|
Tix:
ILLEY GEED LA CUSKADAANA
Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya, waxaa baryahaan ka socday walina ka sii socda, wax dadka qaar ugu yeeraan halgan weyn oo siyaasadeed, qaar kalana ugu yeeraan halgan weyn oo fadeexadeed.
Malaha labada qolaba jid ayey leeyihiin. Qolada hore waxaa u muuqda in madaxdii dalka hogaamin lahayd la dooranayo, meesha qolada dambana ay u muuqato inay dhacayso fadeexad aan inta la ogyahay dal adduunka ku yaal ka dhicin. Taas oo ah in aayihii dalka iyo sharaftii madaxda isku meel lagau xaraashaayo.
Saddex qof oo aan dalka iyo dadku ka maarmin ayaa isku meel ku dhaawacmay, haddii aan dhaawacooda la daaweynna waa geeriyoonayaan ummaddana waa la aakhiro-tagayaan.
· Ma’suulkii dalka hogaamin lahaa!
· Isimkii toddoba fac ceebta iyo cunnada xun ka ajoon jiray (ka xishoon jirey)!
· Mudanihii dadkoo dhan laga door-biday!
Haddaad akhristow I weydiin lahayd waxa dhacay, waxaan isleeyahay haddii aadan iga badin, kaama badiyo. Waxaanna u filayaa inay nooga filan yihiin laba xigasho oo kala ah:- tix gabay ah oo uu tiriye, ninkii aan ku neynaasay ‘shaqsigii wax kasta ku fiicnaa’ waa Cusman Yusuf Kenadiid oo yidh:-
· Hunguri waa balaayoo,
· Ragbuu bohol ka tuuraaye,
· Kama badbaado ceebaha,
· Ninkii beesa raachiye,
· Bar-barka xurmadaa
· Igala-weyn aniga buurtaase.
Tixraaca kale wuxuu yahay, maah-maahdaan dhaqanka Soomaaliyeed caanka ku ah oo odhanaysa:-
· Nin sooru qaadday iyo nin seefu qaadday keebaa roon?
· Nin seefu qaadday ayaa roon, saa waa laga samraaye.
Waxaa iyaamaha soo socda la sugayaa inay guriga ummadda isugu yimaadaan:-
· Kudhawaad boqol musharixiin ah oo kiintaallo lacag ah barna qaybshey barna la qar-qaraya.
· 275 mudane oo wax dalku eedo iyana eedaan ku dhexsugan.
· 135 isim oo wajiyaashii aabbayaashood iyo awoowa-yaashood lahaayeen kuwa ka duwan wata.
Dabadeedna guddoomiyaan sidii ummadda Soomaaliyeed god-dheer loogu ridi lahaa. Waa haddayna is-daba-qaban.
Malaha, dadkaasu ma garowsana inay cadow Soomaaliyeed yihiin, mana dafirsana inay qalad xun hex-muquurayaan intooda badanu, laakiin, waxay cuskanayaan:- hal-ku-dhegga micnaha xun ee Soomaalida lagu ibtileeyey, kaasoo ah (maxaa ka micna ah) oo ujeeddadiisu thay:- qaladkaan wax weyn dhimi maayee aan isaga moodo.
Waxaan arkayaa oo aan sina iiga qarsoonayn, cuddadaarna aan ka bixinayaa, in sida hadalkaanu u qoran yahay ay tahay mid adag oo ay fiicnaan lahayd in la yaro dabciyo. Laakiin waxaan ugu dhiiraday in UMMADDU ka ahmiyad weyn tahay cid kasta, haddii manta oo malxalad cusub la galayo musuq-maasug lagu anqariyana (bilaabo) dib-dambe looma xakamayn kari-doonin. Tanu waxay geydaa qaylo dhaan afka ladii ah.
HADDA WAX MALA QABAN KARAA?
