|
Aragti:
Siyaasadda Soomaaliya xagee bay saldhigi doontaa?!!

Waxay ahayd xilli la filayay inuu isbedel siyaasadeed oo mug ballaaran leh uu dalka Soomaaliya ka dhaco, sanadku waxa uu ahaa 1991-kii, waxaana horaantii sanadkaasi xukunka laga tuuray Madaxweynihii xilligaasi marxuum Maxamed Siyaad Barre, waxaana booskii marxuumkaasi bedelay hoggaan cusub oo jabhaddii USC ee iyadu ku guuleysatay ridistii rajiimkaasi ay doorteen, kaasi oo loo qorsheeyay inuu buuxiyo jagadii marnaatay tan iyo inta ay isaga imaanayeen jabhadihii wakhtigaasi wadanka ku sugnaa.
Inkastoo farxad iyo reynreyn lagu soo dhoweeyay tuuristii kaligii Maxamed Siyaad hadana waxaa gorodda lala galay dagaallo sokeeye oo u dhaxeeyay jabhadihii gobolada dalka ku kala sugnaa iyo qaar kale oo ka dhex dhacay qabaa'iladii ku mattaaneysnaa magaca jabhaddii ku sugneyd magaalada Muqdisho, waxaana colaadihii dagaaladaasi laga dhaxlay geerida kumananaan dad ah iyo barakaca boqolaal kun oo shacbi ah, iyadoo intaasina dheereyd burbur iyo baaba' xoog leh oo soo gaaray goob walba oo lagu hardamay iyo magacyo ceebeed oo Soomaaliya uga baxay dagaaladaasi sida "Kawaankii gowraca ee Afrika, Balligii dhiigga ee bariga Afrika, wax isuma falayaashii geeska Afrika iyo kuwo kale, waxaana docda kale socday magacyo kale oo ay dadka Soomaaliyeed isugu yeerayeen, kuwaasi oo qofkii loogu yeero ay dhici kareyday in loo dilo ama loo dhaco magacaasi sababtiisa haddii uu joogo dhanka aan dadkiisa ku badneyn, waxaana ka mid ahaa "Manifesto, Maanakoobiyo, Faqash, Xabadi keento" iyo kuwo kale oo la mid ah.
Intii ay socdeen mushkiladahaasi ayaa hadana waxaa mararka qaarkood barbar socday isku dayo ay beesha caalamka ku dooneysay inay ku joojiso dhibaatooyinkaasi, waxaana dhowr jeer dalka dibadiisa lagu qabtay shirar dib u heshiisiin ah oo looga gol lahaa in lagu heshiisiiyo dhinacyadii is hayay, si ay u soo dhistaan dowlad ay raalli ka wada yihiin, ha yeeshee dadaaladaasi waxay noqdeen HAL BACAAD LAGU LISAY kaddib kolkii uu dhinac walba ka dhex arki waayay heshiisyadii la soo gaaray danihiisa gaar ahaaneed.
Hoggaamiye kooxeedyadii dhashay 1991-kii waxay soo socdeen in muddo ah, waxayna soo mareen maraaxiil kala duwan, waxaana ay dhammaantood ka wada sinnaayeen ku tiirsanaanta qabaa'iladooda iyo dilidda cid walba oo ay u arkaan inay siyaasadooda ka soo horjeedo, iyagoo caan ku ahaa sameynta isbaheysiyo iska soo horjeeda oo ku wada saleysan dano qabaa'illo is xulafeysanaya, isla markaana caadeystay kahor imaanshaha Dowlad walba oo Soomaaliya bannaanka loogu dhidbo.
