|
Aragti:
Talo Ku Socota Madaxweynaha Somalia, Mudane Hassan Sh. Mohamoud
Talo Ku Socota Madaxweynaha Somalia, Mudane Hassan Sh. Mohamoud
7 Arrimood oo Mudane Farmaajo ku Mutaystay Ra'iisal Wasaarenimo Mudane Madaxweyne, Waxaan kuu soo jeedinayaa talo ku saabsan magacaabidda ra'iisal wasaaraha dawladaada cusub ee Somalia. Marka la eego dhibaatooyinka murugada iyo xanuunka badnaa ee soo maray Koonfurta (Somalia) mudadii 21 sano ahayd, Waxaan talo ahaan kuu soo jeedinayaa in Mudane Moxamed Cabdullaahi Farmaajo loo magacaabo ra'iisal wasaaraha cusub ee Somalia todobadan arrimood ee soo socda awgood:
1- Waa nin aqoonyahan ah oo fahamsan dhibaatada ka taagan Somalia, gacanweynna ka gaysankara dhakhso u soo celinta dawladnimada iyo qaranimada Somalia.
2- Waa nin ummaddu aad u jeceshahay oo madaxweynuhu ku kasbankaro taageerada shacabka magacaabidiisa islamarkaana kor u qaadikara sumcadda iyo ku kalsoonaanta dawladda cusub ee Somalia.
3- Farmaajo waa wadani weyn daacad ah oo kala fahamsan cadawga iyo nasteexa Somalia waana sababta ay ummaddu u jeceshahay.
4- Waa nin la tijaabiyay xilligii uu ra'iisal wasaaraha ahaa kuna guullaystay soo celinta haykalkii, nidaamkii, iyo kala-dambayntii dawladnimada Somalia.
5- Waa nin ka habaysta sharciga iyo qaranimada lana dagaallama qabyaaladda iyo musuqmaasuqa.
6- Marka la eego sida ay Somalia wax u qaybsatay maanta (4.5) waa nin ka soo jeeda beesha loo qoondeeyay ra'iisal wasaaraha? Waa fool-xumo weyn in ra'iisal wasaaraha loo loogo islaweyni iyo sadbursi cadaaladda ka fog, ummadduna ka soo horjeesato.
7- Waa nin yaqaan taariikhda Afrika, Somalida iyo taariikhda Israacii fashilmay ee Somalia iyo Somaliland taas oo horseedikarta in labada dawladood sii ambaqaadaan wada hadaladii la bilaabay. Waa nin og in wada hadalada laga ilaasho islaweyni, hanjabaad, inkiraad, iyo taariikh been laga sheego oo duminkara wada hadalada soona noolaynkara colaado laga soo baxay.
F/G: Mudane madaxweyne, waxaad ogaataa in ra'iisal wasaare, wasiir, ama xubno baarlamaan oo ka soojeeda dawladda Somaliland anay marnaba xukuumadda Somaliland la gelayn wax wada hadal ah waayo arrintu kama dhaxayso dadka Somaliland ee waxay ka dhaxaysaa Somaliland iyo Somalia. Haddii aad arrintaas aad isku daydid waxaad ogaataa in shirqoolka noocaas ah ee ka soo horjeeda dawladnimada Somaliland uu fashilinayo wada hadal kasta. Waa Billaahi Towfiiq.
Ibrahim Hassan Gagale
Ibrahim_hg@yahoo.com
hassai@portlandschools.org
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|