Haah, waxaa qaban kara 275 mudane ama intooda badan. Waxaa la qiyaasayaa inay musharixiinta ballan yar la galeen. Waxaa kaloo la hubaa inay Allaha-weyn iyo shacabka Soomaaliyeed ballan weyn oo waliba dhaar wata la galeen. Waxay mudanayaasha jagadaan nasiibka u yeeshay ku qasban yihiin inay labdii ballan mid jabiyaan.
Marka Rabbi, shacabka iyo kitaabka, iyo musharax xoogaa beesa ah oo dal-bis ah baxshay keebaa fudud. Taas cidna u fasiri mayo, waxaanse xiganayaa ninkii reer mudugga ahaa oo geela ugu heesay sidaan:
· Salaadiyo Suub, (hal magaceed),
· Salaaddaa daran,
· Suubbanse hor marin.
Markaan qormadaan qorayey, waxaan la tashaday wadaad sheikh ah, waxaan wedeyey, in hadday mudanayaashu musharixiinta laaluushey ku ballan furaan, dambi ka raacayo iyo in kale?
Wuxuu u jawaabey sidan:-
Ballanku wuxuu ansaxayaa markuu ujeeddo xalaal fulinayo. Hadduu xaaraan horseedayo, inaan la fulin ajar ayaa laga helayaa. Haddaba waxaan mudanayaasha kula taliyaa:-
1. Waxii aad bixiseen Allaha idinka kaalo.
2. Waxii aad cunteenna Allaha idiin calfo.
3. Waxaad laaluush ku ballan qaaddeenna ka dhiga kab daallin ka faniintay.
4. Waxaad samaynaysaanna ha noqdeen wax ummadda anfacaya.
KEEBAA FIICAN?
Wixii qof dadweynaha ka mid ahu ogyahay iyo wax ka badanba mudanayaahu waa ogaan karaan, isku sina wax looma wada arko ee qofba waxbaa la fiican. Waxa kaliya ee micnaha samaynayaa waa in qalbigaagu musuq-maasuq nadiif ka yahay. Ogow musuq-maasuq (corruption) waa ‘kudka’ dawlad nimada, fadlan ha ku anqarin (ha ku bilaabin). Haddaan sii ambaqaado keebaa fiican waxaan anigu odhan lahaa sidaan:-
1. Kan ugu laalush bixin badanu waa kan ugu liita.
2. Kan ugu laaluush bixinta yaru, waa kan ku xigga.
3. Kaan laaluush bixinna waa kan ugu fiican.
Mudanow ogow, madaxweyne aad laashuush ku soo dooratay:
1. Mushaar fiican ku siin mayo, saa lacagtiiba qarashaadkii baxay ayaa lagu gudayaaye.
2. Gunno fiican, ku siin mayo.
3. Nabaddaada sugi mayo
4. Sharaftaada dhawri mayo illey ways ogtihiine.
Sidaas darteed, mudanayaashu waa inay cuskadaan maah-maahda ah:-
Ilma Julaasow lo’diinna u tukada
GABAGABO.
Culumada Rugta Maskaxda oo dadweynaha ka wakiil ahu, waxay mudanayaasha u soo gudbinayaan howraartaan cajiibka leh.
v Ninbaa nin kale laaluushay oo ku qasbay inuu marqaati been ah u furo.
v Kii marqaati beenaalaha lagu furayey, waa fahmay.
v Wuxuu yidhi:- ninyahow, marqaati been ah haygu furin, inaan Rabbi 6 shay oo lababa daris tahay, kuwa socdana ku fariisan, kuwo fadhiyana ku socodsiin.
§ Inan maskaxdu ku socon, duufkuna ku fariisan.
§ Inaan dhiiggu ku socon, dhididkuna ku fariisan.
§ Inaan minadu ku socon, kaadiduna ku fariisan.
Markaad codka bixinaysid lixdaas waxyaabood xasuuso.
Waa billaahi towfiiq.
Guddoomiyaha Rugta Maskaxda.
Khalif Ashkir Dini email dinikhalif@yahoo.com tel 002547 08048302
Abdullahi Ahmed noor
nooraa101@gmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|