|
Maqaal: Dastuurka aynu ka doodno ! Q-1aad W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
Assalaamu Calaykum, Dastuurka aynu ka doodno ! Waxa ay ahaanaynaa qormooyin taxane ah oo aan usoo gudbin doono dhamaan Ummadda Soomaaliyeed ee fursadda u hella in ay Akhristaan , Waxaan ku soo qaadan falanqayn labba dhinacle ah oo aan ku eegaayo qaybo ka mid ah qodobadda Dastuurka kmg ah ee Dalka Soomaaliya dhowaan yeeshay .
Hordhac .
Dastuur waa xeerar bini aadameed ay samaystaan bulsho dagan , Deegaan , Wadan , dhulal kala gadisan oo aan isku xirayn dhul ahaan , Ururo Iwm , Waxaa ay ku soo dhcdaa garashada Bini aadamka in ay samaystaan xeerar marka ay u baahdaan in ay yeeshaan dawlad ,urur qabanaaya howlaha horumarineed , Urur siyaasadeed iwm .
Bini aadamka oo kala gadisan una kala baxa Muslimiin , Gaallo , Munaafaqiin , waxay samaystaan Xeerar kala gadisan , Aragti kasta oo Bini aadamka Maskaxdoodu curiso ee ah bah dhaqan Siyaasadeedka la doonaayo in Bulsho ku noolaato yeelatana ku baahin guud oo dhamaan caalamka lagu baahiyo waxa laga dheehdaa aragtidaas aminaada Alle SW iyo aminaad la,aanta . Ma jiri karto aragti hanaan siyaasadeed ee barbaarin Bulsheed aan lahayn saamayn ku yeelasho aminaadeed , Tusaale qofka Muslimka ah waa in uu ahaadaa mid ku eegaaya xeerarka uu curinaayo diinta Islaamka sidee ku yahay xeerkiisu Islaamka . Qofka aan Alle aminsanayn ee haysta aragtida ah in uusan jirin Alle SW naqshadeeyay dunidaan oo dunidu dabiiciyad iska tahay awood ka dambaysaana aysan jirin xeerarka uu samaynaayo waxa uu ku eegayaa aminaadiisa oo uu sal uga dhigaayo kuna fakaraayo in dadka laga kaxeeyo aragtiyaddi hore ee jiray.
Anniga oo Muslimiin ah Soomaalina ah waxaa dhowaan la innoo sheegay in aynu yeelanay dastuur Soomaaliyeed ayna ansixiyeen ergo dad Soomaaliyeed ah , Dastuurka waxaa la innoo sheegay in ay qoreen Guddi madax banaan oo Soomaali ah iyagga oo kaashanaaya dad kaleeto oo ajaanib ah oo ku caawinaaya aqoontooda xeerar Bini aadameedka caalamiga ah ee ay aqoonta u leeyihiin .
Waxaan Muddo Akhrintiisa si dhug leh ugu mashquulay Dastuurkaas dhowaan aynu yeelanay haddaan Soomaali nahay , Waxaan qodob kasta ku eegay dhibkiisa iyo dheeftiisa iyo in uu yahay mid Diinta Islaamka gaf ku ah anniga oo aan Sheekh ahayn haddana inta yar ee aan isleeyahay waad taqaan ku eegaaya Waydiinaayana Culimadda Diinta baratay ee fahankeedana leh .
Dastuurka aynu ka doodno ! Qaybta Kowaad
Waxaan annigu u arkaa mid aan meel mar ahayn hanaanka dawladeed ee dastuurkaan lagu qeexay ee ah in Jamhuuriyadda Soomaaliya noqonayso mid ku dhaqanta hanaan dawladeedka Federal ah , Balse qaybtaadaan maanta waxaa soo qaadan qaybo ka mid ah qodobadda waxaana horaysiin qodobadda aan leeyahay Diinta ayay lid ku yihiin ,Waxana maanta Akhristayaasha usoo gudbin qodobadda kala ah Qodobka 2aad. waxa uu ka hadlayaa Dawladnimadda iyo diinta farqadiisa sadexaad waxay lalaaysaa in aan la soo saari karin sharci aan waafaqsanayn diinta Islaamka Qodobka 3aad oo ah mid qeexaaya mabaadiida aasaaska u ah xeerarka dadka Soomaaliyeed yeelanayaan ay gundhig u noqonayso shareecadda Islaamku , Qodobka 29aad waxa uu ka hadlayaa Caruurta waxaana lagu sheegay in Caruur loo yaqaan dadka ka yar 18 Sanno.
