|
Maqaal: Madaxda dawlada oo lacago lunsaday
Sida ku qoran war bixin kasoo baxday guddiga baaritaanada Q,M kana
kooban 200 oo bogh ayaa waxaa lagu sheegay inmadaxda ugu sar sareysa
dawlada KMG ee Soomaaliya ay lunsadeen lacago badan oo caalamku
Soomaaliya ugu deeqay.
Warbixintaan Q,M kasoo baxday waxaa lagu sheegay in M/weynaha,
Gudoomiyaha baarlamaanka iyo R/wasaaraha ay ku maqan yihiin malaayiin
Dollar oo ay lunsadeen sida ku qoran warbixinta.
Gudigaan waxay warbixintooda ku sheegeen in 10 million oo Dollar oo
dawlada soo gashay sanadii 2009 illaaa iyo 2010 ay maqan tahay 7
million oo ka mid ah taasoo ka dhigan in 10 Dollar oo kasta oo dawladu
heshay la lunsaday 7 Dollar ama arka dhinaca kal;er loo dhigo ay
noqonayso in la lunsado 70% lacagaha dawladu hesho .
Warbixinta ay soo saareen gudigaan Q,M u qaabilsan baaritaanada ee
monirtiring group la yiraahdo waxaa lagu yiri.
“Sanadkii 2011 xafiisyada M/weynaha, R/wasaaraha iyo kan Shariif Xasan
waxaa ku maqan 12 million oo Dollar” waxaana warbixintu intaa ku
dartay in xog kale oo la helay ay muujinayso in sanadkii 2011 madaxda
dawladu lunsadeen lacag dhan 40 million dollar.
Q,M waxay leedahay heerka musuq maasuqa Soomaaliya ee ay sameeyeen
madaxda dawlada KMG ee Soomaaliyaa y tahay mid si weyn loogu xad
gudbay hantida dawlada oo ay si gaar ah ugu takri faleen madaxda
dawlada ugu sar sareysa.
Shariif Xasan Sh, Aadan oo xildhibaanada qaar sheegeen inay xilka ka
qaadeen waxaay warbixintu si gaar ah u sheegtay in xafiiskiisa ay ku
maqan tahay 130 illaa iyo 150 million oo Dollar taasoo lagu sheegay
inuu dano qaas ah ku fushaday.
Intii Shariif Xasan ahaa wasiirka maaliyada dawlada ayay warbixintu
xustay in lacag badan dawlada laga xaday waxayna sidoo kale war
bixintaan lagu xusay in dhaqaalihii dawladu dibadaha ka heshay aysan
waligood ku xaroon bangiga dhexe ama qasnadaha dawladu leedahay.
Marka laga eego xafiiska M/weynaha waxay wearbixintu xusat inay ku
maqantahay 1.5 million oo Dollar taasoo uu ku bixiyay sida warbixintu
xustay inuu siiyay ganacsato ay isku heyb yihiin si ay ganacsigooda
ugu hor mariyaan.
Baasabooro ka mid ah kuwa cusub ee E-Passport oo la siiyay xubno ka
tirsan Xarakadda Al-Shabab iyo burcad badeeda Soomaalida ayay
warbixintu xustay inuu M/weyne Shariif fududeeyay ama uu ku lug lahaa.
Nin ay warbixintu magaciisa ku sheegtay Max’ed Cabdi Xasan oo Afweyne
ku magac dheer madaxna u ah burcad badeeda Soomaalida ayaa la sheegay
in M/weynuhu u sameeyay Passport nooca diplomatic , ga la yiraahdo iyo
dukumiintiyo kale oo dambiyadiisa daboolaya
Gudigaan ayaa M/weynaha kasoo xigtay inuu u sheegay in laga yaabo in
dhaqaalaha dawladu hesho ay ku dhacaan gacmo gaar ah xilli uu
dalbanayay taageero dawladu hesho.
R/wasaarihii hore ee xukuumadda KMG Max’ed C//laahi Max’ed “Faraamjo” iyo M/weynaha M/mul goboledka Puntland ayay warbixintu xustay inay
lunsadeen lacago loogu deeqay.
warbixintaan waxay xusay in eedeyntaani ay keenayso in xubnaha la
eedeeyay la eedeeyay ay golaha amaanka ee Q,M cuna qabatayn deg deg ah
saaraan.
Bangiga adduunka ayaa bishii May ee sanadkaan war uu soo saaray waxaa
uu ku sheegay in Soomaaliya laga lunsaday lacag dhan 131 million oo
Dollar taasoo ku maqan jeebabka madaxda dawlada.
Eedeymaha noocaan oo kale ah dhawr jeer ayay soo laalabteen iyadoona
madaxda dawlada lagu eedeeyo inay musuq maasuqaan dhaqaalaha ay
helaan.
Shaqaalaha u shaqeeya dawlada iyo ciidamadaba inta badan waxay cabasho
ka muujiyaan mushaar la’aan heysata.
Madaxda dawlada ee hadda warbixintu xustay waxay si weyn u haminayaan
inay ku soo baxaan doorashooyinka dalka ka dhacaya bisha soo socota ee
August.
Burhaan Diini Faarax
burhandiini@gmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|