Somali News
    Hees  

Aragti: Faroole ninweyn oo isku xishoonayo ma’aha miyaa?

 

Faroole ninweyn oo isku xishoonayo ma’aha miyaa?

Warqad ku socoto Abdirahman mohamed faroole!

Faroole hadaa joojinweyso hanjabaadaha aa idaacadaha soo marineyso, oo nabada wax u dhimi karto, waxaa kuu danbeyn doontaa jidkii hogaamiyekooxeedyada. Waxyaalaha aad ku hadleyso darteed hadii wax loogu dhimo, muwaadin Soomaaliyeed waxaa muteysan doontaa in sharciga hortiisa in lagu horkeeno. Ama cunoqabateyn la saaro maamulka aad hogaamiyaha ka tahay, taas oo ciribtiri karto maamulkaada. Digniintaan waa tii ugu danbeysay, mardanbe looma dulqaadan doono, in la waxyeeleeyo shacabka soo barakacay ee ku sugan deegaanka aad maamusho, hadey taas dhacdo safar danbe iska hilmaam inaa ku tagto meel ka baxsan Soomaaliya.

Talo soo jeedin

Faroole waxaad tahay ninweyn oo da’a ah, ma’aha maanta in aad dadka aad hogaamiyaha u tahay u horseedo fowdada iyo qaska, ka waantoob waxaa faraha kula jirto, oo kasoo bax masuuliyadaada, dadbaa masuul ka tahay.

Ku socoto Shacabka Puntland.

Shacabka puntland waxaa tihiin dad nabad jecel, intii Soomaaliya burbursaneyd, waxaa dhisateen maamul, maamul hadii la rabo inuu sii jiro, waa in qaska iyo fowdada laga dheeraado, hadii kale wixii la dhisay waxay noqonayaan wax burburay.

Hogaamiyaha xun lama raaco taladiisa, hadaa raacdaan wuxuu idin ku ridayaa godweyn, oo wuxuu idiin soo jiidayaa burbur iyo kala danbeynla’aan. Ka waantooba inaa sharciga ku xadgudubtaan sida hogaamiyiina oo kale. Taas oo idiin keeni karto xaalad adag oo jahowareer idin ku rido.

Wadankeena labaatan iyo labo sano ayuu ku jiray fowdo iyo kala danbeyn la’aan, waxaana sabab u ahaa in aan la kala safano hogaamiyakooxeedyada Soomaaliyeed. Waadna la socotaan in laga taqalusay hogaamiyekooxeedyadii muqdisho isbaarada u dhigan jiray shacabka Soomaaliyeed.

Hada laga bilaawo waa in la ilaaliyo xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed, hadii la ilaalin waayo, taas waxay keeni kartaa inaa adinka gudihiina isku xadgudubtaan, oo nabadii aa dhisateen aad weysaan.

Salaansare

Abdiaziz Adan Hassan
midowgasoomaaliyeed@live.com

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)