Somali News
    Hees  

Faallo: BOOBA YAA WADANI !!! (Faallo Musharixiinta)

 

BOOBA YAA WADANI !!! (Faallo Musharixiinta)
 
Waa arin ugub ah tartamada doorasho ee maalmahaan muqdisho la isla dhex qaadayo,40 sano ka hor ayey soomaaliya markii ay sidaanoo kale uga curteen loolano doorashooyin ah, waxaase muuqata waqtigaa iyo waqtigan in uu farqi weyn u dhexeeyo.
 
Waayoo waqtigii 60 –kii waxa ay dadka soomaaliyeed ahaayeen wadaniyiin ay ku beeran tahay dal jaceyl,maadaama markaa un la iska tuuray heeryadii gumeysiga,tan kale tartamayaashu waxa ay ahaayeen kuwa kooban oo xisbiyo ku saleysan, maantase tartanku waa wajiya badan aan xisbiyo mucaarad iyo muxaafida ku saleysneyn,waxaana ugu mashquul badan jagada Madaxweynanimada iyo tan Xil dhibaanimo, oo xeelad iyo dhaqaalaba loogu kala xusul duubayo.
 
Hada. xaalku sidii hore maaha dadkuna dadkii maaha, dalkuna sidii maaha,waxaa is badalay wax badan, waxaa is dhex socda xargo badan oo siyaasadeed oo is diidan, xamxamta iyo xodxodashaduna waa mid xowli ku socota,lamana saadaalin karo sida ay wax noqon doonaan.
 
Waxaa maalmahaan saxmadda magaalada iyo musharixiinta boorsooyinkooda ka faa’ideystay oo dhaqaale ka sameeyay Madbacadaha wax daabaca, Saxaafadda, fanaaniinta , group mootooyin isku leexsaday oo maalinba musharax sawirkiisa ku wareejiya magaaladda, gaadiid kiro ka helay iyo aqoonyahano badan oo yaqaana xeeladahaan oo kale sida looga faa’ideysto..
 
Qeyladii yeertaa qoleysan uga darine, waxaa sidoo kale dhaqaale xoogan sameeyay salaadiinta beelaha ee loo xil saaray soo xulista xubnaha baarlamaanka, oo iyana maalmahaan laaluushkoodu gaaray guri iyo gaari ,cidii aan heysana si fudud ugu suul jaawinaya.
 
Waa arin lala fajaco lacagaha boqolaalka kun ee doolar ah ee lagu raadinayo xildhibaanimada iyo madaxweynanimada soomaaliya waxa ka danbeeya, waxa ayse dadka ugu dhawi ku fasireen in madaxtinimada waxa lacagta loogu bixinayo ay tahay in hadhow lagu aruursado dhaqaale,sida aan horayba uga baranay madaxdeena.,xaalkuna yahay booba yaa wadani,.Dhanka kale, waxa ay musharixiintu maalmahaan si dhoolatus ah ugu kala hor marayaan wax u qabashada Qaxootiyada,Agoonta,Cuuryaamada, Bukaanada cisbitaalada iyo meelaha ay ku sugan yihiin bulshada jilicsan oo dhan, mana aha ainkani naxariis gaara oo ku jirta ragane waa mid ay ku doonayaa in kaga dhigtaan salaan ay ku fuulaan halka ugu danbeysa ee damacoodu yaalo.
 
Inkastoo ay hada tira beel yihiin Musharixiintu,hadana waa kala ujeedo, qaar baa raba in ay beelahooda kaga helaan xildhibaanimo maadaama damac ka weyn ay soo bandhigeen, kuwaa ku doonaya oo qura in ay taariikhda u gasho, kuwaa kalaa ku riixanaya xil wasiirnimo,kuwaa ku fikiraya in ay hadhoow codkooda ka iibsadaan kan ka tun roonaada, kuwana waxa ay ka tahay kal iyo laab ,waase ay sii kala ogyihiin musharixiintu kaalimaha ay ku kala jiraan waqtigan loolanka socda, sida shacabkaba ay ugu kala muuqato cidda ku soo baxeysa.
 
Tan kale, musharax kasta waxa uu maalintiisa soo bandhigay dhiniciisa wanaagsan, ma jiro mid sheegay ama qirtay qalad uu ka galay qaranka ama mid uu si shaqsi ah u geystay, taariikhduna waa marqaati,waxaa sidoo kale la isugu faanayaa dhaqaale, oo nin waliba waxa uu balaqay boorsadiisa, waxa uuna aaminsan yahay in uu dhaqaale ku heli karo kursiga,hadhowna uu dhaqaale ka heli doono kursiga maadaama xaalku yahay booba yaa wadani.
 
Dhanka dowladda kmg ah sadexdii odayba waa isi soo taageen oo nin waliba fagaaruu ka yiri anna waa ikan, lama oran karo waa ay wada socdaan, marka la fiiriyo waxa ka dhacaya maalmahaan madaxtooyada dhexdeeda, la iskuma waji furna waxaana durba bilowday daandaansi iyo in shirarka la isku colaadiyo,soomaalidu waxa ay tiraahdaa [labo maroodi meesheey ku dirirto, cows baa ku gacan gala] mar hadeey odayaashii hoos iska haraatinayaan waxaa maalmahaan jahwareer ku yimi golihii wasiirada oo fadhigoodii ugu danbeeyay ku kala tagay buuq lana kala saftay madaxweynaha iyo reysal wasaaraha, waa arin kaloo lagu biirin karo saxmadda socota.
 
