

 

Article 23aad (2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu raadsado, helana afkaar.

 

 

Article 32 (3) A person has the right to social security, including social assistance.

 

 

Article 32aad(3) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay daryeel bulsho, oo dhammaystiran.

Waa yaab! Ma waxaan u baahannahay qoraal nagu wargaliyo in aan xaq u leenahay in aan helno waano ama naseexo? Waa su’aal ee, sidey Dowladdu u qorsheyneysaa in ay u xaqiijiso xuquuqda amniga bulshada iyo taageerka bulshada? Qoraalkan deg degga loo sameeyay ee dhirirka badan waxaa ka buuxa shuruuc xad-dhaaf ah iyo hadal-tiro aan waaqici ahayn islamarkaana aan la dhaqan galin Karin. Waa la hubaa haddii qabyo qoraalkan la awood siiyo, cidda ugu horreysa ee diida waxay noqoneysaa Dowladda!
Dastuurrada wanaagsan waxay qaataan waqti iyagoo mara qabyooin kala duwan iyo dib-u-eegid badan inta dadweynaha la soo hordhigin. Tusaale ahaan Dastuurka Mareykanka oo ah dastuurka dunida ugu kooban oo aan wax badan laga badalin waxaa la mee mariyay sanado badan oo dood ah kadib. Mareykanku wuxuu xorriyad ka qaatay Biritin 4tii Luuliyo 1776, dastuurkana waxaa la ansixiyay bishii Sitembar 17, 1787, waa 11 sano xorriyadda dabadeed.
 
Wadatashiga Qabyo-qoraalku wuxuu taariikheysnaa 30 July 2010, waxaana u heystaa in ay tahay waqiga dadeynaha loo soo bandhigay, laakiin dadweynaha Soomaaliyeed waxay ogaadeen oo kaliya labdii bilood ee la soo dhaafay. Guddigii loo saaray in ay booqdaan magaalooyinka ay dadku ku badan yihiin si ay u qabtaan kulamo wada-tashi ra’yina u helaan, waxay kari waayeen in ay shaaca ka qaadaan kulamadaas deedna mey helin dad badan oo u soo baxa. Laba ka mid ah kulamadaas waxay dhawaan ka dhaceen Mareykanka, inkastoo aan helin fursad aan kutago kulamadaas, waxaa ka daawaday youtubeka.
Kulankii wada-tashi lagu qabtay Minneapolis, Minnesota ayaa soo xaadireen dad aad u yar iyo  Khubiirka Farsamo ee Dastuurka Soomaaliyeed - Somali Constitution Technical Expert (SCTE), wuxuu hadalkiisii furidda ku caddeeyay in baahi weyn loo qabo dastuur sabatoo ah wuxuu jiheynayaa awoodaha u dhaxeeya Madaxweynaha,Baarlamaanka iyo Ra’iisul-Wasaaraha. Axdiga Dowladda Federaalka KMG ah kaas oo jiray ilaa iyo markii Dowladda KMg ah ay dhalatay wuxuu awoodaha u qeybinayaa hey’adaha Dowladda KMG ah, laakiin dowladdu ma ayan tixgalinin sanado.  Waa maxay sababta uu qoraal dheer  wax u tarayo? Markii Khabiirka la weydiiyay fikradda uu ka heysto qabya-qoraalka, wuxuu qiray in uusan ahayn aqoon-yahan qaanuun oo ayna jiraan meelo kamid ah qabyo-qoraalka oo welwelka kala wadaago bulshada Soomaaliyeed ee Minne-apolis .
Dhinacaa iyo xaga Columbus, Ohio, Khabiirka Farsame ee dastuurka Soomaaliyeed- SCTE- wuxuu dood ku bilowey qodobada khuseeya jinsiyadda dad badan ayaana xoog saaray arrinkaas. Markee la weydiiyay sharcinimada qabyo-qoraalka iyo wax-ku-darid la’aanta iyo aqbali la’aanta muwaadiniinta Soomaaliyeed, khabiirku wuxuu ku jawaabay xikmadda Soomaaliyee ee “Haddii aad tashan weyseen waa la idiin talinayaa”–  taas oo keentay su’aalo badan oo ah in dad aan Soomaali ahayn ay wadaan dastuurka Soomaaliya? Maxeyse u heli la’yihiin in Soomaali lahaato dukumentigan qaran ee muhiimka u ah? Guddiga u xilsaaran miyey sameeyeen kulamo wadatashi ku sugan goballada dalka? Miyuu guddigu tagay magaalooyinka ku yaalla Gedo, Jubbooyinka, Baay, Hiiraan, ama gobalka Benaadir oo ay Dowladdu joogto?
Khabiirku laba kulanba wuxuu ku celceliyay in dastuurku wali qabyo yahay oo ra’yigiina wali la aruurinayo oo ay tanna ahayn u codeyntii. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in qoraalkan uu leeyahay suuragalnimada uu u xuubsiiban karo ayna jirto fursad lagu badali karo mustaqbalka dhow. Waxaan ogaanay in taas ayan run ahayn. Isbaddel mustaqbalka dhow ah kuma xusna qabyo qoraalka. Waxaa laga yaabaa in khabiirku uunan la soconin qodobkan:

 

 

Article 172aad. Xadididda wax-ka-beddelka dastuurka
Lama soo jeedin karo wax-ka-beddelid dastuurka todobadda sano (7) ee ugu horraysa dhaqangalkiisa, marka laga reebo wax-ka-beddelidda lagama-maarmaanka u ah fududaynta kas-soo-qaybgalka buuxa ee Somaliland iyo Puntland ay ugu soo qaybgalayaan nidaamka Federaalka.

