Somali News
    Hees  

Maqaal: CIIIIIIIIIIIIIIIIID WANAAGSAN-CIIIIIIIIIIIIIIIID MUBAARA

 

Mahad oo dhana Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo Nabadgelyo(Suubane Rasuulkeena MUXAMED CSW korkiisa) Ciid Mubaarak dhammaan ummadda muslimiinta gaar ahaan Shacab-weynaha Somaaliyed Gudaha iyo qurba joogaba:-
Alloow-Raxmaankoow, Casiiskoow, Qanigoow,Awooda badanoow naga aqbil Soonkii,Salaadii,Sakadadii,Ducadii iyo guud ahaanba Camal kheyrkii Bisha Ramadaanka,Raxmaankoow Noogu deeqa-deeq bixiyoow Dembi dhaafkii iyo Cadaab ka xoreeyntii-Aamiin,Aamiin,Aamiin-Ciid Mubaarak.

http://youtu.be/hGDUTTRDPgI

 
http://youtu.be/ij00wlJFSIo
 
http://youtu.be/n1oaK1ofhwo

http://youtu.be/SNSqJ-wB6rU

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada, Midnimada Iyo Cadaalada-mideeyaha wanaiyiinta iyo somaalida damiirka nool leh diintooda,dalkooda iyo dadkooda jaceyl inta gun iyo gumeysi diidka-waxaanu munaasabada ciida barakeeysan(Ciil El-fidrigga) hambalyo diiraan oo ducadeeda leh,anagoo Raxmaanka ka tuugeeyna inuu Ramadaankan midkiisa kale inugu gaarsiiyeey-Caafimad buuxa camal kheyr iyo xasilooni,nabadgelyo iyo hanaan dawladeed dhab ah dalkeeda difaacada dadkeedana daryeesha inshaa Allah(Alloow Xaaladan Gun-nimo iyo kala daadsanaanta waqti dheer qaadatay oo na duleeyeey Raxmaankoow naga saar,Aloow noogu bedel wanaag iyo horumar-Aamiin.

-Alloow Qaranimo buuxda,Midnimo Dhab ah,Hogaamin Cadaalad leh Barlamaanka danaha guud ka shaqeeya,Xukuumad xilkasnimo,karti iyo dacadnimo leh iyo Ummad Diintooda,Dalkooda iyo Karamadooda Difaacda(gunimada iyo gumeeysi hoos joogida, qabyaaladda, eexda, Musuq-maasaqa,cadaaladda daradda,colaada,dagaaladda sokeeye iyo guud ahaan waxyaabaha foosha xun oo dalkeena hooyo dib u dhigay Raxmaankoow naga suuli,naga suuli Alloow naga suuli-Aamiin.

-Ciid wanaagsan-
-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
Afhayeenka Guud:-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
-Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-sharifhassan50@hotmail.co.uk

-Aug-17-2012-UK.

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)