Federalka oo aan qormooyin hore ku sheegay in uusan ahayn mid Soomaaliya qaadan karto haddan qaybahayga kale ayaan ku soo dari ee xiliyadda soo socda haddi aan la gaarin dhamaadka noloshayda , sidoo kale waxaan ku soo qaadan dhamaan qodobadda Xeer Soomaaliyedkaan dhowaan aan yeelanay ku jira ee dhibka aan ka arko .
Qodobadda aan soo qaadanaayo maanta waxay kala noqonayaan Qodobka 2aad. Qodobka 3aad , Qodobka 29aad sidan hoos ku qoran ayaana u kala qaad qaadi anniga oo raacinaaya faalayn gaaban |
 |
Qodobka 2aad. Dawladda iyo Diinta (3) Lama soo saari karo sharci aan waafaqsaneyn Mabaadi’da Guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasiiddeeda.
Qodobkaanu waxa uu cadaynayaa in aan Soomaaliya yeelan karin Xeer ka dhan ah Shareecadda islaamka, waa qodob aad muhiim ugu ah xeerarka ay samayanayaan Bulsho muslimiin ah oo la nool dareen caqiidadeedka aminaadda dhabta ah ee diinta islaamka , Sidaas oo ay tahay waxaa jira qodobbo ka mid ah xeererkeena oo ka hor imaanaaya qodobkaan
Qodobka 3aad. Mabaadi’da Asaasiga (1) Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka kariimka ah iyo Sunnada Nabigeenna Muxammed (NNK), wuxuuna ilaalinayaa maqaasidda (ujeeddooyinka) shareecada iyo caddaaladda bulshada.
Qodobkaan marka aad eegto waxaa kugu soo dhacaaya in uu muujinaayo in dadka Muslimiinta ah ee samaysanaaaya xeerar ay ugu farakaan qodobkasta ee ka mid noqonaaya xeererkooda in lagu eego Qur’aanka kariimka ah iyo Sunnada Nabigeenna Muxammed NNKH , Haddi aysan arintaasu dhicin oo aan diinteena islaamka lagu eegin siddaan kor ku sheegay waxay noqon cidda waxaas fakartay kuwo Caqlaawiyiin ah oo aan iyaggu caqiidadooda iyo hab xeer siyaasadeedka la doonaayo in Bulshada lagu dhaqo isku eegin .
Labbadaan qodob ee sarre waa kuwo u tagaan in xeer kasta oo aan yeelanayno uu yahay mid lagu soo eegay Diinta islaamka ee aan caqliga kaligiis noqon midka innoo sameeya xeerar ay Bulshadda Soomaaliyeed yeelato Qodobka isla markiiba ka hor imaanaaya labbada qodon ee Sarre waxa uu yahay midkaan soo socda . Qodobka 29aad. Caruurta (8) Ereyga “carruur/ubad” ee qodobkan ku xusan waxaa looga jeedaa qof da’diisu ka yar tahay 18-jir.
Qodobkaan oo ah midka ka hor imaanaaya ee ugu horeeya qodobadda sare ayaa ah mid sheegaaya in Caruur macnaheedu ay Soomaaliya ka noqonayso qofka ka yar 18 Sanno Islaamku waxa uu qabaa in Caruur ay yihiin dadka ka yar 15 sanno iswaydiintu waxay noqonaysaa maxaa ka dhalan kara kordhinta sadex sanno oo Xeerarkeena lagu qoray in illmuhu ku qaangaaraan 18 Sanno?Maxay dhabaha u xaaraysaa ? maxaa la xalaaleeyay maxaase la xarimay ?
Maxaa ka dhalan kara kordhinta sadex sanno oo Xeerarkeena lagu qoray in illmuhu ku qaangaaraan 18 Sanno?
Waxaa ka dhalan kara oo qofku marka uu si dhab ah isu waydiiyo saamaynteeda usoo baxaysaa tahay in Sadex Sanno oo dheeraad ah qofka Soomaaliyeed loo xalaaleeyay Sinnadda oo haddi uu isagga oo 17 Jir ah uu gallo fal dambiyeed Sinno ah aysan qabanayn Aayadda iyo xadiiska jideeyay Ciqaabta Dambiyadda qofki 15 Sanno ka wayn oo Sinno ku dhaca ee haddana kala ah mid meher soo maray iyo mid aan soo marin, Sadexdaas Sanno Guddigi Madax bannaannaa ayaa kaa qaaday Hadda ka dib illaa aad 18 Sanno gaarid Kuma qabaynayso Quraanka Kariimka ah iyo Xadiiska Rasuulka ee jideeyay ciqaabta Sinnada waa siday u dhigeen iyaggu . Maxay dhabaha u xaaraysaa ?