Labada kulan ee Mareykanka ka dhacay ee loogu magac daray latashiga dadweynaha ee Dastuurka qabyada ah, waxay qireen Guddiga in deg-deg weyn jirto. Waxaana jaaliyadaha Columbus and Minneapolis lagu wargaliyay in waqtiga ka faalloodka iyo ka doodduba ay aad u yaryahay. Isagoo luminaya fursad qaali ah oo sharciyadda habka lagu kordhin karo, ayuu guddigu uunan sameynin wax dadaal ah oo lagu dhaqaaqayo in wacyi-galin dadweyne oo ku saabsan geeddi-socodka; sidoo kale guddigu ma sheegin sida faallada iyo ra’yiga loogu dari lahaa qabyada. Sida daraadeed, la yaab malaha in wareysigiisii ugu dambeeyay his most recent interview given ee VOA, wasiirka dastuurka Mr. Abdirahman Hosh Jibril uu caddeeyay in dastuurku uu marayo heerkii ugu dambeeyay ee qabyada uuna diyaar u yahay ansixin si uu u noqdo Dastuur KMG ah.. Mr. Hosh ma sheegin faallooyinka buuqa iyo niyojabka leh ee laga helay latashigii dadweynaha iyo in fikradahaas lagu daray qabyada ugu dambeysa. Mr. Hosh waxaa la weydiiyay in ansixinta dastuurku ku xiran tahay shuruud wuxuuna ku jawaabay in ay dhici karto in dastuurka la ansixin waayo sabatoo ah majiro heshiis. Waxaan u maleynayaa in arrinkan kutusinayo in uu wasiirku ogyahay ceebaha kujira qabyo-qoraalka iyo habka dastuur-sameyntuba. Maalintii xigtay, madaxa  Mr. Hosh’s boss waa Ra’iisul-wasaarahiisee Mr. Abdiweli M. Ali ayaa musmaarkii ugu dambeeyay ku dhuftay naxasha (u dhameeyay) isagoo soo saaray warmurtiyeed press release uu ugu dabbaal-dagayo dhammeystirka qabyo-qoraalka dastuurka oo ah April 24, 2012.
Wali waxaa nasugaya su’aalihii waaweynaa ee Dastuurkan shakiga leh, kuwaas oo laga rabo Dowladda Federaalka KMG ah iyo IFCC iney ka jawaabaan si ay ku dheehan tahay hufnaan iyo is-aaminaad-dhisid:

  1. Muxuu Dastuur cusub muhiim ugu yahay waqtigan aan joogno ee taariikhda dalkeena? Bal waxaad sharaxdaan sida uu Dastuur cusubi uu dalka u gaarsiin karo ka hortag dagaal, dib-u-heshiisiin iyo nabad?
  2. Waa maxay sababta waqtiga loo qabtay doodad dadweyne ee dastuurka qabyada ah ay aad ugu gaaban tahay? Waa maxay sababaha keenay in loo dedejiyo arimahan?
  3. Nabadda ma waxaan ku weyney dastuur la’aan?
  4. Sidee Dastuurku wax uga qaban karaa arrimaha ugu horreeya ee dalka - amniga, nabadda iyo midnimada?
  5. Ma muhiim baa in la sameeyo dastuur cusub si loo dhameystiro waqtiga ku meel gaarka?
  6. Sidee buu dastuurkan wax uga tari karaa joojinta dagaallada u dhaxeeya malleeshiyaatka ishaya, argagixisada iyo Dowladda KMG ah?
  7. Miyuu Dastuurkan wax ku biirinayaa dib-u-heshiisiinta iyo dib-ula-midowga Somaliland?
  8. Waa maxay sababta uu dastuurku uga hadlayo shuruuc laga heli karo shuruurda kale ee qaranka tusaale ahaan shuruucda kala noqoshada jinsiyadda, hey’ado waxbarasho oo madax bannaan, ilma-iska soo rididda iyo in qofku dhaqaaleeyo waalidkiisa?
  9.  Maxaa ku dhacay ficil-celinta iyo welwelka ka soo baxay la tashigii dadweynaha? Mase la soo daabici doonaa ra’yiga oo dadweynaha lala wadaagi doonaa?
  10. Soo ma habboona in la joojiyo howsha dastuur-sameynta markaas ay dowladdu xoogga saarto sugidda sharciga iyo dhalinta nabadgalyada, cuntada, guryeynta, shaqada iyo waxbarashada, baddalkii muruq iyo maal lagu bixin lahaa qoridda dastuur la yiri wuxuu keenayaa “ xaqa nolosha” (qodobka 18)?

Soomaali kasta waxaa laga rabaa in uu akhriyo Qabyo-Qoraalka Dastuurka gabi ahaantiis iyadoo uu qof kasta oo Soomaali ah xaq u leeyahay in uu diido haddii ay u arkaan in uu u qalmin Soomaaliya. Aniga waxaa iga ra’yi ah in marka nabad laga dhexdhigo qeybaha Soomaaliyeed ee ishaya oo dhammaan miiska lawada yimaao, iyadoo Soomaaliland-na socoto, markaan unbaa Dastuur-sameyn lagu dhaqaaqi karaa. Intii laa la gaarayo, Soomaalida u diida Ceeb!

NB. Qoraalkaan kadib, wasiirka XKMG ayaa sheegay inuu jiro Dastuur-Qabyo qoraal 2aad oo waxyaalo laga bedelay, hase yeeshee aan loo soo bandhigin dadweynaha.
Aamina Axmed
E-Mail:aawadani@gmail.com
Maqaalku wuxuu markiisii hore ku soo baxay Af-Ingiriis.
Waxaa Tarjumey: Hassan Khalif, Email: xmkwali69@gmail.com

Soo diray: Hassan Khalif xmkwali69@gmail.com

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)