Somali News
    Hees  

Aragti: Islaamiyiinta dalka Soomaaliya oo laga miirey baarlamaanka cusub halka cilmaaniyiintu ay heleen 90% xubnaha baarlamaanka cusub

 

Muqdisho, Soomaaliya

Baarlamaanka cusub ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa laga miirey dhamaan xubnihii islaamiyiinta ee soo galay baarlamaanka kadib heshiiskii isbahaysigii Asmara ee uu horkacayey Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu la galay dowladdii KMG ee lagu soo dhisay dalka Kenya 2004.

Baarlamaankan cusub ayaa waxaa ay xubnihiisu u badan yihiin 90% qurbo joog ku adag mabda'a cilmaaniyadda oo qaba in aad looga fogeeyo dadka fahamka islaamka qaba talada dalka Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda 202 xildhibaan ee la shaaciyey magacyadooda ayaa waxaan ku jirn haba yaraatee wax faham islaami ah leh marka laga reebo dhowr qofood oo faro ku tiris ah oo ku mid yahay Sheekh Cabdisataar Sheekh Cabdasalaam Sheekh Xasan Barsame oo kaoo jeeda qoys diinta islaamka aad loogu qadariyo taasna waxa ay ku tusineysaa in soomaaliya ay geli doonto marxalad aad uga adag dhamaan marxaladihii lasoo maray taasoo abuureysa dagaal xaga fikirka oo u dhexeeya kooxaha cilmaaniyiinta dalka Soomaaliya iyo kooxaha islaamiyiinta ee u ololeeya in diinta islaamka gundhig looga dhigo mabaadiida lagu xukumaayo dalka Soomaaliya.

Baarlamaankan cusub ayaa wuxuu dhabar jab weyn ku yahay dhamaan kooxaha islaamiyiinta ee u ololeeyo in diinta islaamka lagu xukumo dalka Soomaaliya maadaama ay u muuqato beesha caalamka oo soo dhistey baarlamaankan inay dooneyso inay dagaal xaga fikirka ay la gasho kooxaha islaamiyiinta dalka Soomaaliya oo aan iyagu laheyn abaabul fiican oo nidaamsan marka laga reebo ururka Alshabaab oo isagu qeyb ka ah ururweynaha Alqaacida sida uu sheegto ururkaas.

Haddaba la arki doono in tirada yar ee hartey ee ay kasoo galaan shaqsiyaad faham islaam leh iyagoo si walba ay noqoto ku noqon doono koox yar oo fara ku tiris ah xataa hadiii xubnaha dhiman oo dhan la siiyo islaamiyiinta.

Dadka odora dhinaca siyaasada dalka Soomaaliya ayaa welwel ka muujinaya la coleynta loo muujinaayo dadka leh fahamka islaamiga ee ah in siyaasada lag fogeeyo taasna waxa ay abuuri kartaa in taageerada ururka Alshabaab ay aad u xoogeysto ama inay abuurmaan kooxo kale oo hubeysan oo islaamiyiin ah oo ku dooda in ay doonayaan ku xukunka shareecada islaamka maadaama ay muuqato naceebka ay beesha caalamka ay muujineyso islaamiyiinta ha noqdaan kuwa hubeysan ama kuwa si nabad ahw ax ku raadinayee.

Dhinaca kale waxaa laga yaabaa in Soomaaliya uu ka biloowdo dhaqdhaqaaq nabadeed oo ay ku mideysan yihiin islaamiyiinta dalka Soomaaliya iyagoo ku raadinaayo hab nabadeed isla markaana ka faa'iideysanaaya dimoqraadiyadda la filayo inay ka hana qaado dalka Soomaaliya marka laga baxo xilliga ku meelgaarka sida uu qoraayo dastuurka federaaliga ee ay Soomaaliya qaadatay waqtigaan xaadirka ah.

Waxaa warkaan soo diyaariyey wariyaha madax banaan Cabdala Aadan xasan
Email: abdullahihassan@hotmail.com

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)