Somali News
    Hees  

Maqaal: Abkay Dhurwaa cunow dad maan u daahaa!

 

Abkay Dhurwaa cunow dad maan u daahaa!

Waraabe dad cunay maqalnay! Dad waraabe cuna waa noo dhinayd! Asbuucyadaan wararka Soomaaliya waxaa ugu waa weyn waraabe waraabe cunay.

Xiligii nabada, Soomaalida reer miyiga ahayd habeenkii markay socdaan waxay cabsi weyn ka qabi jireen waraabaha oo ah bahal baqti cune ah oo aan waxba dhaafaynin – dad iyo duunyo toona. Lakiin baryahaan danbe sida ay warbaahinta afka-Soomaliga ku hadashaa baahinaysay bahalkii waraabe ahaa wax asna cuna ayaa u soo baxay oo naftiisii qatar geliyey.

Goballada Jubbooyinka ee koonfurta fog ee Soomaaliya waxaa caan ka noqday hillibka waraabaha oo weliba ka qaaliyoobay kan geela kadib markii jamhada xag jirka ah ee Al-shabaab dadka deegaankaas u xalaaleysay hillibkiisa. Dadka waxaa loo daliiliyey xaadisyo meesha ay ka so arooreen aan la garanaynin, loona sheegay in asxaabtii cuni jirtay hillibka waraabaha, cunistiisana ajar iyo khayrba ku jirto, sidoo kalena qofka cudurada dawada loo waayey qabaa uu ku bugsoonayo.

Sheekooyinka ku saabsan arintan ayaa asbuucyadaan ahaa wax yaabaha dadku ay sida weyn uga hadlayaan oo labadii qof oo isku imaataaba wax iska weydiinayso. Wararkii ku sabsanaa xulista xil-dhimaanada, geesidi socodka nabada, soo afjarida ku meel-gaarnimada iyo oloha musharaxiinta, dhaamaan wararkaas oo dhan waxaa qariyey wax iska waydiinta cunista waraabaha. Dadka qaar waxay ka doodayaan sida ay arintaan diinta ugu banaan tahay, halka ay qaar ku noqotay mucjiso lagu maadeysto.

Laakiin aniga su’aasha aan is weydiinayo oo aan marna madaxayga ka baxaynin waxay tahay ; maxaa kalifay in xiligaan la baneeyo cunista waraabaha oo weliba dadka loogu wacdiyo oo looguna dhiiri geliyo cunistiisa? Mar waxaan isri; baahida iyo macluusha ka tagaan Soomaliya ayaa keenay oo danyarta aan heysnin waxay quutaan baa loogu danaynayaa, gaar ahaan deeganada ay xarakadu maamulsho. Laakiin jawaabtaas ma noqon mid qancisa qalbigayga; waayo ugaar aan muran ka taagnay cunisteeda kana badan waraabaha ayaa ku nool Soomaaliya. Mida kale hadii baahi darteed dadka loogu xalaalaynayo cunista waraabaha, taas micnaheedu waxa uu noqonayaan in bahal oo dhan marka ay baahi jirto la cuni karo oo aysan jirin sabab gooni waraabaha ama dhurwaaga bartilmaameed looga dhigto.

Marna waxaan isiri; sheekadaan waa qayb kamid ah propaganda dagaalka ee kooxda lagu la dagaalamayo; balse waxay ii cadaatay in aysan propagando ahayn markaan aqriyey mid kamid ah bogaga internetyada ee taageera kooxda AL-shabaab oo lagu soo bandhigay dood qalqaloocan oo lagu difaacayo cunista dhurwaaga.

Hadaan rogrogay oo rogrogay waxaa iisoo hartay hal sabab oo aan isleeyahay way u dhowdahay sababta runta ah ee ay Al-shabaab dadka ugu dhiiri galinayso cunista dhorwaaga, waana tan.

Al-shabaab kooxda aduunka ugu dad cunka badan ayey noqotay marka la fiiriyo inta qof ee gacantooda lagu hubo ama lagu tuhmayo. Haday ahaan lahaayd saxafi, wadaad, ardey, halgamaa –nadabeed , siyaasi, ganacsade, socoto, marti, macallin, maamo, iyo muwaadin caadiya oo aan tirsi lahayn waxay ku maqan tahay gacantooda. Dhurwaa afkiisna socoto badan oo habeyn guuraynaysa ayaa ku maqan. Waa suurto-gal in Al-shabaab tartan ka dareentay dhurwaaga oo ay rabaan in wax laga cabsado Soomaaliya kaligood ku ahaadaan, saas derteedna u xalaaleeyeen hillibkiisa si dalka looga suuliyo oo ay tartankiisa meesha uga saraan! Maahmaah hore ayaa ahayd ”abkay dooli dilow dad maan u daahaa”, Waxay iigu muuqataa ujeedada fartiimeed ee ay Al-shabaab arintaan ka leedahay in ay tahay; ” abkay dhurwaa cunow dad maan u dahaa”.

Warsame Elmi
Reporter i Sveriges Radio
warsame.elmi@sverigesradio.s

Dhageyso sheekh Umal "waraabaha waa xalaal" iyo sheekh Cariif "waraabaha waa xaaraan"

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)