Somali News
    Hees  

Maqaal: "Guulaha ay gaartay DKMG ee uu hogaamiyah u yahay Sheekh Shariif"

QEYBTA 3-AAD: Bilowgii 2011 waxaa si toos ah u bilowday Dagaal fool ka fool ah oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Kooxaha Nabadiidka Alshabaab oo iyaguna garabsanaayay Saraakiil Ajnabi ah oo kasoo ambaday Dalalka Shisheeye Sida Mareykanka,Tanzania,Kenya iyo waliba dalal kale, Guusha Dowlada Madaxweyne Shariif waxa ay ka bilaabatay kadib markii ay dileen Ciidamada DKMG Gacan ku dhiigle, Horjooge Fazul C/lla Maxamed oo isagu Al-Qacida u qaabil sanaa Geeska Africa si uu uga geesto Bur-bur iyo barakicinta Bulshada Geeska Africa kunool.

Dilkii Gacan ku dhiigle Fazul C/lla waxaa taageeray Dowladaha Galbeedka iyo kuwa Africa waxaana Dowlada soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif loo hibeeyay Hanti iyo garab uu isaga dhiciyo Kooxaha Alshabaab oo xiligaasi kusii xoogeysanaayay Gobolada Dalaka soomaaliya halka inta badan Goobihii ay kaga sugnaayen Magaalada Muqdisho ay isaga sii huleelen Alshabaab iyo Ajaanibtooda.

Dilkii Fozul kadib waxaa Nusqaan ama hoos u dhac ku yimid Dagaalyahaanada Kooxaha Mucaaradka ee Alshabaab waxaa bilowday in ay Ciidamdooda isaga soo cararaan Alshabaab islamarkaana kusoo biiran DKMG Somalia kadib markii ay ogaaden in Alshabaab ay qoraxdooda sii dhaceyso, Dowlada Madaxweyne Shariif waxa ay guullo la taaban karto ka gaartay inta badan Magaalada Muqdisho waxa ayna wadooyinka Magaalada Muqdisho ku daadisay Ciidamo nidaamsan oo iyagu ahaa kuwa u ooman Nabada iyo horumarinta dalka iyo dadka soomaaliyeed oo muddo 20Sanno dagaalo ay aafeeyen.

Waxaa xusid mudneyd in Dowlada Somalia xiliga ay cirib tireysay Alshabaab ay inta badan Magaalada Muqdisho ka waday Dhismooyin ku aadan wadooyinka, hagaajinta goobaha qashinka iyo waliba wax kabadalka Suuqa weyn ee bakaaraha

GOOBAHA AY HORUMARISAY DKMG EE UU HOGAANKA U HAAYO MADAXWEYNE SHARIIF

1-Hagaajinta iyo wax kaqabadka Suuqa bakaaraha
2- Dhismaha Wadooyinka iyo soo celinta amaanka Magaalada Muqdisho
3- Howl-galinta Ciidamada Dowlada Somalia kadib 20-Sanno markii la waayay Dowlad daryeesho Ciidanka xooga dalka Somalia
4- Dib u dhisida xarumaha waxbarashada, Ganacsiga, iyo waliba bad-baadinta Bulsho weynta
5- Ciribtirka Kooxaha Mucaaradka iyo nabad kusoo dabaalida Gabi ahaan magaalada Muqdisho iyo daafaheeda

W/Q. Ali Mohamed Jimale (Ali oyaaye)
Email:- alioyaaye@hotmail.com
Xafiiska Shabakada Markonews.com
Ee magaalada Muqdisho - Somalia
Email: markonews@hotmail.co.uk

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)