Dhanka Musharixiinta madax banana waxa ay soo saarayaan cabasho is daba jog ah oo ka dhana madaxda tfg-da kuwaasoo laga cabsi qabo in ay ku tartamaan dhaqaalihii dowladda,iyo in besha caalamku indhaha ku heyso waxa socda, sida faragalin salaadiintuba sheegeen in lagu hayo soo xulista baaerlamaanka,, maadaama waxa wax dooran doonaa ay yihiin 275 ta mudane oo ay odayaashu keenaan si kastaba ha ku yimaadaane,waxaa muuqata in faraha lagula jiro,waana sababtaa midda uu ruux waliba oo musharax ahi ka qeylinayo, tan kale ruux kasta waxa uu hantidiisa raadinta kursiga baarlamaanka ugu quurayo waa inaan daah ka saarneyn in uu hadhow u gadmi doono codkiisu,oo heli doono mid ka badan ta ka gashay 5-ta sano ee soo socota, maadaama xaalku yahay booba yaa wadani.
 
Shacabku xaalkaan waxa uu ka yahay marqaati aamusan, oo uma banana boos ay ka soo galaan doorkoodiina maaha, waxaa lagu gorgortamayaa dushooda waxeyna u jeedaan lacago fara badan oo is dhaaf dhaafaya oo la doonayo in iyaga lagu xukumo biri, kama hadli karaan, waayoo horaa laagu cadeeyay in aaneey cod ku laheyn siyaasadaan xaalkuna hadda yahay gacantaa ku garoorsi.
 
Dadka arimaha ammaanka ka hadlaa waxa ay xaaladaan ka muujinayaa walaac, waayoo waxaa is dhex socda shacab kala taageersan musharixiinta, gaadiid sawiro kala midaba lagu xardhay dushana looga xiray cod baahiyayaal waaweyn, waxaa lagu kala tartamayaa gidaarada , taalooyinka iyo baalayaasha wadooyinka,waxa ayna ka cabsi qabaan in lagu soo dhex dhuunto oo laga faa’ideysto, qof waliba waxa uu kuu sheegayaa in uu musharax taageersan yahay, kuwaa sii calaamadeedyay in hebel mooyee aaneey cid kale kursiga qaban doonin, hadii cid kale la doortana uu xaalku xumaan doono, ciidamadii ayaa iyagana maalmahaan xargo lagu hayaa oo cabsi weyn laga qabaa in ay la kala saftaan musharixiinta, durbana waxaa arinkaa qeyla dhaan kadiso ah ka muujiyay dowladda kmg ah oo aan awal sii qorsheysan, balse ku baraarugtay markii ay arkeen ciidamadii hos gabran mid ka mid ah musharixiinta, oo ay horay usoo wada shaqeeyeen.
 
Sidoo kale Ciidamada Amissom, ayaa iyaguna maalmahaan wadnaha farta ku haya, waxa ayna isku dayayaan in ay xaalada xakameeyeen,durbana waxa ay bilaabeen qorshayaal ay booliska soomaalida kala wareegayaan saldhigyada,waqtiguna waa ciriiri oo waxa ay aheyd in ay Amissom howshaa ku fikirto waqti hore,sidoo kale waxaa socda kulamo ay musharixiinta kala hadlaan arimaha amaanka. Iyo qodobo kale oo quseeya doorashooyinka.
 
Balse, marka la isku soo uruuriyo xaaladaan waa arin u baahan in muhiimada koowaad la siiyo nabadgalyada dalka,musharixiintuna ay ka fogaadaan wax kasta oo abuuri kara khalalaase, tan labaad waa in howsha doorashada loo xilsaaro gudi madax banaan, oo ay wehliyaan kormeerayaal caalamiya, hadiise xaalku sidaan sii ahaado waxa ay u muuqataa in ay dhici doonaan rabshado aan garwadeen laheyn, wax isdaba marin iyo xukun maroorsi aan lagu kala dawoobin iyo in looga daro xaalku sida uu hadda yahay,lagana dhaxlo xaaladaan natiijo aan wanaagsaneyn iyo kala guur runa.
 
Ugu danbeyntii mar hadii madaxweynanimadii iyo xildhibaanimadiiba lagu kala iibsanayo lacago, laaluushkuna uu yahay midka ugu mudan maanta ee lagu kala hormarayo,cidda wax dooran toonta ee la sugayaana tahay Xildhibaano waqti iyo maal fara badan ka soo baxay,dowladihii ugu danbeeyayna hogaamiyayaashoodii fagaare laga sheegay waxa ay faleen, sow raga madaxtinimada doonaya xaalkooda lama oran karo BOOBA YAA WADANI. halkii ay markii hore ka ahayd Axyaa wadani .
C/qaadir Maxamed faarax [Dulyar]
Dulyar21@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya.

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)