|
Aragti:
Shariif Sheekh Axmed, ma wuxuu noqon doona ganacsade, mise wadaadnimadiisii buu dib ugu laaban doona, mise wuxuu qalqaalo u geli doona jago safiireed, mise xisbi siyaasi ah buu furan doona?
Shariif Sheekh Axmed,ma wuxuu noqon doona ganacsade, mise wadaadnimadiisii buu dib ugu laaban doona, mise wuxuu qalqaalo u geli doona jago safiireed, mise xisbi siyaasi ah buu furan doona?
Shaki kuma jiro in Shariifka uu niyad jab ka qaaday doorashadii madaxtinimada ahayd, kaddib markuu si fudud u waayay jagadaasi ee uu isa siiyay,kuna riyooday soo jeed iyo soo jiifba,in markale loo dooran doono jagada madaxtinimada Soomaaliya,haseyeeshe Shariifku waxaa lama filaan ah ku noqotay in ay khiyaamaynayaan asxaabtiisa,wuxuu qaatay falsafadda ah u qosol arrimahaagana hoosta ka wado,laakiinse wuxuusan xisaabta ku darin in kuwa kalena ay wateen isla falsafaddaas oo kale:u qosla arrimahiinana hoosta ka wata.
Jagada madaxtinimada Soomaaliya waxay noqotay mid lagu danaysto oo maal lagu yeesho oo sumcad lagu yeesho oo sharaf lagu helo,qabiilkana lagu naaxiyo, lagu kibriyo lagana dhigo dad gar iyo gardarroba taageersan qofkii naaxiyay,danna laga gelin dan dad iyo dalba,bal fiiri Shariif Sheekh Axmed waxa uu sameeyay, intuu naaxay buu qolodiisana naaxiyay,ma wuxuu markaasi yeelaya in uu si fudud uga dego jagadiisa,qolodiisana ma yeelayaan bay kula tahay in Shariifka uu meesha ka tago,bacdamaa afar sano ku dhowaad xaqdarroda lagu naaxiyay.
Waa arrin caqli gal ah in Shariifka uu ku biiro ganacsatada waaweyn ee Soomaaliya iyo kuwa adduunkaba,bacdamaa uu haysto lacag ku filan oo uu ganacsi weyn ku geli galo, saaxiibo maalqabeen ahna uu gudaha iyo dibeddaba ku samaystay,midda kale waa macquul in ganacsigiisana uu wato,jago safiireedna uu ka qalqaalsado madaxweynaha cusub,si uu maalkiisana u ilaalsado ganacsigiisana uu u wato,midda kale waa macquul in uu dib ugu laabto khudbooyinkii uu dadka u akhrin jiray waagii uu maxaakiimta ahaa,dadkana ku wacdi jiray:gaallo warkooda yaan la maqlin,Allaha ayaa inooga digay,gaallo yaan naxariis laga raadin, layskuna jilcin,Soomaaliya yaan loo oggolaanin in gaallo la keeno iyo wax la mid ah ama waxaaba dhici karta in uu ku dhawaaqo xisbi siyaasi ah si uu uga qaybgalo tartanka madaxtinimada Soomaaliya afarta sano kaddib,jagadaasoo noqotay mid lagu danaysto.
Si kastaba arrintu ha noqotee waxaa wanaagsan in Shariifka uu ilaaliyo maslaxadda shacabka Soomaaliyeed oo uusan isku dayin in uu carqaladeeyo ina adeerkiisa,saaxiibadiisana uu ka dhaadhiciyo in afar sano kaddib uu isku soo sharxayo jagada madaxtinimada Soomaaliya,laakiinse dad badan waxay leeyihiin: Shariifka waxaaba dan ugu jirtay in uusan markale ku soo laaban madaxtinimada dalka,maxaa yeelay wuxuu la soo bixi lahaa ama uu sii kordhi lahaa waxyaabihii uu ku jiray,sida:gaal jacayl,dhicid xoolaha qaranka,dil qorshaysaan, qabiil naaxin,boqor iska dhigid iyo wax la mid ah.
Maxamedeyn
mohamedein@hotmail.com
Den Haag/Holland
Waa inoo mowduuc kale iyo markale insha Allah
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|