Somali News
    Hees  

Aragti: Muddaa cudur inahayee maanta ma caafimaad-qabnaa

 

Waxaa nagu dhacay cudur xun oo dawadiisa la raadinaayey muddo labaatan sano ah.

Daawadaan naloo-helay, waxaa mahaddeeda leh Ilaaheena weyn, waxaa kaloo uga mahad naqaynaa wadamada daneeya danaha Somaliya oo fahmay jiradaan waxa ay ka abuuratay iyo waxa ay salka ku hayso oo ah Qabiil ay ku qaraabanayeen danaystayaal aan dadkooda arxan iyo naxiis u ahayn, dhiigga dadkoodana ku badasha danahooda. Waxaa kaloo faa'iidada dhiigga dadkooda inay qaybtooda ka qaataan fahmay niman magac diineed soo huwaday, muuqaalkii iyo sunadii islaamkana samaystay. waxaa kaloo kasii darraaday kuwo isku magacaabay siyaasiyiin iyo aqoon-yahanno oo damacooda siyaadadeed iyo dhaqaalo ka raasaday dhibaataynta shicibkooda la daan-daamayey dhibaatooyinka horey loogu gaystay. Intaas oo dibin-daabyo ah markuu cudur xun isu badalay oo dadkeenii garan-la'aa siduu isaga daaweyn lahaa muddo dheer ayaa maanta daawo ku meel-gaar ah aan helnay, inkastoo dhibaato keeni karto haddii aan loo isticmaalin sidii loogu tala-galay.

Qariiradda nabadda ee naloo xariiqay waxay noqonaysaa dabiibka ugu horreeyey ee cudurka, waayo maanta waxaan haysanaa Dastuur oo qaran baan-nahay; Waddan dastuur lahayna ma madaxbanaana. Wuxuu kala xanibay ama kala xakameeyey kuwii bahalada ahaa ee siyaasiyiinta isku sheegay oo maalin-walba isku qabsanaayey cunidda ama cabidda dhiigga dadkooda, qariiraddaan oo qoraysa madaxdu inay fuliyaan wixii lafaro. xilkana aanay iska qaadi karin muddada ay madaxda yihiin, taas oo nafis weyn noo keentay. Dhagihii dhibsaday madaxweynihii iyo raysal-wasaarihii baa ishaysta, afhayeenkii baarlamaankaa xilkii laga qaaday iyo waxyaabo badan oo aan wanaagsanayn, danaha dadkeena dib-u dhigaayey, siyaasiyiintana u cimri-dheereynayey. Waxaa kaloo daawa noo-noqday ciidamada AFRIKAANKA ka ah oo Ilaahay inoo soo-diray, kuwaas oo hor-istaagay bahaladii qoryaha ku qaraabanaayey ee dagaal-oogayaasha ahaa oo cabsi daraadeed darbiyada gadaashooda galay. rabbigay mahaddiisa maanta midna ma hadli karo. Waxaa kaloo ay cagta mariyeen kuwii darajada ku doonayey, waxna ku dilaayey magac diineed oo aan dhab ahayn; Lugaha iyo gacmaha uga jaray, rasaas nafta uga qaaday, godad u qoday oo dhagax ku dilay, miinooyin u aasay oo ku qarxiyey dad muslim ah oo aan danbi lahayn, diintoodii iyo dhaqankoodiina ka dhigay mid aan jirin, shakina galiyey. Qariiraddu waxay suurta galisay in Xamar nabad noqoto oo maalintii wadooyinka nabad lagu maro, habeenkiina ilaa Cishaha iyo wixii ka danbeeya Baararka iyo Biibitooyinka lagu caweysimo, waa mahad Ilaah iyo Daawo aan helnay.

Sida nagu maqaala ah Baarlamaanka Somalidu yeelanayso inta badan waa dad aqoon caafimaad-qabta leh, waxna kala garan kara, waxaana ka dhex muuqan-doona dumarkeenii suubaanaa oo saldhiga nolosheena ahaa, ayagaana daaweynta dadkeena qayb-weyn ka qaadan-dona. Xamar waxay tahay ama ahaandoontaa magaalo madaxdii somaliyeed, ayadoo loo samayndoono nidaam ama sharci magaalo-madaxeed. Cid-walba oo somali ahna aysan cidna ka xigin, cidana cidi ka sheegan karin. Mar danba aysan inaga bur-burin, oo dad wax magarato ihi aysan si sahal ah u dumin, taariikhdii iyo jiritaankeenii quruxda badnaa ee soo-jireenka ahaa.

Waxaa la dooran-doonaa Madaxweyne, wuxuuna wada hadal lafuridonaa Somaliland haddii Ilaah idmo, kuna soo- biiridonta qaranimada somaliyeed, ayagoo ku qanacsan ka mid noqosha qanimada oo ay qayb-weyn ku lahaayeen soo helidoodii ama xoriyaddii somaliyeed. Waxaa la dhisidonaa dowlad taya-leh oo dad aqoon leh hogaamindonaan. Gobol-walba waxaa laga helidonaa adeegii dowladda dhexe sida Baasa-boorradii, waxbarashadii, duulimaadyadii iyo dhammaan wixii waagii hore loo aadi-jiray hal magaalo, cid-walbana ayadaa ismaamuli-donta.

Daawadaan la helay wali dad baan ku qanacsanayn oo shaki uga jiraa inay dabiib u tahay, laakiin haddii aan Rabbi solansiin oo aysan dhaqso u qaadan cudurkii dad badan oo somali ah dilay oo Akhiro u diray baa aakhirkooda heli-dona oo waqti aan la-daaweyn karin bay soo baraarugi-donan.

Mahamud Jama Farah

mahamudjm@hotmail.com

U.S.A.

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)