Dhibaatadeedu waa in la firay samayshadda qodobo ku xadgudubbaaya meel ka dhacna ku ah Quraanka iyo Xadiiska waana bolowga in ay inna Harayso Caqlaawinimaddu lana barbaariyo Mustaqbalka Bulsho Soomaaliyeed oo afka ka ah Islaam balse aan u ku dhaqmihayn Diinta islaamka , Isbadal marka la samaynaayo laggana fakaraayo in la sameeyo xeerer mustaqbalka saameeya hab nololeedka Bulsho, taaba gal in ay noqdeena xeerarkaasu laga taaban karo waaqicigooda , laguma soo boodo waxaa loo soo maraa marxaladdo kala gadisan iyadda oo la eegaayo hadba halka laga bilaabi karo , Qaangaarku waa 18 jir , sadex sanno ayaana daclacsiinay waa halka loo arkay in laga bilaabo ka dibna lagu xejiyo kuwa kale amaba ay ku jiraan haddaba oo aan qormooyinkayga dambe ku soo qaadan doono kuwa la mid ah qodobkaan ee marka iswaydiin dhinacyo badan ah aad ku eegto qaladkiisu kuu soo baxaayo. Maxaa la xalaaleeyay Maxaase la xarimay ?
Waxaa si bareer ah loo xaleeleeystay in ay jiri karaan dad Muslimiin Soomaaliyeed ah oo iyaggu isbadal ku samayn kara Shareecadda Islaamka sida ay markaas rabaana u dhigan kara , Waxaa la xarimay in awooda xalaalaynta iyo xaaraantimaynta uu leeyahay Quraanka Alle SW hadalkiisa ah ee ahayd fariinti uu u soo diray Bini aadamka kuwooda xiligaan ee uu Nabiga u Yahay Muxammed NNKH iyo axaadiista Nabigeena NNKH .
Idlayn .
Qaybtaan maanta Quxurka qodobadaan ayaa noqonaaya in laga been sheegaayo qodobadda sarre ee astaynaaya in wax ka baxsan shareecadda Islaamka aan la keeni karin halka kan dambe uu yahay waxaan xalaalaynay Sadex Sanno oo Sinnaddu u xalaal noqonayso qof qaangaar ah Muslin ah Soomaalina ah oo waxaan badalay qaangaarnimaddi oo horay u ahayd 15 Sanno haddana aan ku badalay 18 Sanno , Awood waxaanu u leenahay in aan baddallo Diinta iyo Xadiiska ,Annaga ayaa xalaalayn iyo xaaraantimayn samayn kara .
Waxaan Iswaydinayaa yay yihiin kuwa Sameeyay ma Guddigi Dastuurka ee madaxa bannaannaa ee Soomaaliyeed ayaa siddaan wax u dhigay oo aan oranaynaa iyagga ayaa sadexda Sanno Sinnada Xalaaleeyay ? Ma dastuuryahanaddi waa idin caawinayaan la yiri ayaa kan innogu daray guddiga madaxa bannaan ee dastuurka ee Soomaalida ahaanna kama diiddin ? Mise maba jirto wax Soomaali samaysay ee ajaanib ayaa innoo Sameeyay oo iyaggu ah kuwo caqlaawinimmaddooda ku eegaaya Xeerarka ay yeelanayaan dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed? Yaa innoga jawaabi kara ? iswaydiintaan haddaad Baarlamaanka Dastuurkaan ku dhaqmaaya ee dhowaan la dhisay iyo Guud ahaan dawladda Soomaaliya aad waydiiso maka helaynaa jawaab mise waa aragti Al shabaab ayaa leedahay Caalamkuna Horumar ayuu ku socdaa .
Akhriste Haddaad maqasho Caalamku waa horumaray , Waxaad waydiisaa qofkaas ku yiri Maxuu caalamku ku horumaray ? Haddu ku dhaho waxaa la sahlay Baahi bini aadameed horay u jirtay sidda fududaynta in Hoy la hello , Hu la hello , Fududaynta safridda , Fududaynta isla xiriirka Imw .. Taas macnaheedu ma ahan in la fududayn karo iska hor imaadka Caqiidiyiinta iyo caqlaawiyiinta !!!!
La soco Qaybta labbaad ee qoraaladayda ah "Dastuurka aynu ka doodno!"

W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
E-Mail: Dooxajog5@hotmail.com
Facebook: Halkaan Riix
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|