|
Aragti:
YAA KU guulaystay doorashadi.
Assalaamu Calaykum.
talaado 10.37' 21/8/2012.
Dayax isagoo dawaqsan ayuu baar Bile soo aaday si uu hal cafe stretto (adag) ugu dhufto. Aw cafegi dalbanaayaba waxaa u yeeray Xidig oo meel luuq ah fadhiyay. Marku u tegeyba wuxuu ku yiri:
''saaxibow anigu waxba lama socde bal iga warran say wax u dhaceen iyo ciddi guulaysatay''.
Dayax: ''Xidigow adaa nasiibsatay hadaadba tii xalay goob joog ahayn''.
Xidig: ''oo maxaa dhacay ma askarti ayaa idin garaacday''.
dayax: '' war naga tag ,waxaa noo roonayd in nala garaace, wadnihi ayaa afka na yimide, markaan arkay rag badan oo miyirki ka tegay''.
Xidig: ''war ii tartiibi oo gadaal iga soo bilow''.
Dayax: '' ma xasuusata ayaantaan buuqii ka dhacaayay shacabka, bulshada rayidka ah, qoraaldii aqoonyahannada & musharaxiinta madaxweyne qaarkood?''
Xidig: ''haye ii wad''
Dayax: ''waxyaabihi ay weydisanaayeen yaa bushada calamka ay wax ka ogolaatay''.
Xidig: ''oo maxaa micna lex oy ogolaatay''.
Dayax: ''waxaa soo baxay wax loo malaynay inaysan macno lahayn balse abuuray, argagax, kalsoni xumo & inay rag badan kari waayaan fadhi iyo taagnaasho midna''.
Xidig: '' heedhe Dayaxow soo gaabi oo nuxurka tag''.
Dayax: ''waxaa la ogolaaday in cod bixintu noqoto qarsoodi''.
Xidig: '' hayeee''.
Dayax: ''haddee nimanki qarajka badan bixiyay iyyagoo u jeeda ayay lacagtoodi ka gubatay, sababta oo ah waxay filaayeen inay gacan taag noqoto si ay ula socdaan lacagtoodi shaqaday qabatay''.
Xidig: ''ALLAAH ma taasan ka maqna! maxaan jeclaa inaan dad badan arko wejigooda''.
Xidig ''sug sug oo adeerow siday nimankii aan ogayn taa ku ogolaadeen mise kumaba xisaabtamin, yaase huba inay xildhibaannadu yihiin kuwo damiir leh oo ka damqaa Diin, dad & dal''.
Dayax: ''mijo dhooqo midba marbaa la siibaaye, bal horta aan aragno tanna waxay dhasho''.
xidig: ''sugbal oo dastuurka naloo keenay muxuu ka qabaa habkaan cod bixinta''.
Dayax: '' heeeeh la jiifiyaane bannaaan''. WBT-TOWFIIQ.
Duuliye Ahmed Shurie Iusuf.
iidi3@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|