Somali News
    Hees  

Faallo: Allow Na Mooti Mowjadaan Musharaxiinta Ah =Faallo=

 

Allow Na Mooti Mowjadaan Musharaxiinta Ah =Faallo=

Maalmahan magaalada Muqdisho waxaa  ku soo badanaayay  Anaa Musharax ah oo u taagan xilka madaxweyne oo mudan in la ii doorto  afarta sano ee soo socota, waxaana musharaxiinta ugu horeeya oo ugu cad cad madaxda hada uu xilkooda dhamaatay ee Dowlada gaar ahaan Sadaxda Masuul ee ugu sareeya oo iyaga sheegay inay wali rabaan inay dalka sii xukumaan oo markale ay dadka sii hogaamiyaan.

inta badan Soomaalida marka la fiiriyo waa dad madaxnimada jecel oo sinaba aan ugu hareyn iyadoo taas ay jirto ayaa hadana waxaa wax lala yaabo noqotay in maalin kasto uu mid ku dhawaaqo musharax baan ahay anaa mudan in leydoorto dalka iyo dadka anaa badbaadin kara hogaan daacad ah ayaan ahay iyo waxyaabo badan oo isku xayeysiinaayo.

waxaan socda ol ole aad u balaaran oo ay wadaan kuwa uu madax maray inay mar uun madaxweyne noqdaan ee musharaxiinta ah, Waxyaabaha layaabka leh waxaa ka mid ah in aad arkeyso Sawirada Musharaxiinta oo goobkasto iyo geedkasto ku dhagan haba ugu badnaadeen gawaarida noocyahooda kala duwan ee ka dhaxshaqeeya Muqdisho, ololaha musharaxiinta ayaa inta badan aad loo hadal haayaan iyadoo dadka ay aad  ugu wareereen tirada faraha badan ee musharaxiinta ee maalin kasto mid soo baxaayo.

Musharaxiinta faraha badan ee isku soo taagay xilka madaxnimada Soomaaliya ayaa dhamaantood waxay dadka u sheegeen inay keeni doonaan kala danbeyn iyo xasilooni, cadaalad iyo sinaan, daacadnimo iyo howl karti leh, musharax kasto waxaa uu hal ku dhig ka dhigtay hogaan daacad ah oo dalka iyo dadka dhibaatada ka saari kara ayaan ahay, waxaana halku dhigyadooda ay ku baahiyeen sawiradooda oo ay ku soo shaqleen waxqabadkooda meelkastana lagu xardhay, dadka ku dhaqan muqdisho ayaa maalinba midki musharax ah u sacaba tuma si maalintaas looga helo alyoomka ileen isagaa jeebkiisa furay oo u istaagay xilka madaxweynee.

Musharaxiinta isku soo taagay inay hogaanka dalka qabtaan ayaa shuruudaha laga doonaayo aad looga hadlay iyadoo aysan jirin shuruud adag oo lagu xiray in uu qofki raba inuu madaxweyne noqdo laga doonaayo, arintaas ayaa sabab u ah in ay isasoo sharaxaan ilaa 50 Musharax in ku dhaw oo doonaayo inay Madaxweyne noqdaan, fududeenta loo sameeyay xilka sidaas u weyn ee Madaxweyne ayaa door weyn ka qaadatay in maanta Muqdisho maalinkasto  musharax loo mashxarado.

Hadaba Su'aasha isweydiinta mudan ayaa ah maxa xiligan kusoo beegay in intaas oo musharax ay hal mar u jiheestaan dhanka kursiga madaxnimada iyadoo la ogyahay dalkaan in uu u baahan yahay in laga saaro dhibaatada mudada badan uu ku soo jiray ee dagaalada iyo abaaraha ay daashadeen, Yaa la doortaa oo dalka iyo dadka maanta meesha ay joogaan meel ka fiican gaarsiin kara oo mushkilada jirta ka saari kara, mid uunbaa meesha fadhiisan doona ee midki helaba muxuu noqon doonaa muxuuse qaban doonaa, ee Allow Na mooti mowjadaan musharaxiinta ah.


W/Q C/laahi Maxamed Macalin Naanow
Naankof@live.com


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)