Iyadoo waayuhu ay sidaasi ku socdaan ayaa waxaa la soo gaaray horaantii qarnigaan aynu ku jirno, waxaana mar kaliya isbedelay dareenkii shacabka Soomaaliyeed ee ka soo daalay xal la'aantii hoggaamiye kooxeedyadii jiray, waxaana wakhtigaasi dhashay maxkamado Islaami ah, kuwaasi oo iyagoo shacbiga Soomaaliyeed gacan ka helaya dagaallo faraha looga gubtay dabadeed ka adkaaday nimankii Warlords-ka ahaa, kuwaasi oo qaarkood la gaarsiiyay inay dalka isaga cararaan.
Xilli kastaba iyadoo uu daba socdo midkii ka horeeyay ayaa maxkamadihii ka adkaaday hoggaamiye kooxeedyadii jiray iyana waxaa dabada uga dhacay ciidamadii Itoobiya ee taageerayay Dowladdii 2004-tii loogu soo dhisay Mbghati, waxaana dhacdooyinkaasi kaddib lagu guuleystay in 2009-kii magaalada Jabuuti la isugu keeno maamulka Dowladdii jirtay iyo madaxdii maxkamadaha ee fadhigoodu ahaa magaalada Casmara, kuwaasi oo ku heshiiyay dhisme baarlamaan ballaaran oo ka kooban 550-Xildhibaan iyo in laga wada shaqeeyo danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.
Waxay ahayd arrintaasi waa' cusub oo u baryay dadka Soomaaliyeed, waxaana is af garadkaasi lagu soo dhoweeyay gacmo furan iyo caleemo coyan, balse waxay arrintu noqotay LA MOOD NOQONSE WEYDAY, maxaa yeelay durbaba waxaa kala baxay madaxdii maxkamadaha ee dowladdii Jabuuti lagu soo doortay iyo hoggaankii mayalka adkaa ee Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka qarxay dagaallo kuwii ugu qaraaraa ee Soomaaliya ka dhaca, walow ay iminka dagaaladaasi u muuqdaan kuwo sii dhammaanaya kaddib kolkii kooxda Al-Shabaab lagaga adkaaday goobo badan oo ay gacanta ku hayeen, isla markaana ay shaqeyn waayeen hagardaamooyinkoodii ay magaca diinta kula gabbanayeen.
Haatan oo aynu joogno bishii Agosto 2012-ka waxaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyay xilligii KMG-nimada, waxaana socanaya xulista baarlamaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya, balse waxa xilligaan caqabadi ka taagan tahay guddigii loo xilsaaray soo xulista Baarlamaanka cusub, kuwaasi oo awood aanay lahayn ku reebaya Xildhibaano ay soo xusheen beeshooda isla markaana uu soo saxiixay oday dhaqameedkoodii, talaabadani ayaa waxay u eg tahay mid ay guddigani ku doonayaan inay ku hor istaagaan sidii looga bixi lahaa xiliga KMG-nimada.
Waxaa isweydiin mudan Xildhibaanadaan la soo xulay ee la sheegay in dib loo celiyay maxaa laga uriyay? jawaabtu waa MAYA, balse reebitaankoodu waxaa la sheegay in laga leeyahay dano gaar ahaaneed, nasiib wanaagse arrintani way socon weyday kaddib kolkii Madaxweynaha Dowladda KMG ah iyo wakiilka Xoghayaha guud ee arrimaha Soomaaliya ay si wadajir ah labaduba ay u cambaareeyeen, isla markaana ay u caddeeyeen inaan la soo celin karin Xildhibaanno ay beeshoodu soo xulatay.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada la soo celiyay ayaa ku doodaya mar haddii aysan jirin maxkamad dembi ku caddeyneysa inaan laga hor istaagi karin sidii ay u matali lahaayeen shacbigooda, iyadoo dad badani ay rumeysan yihiin in ragga la soo celiyay haddii lagu adkeysto celintooda inay keeni karto inaanay si fiican u saldhigan siyaasadda Soomaaliya ee xilligaan ku jirta wakhtiga kala guurka.
Shalay maanta ma aha, ruux walbana waxaa haboon in lagu tixgeliyo rabitaanka beesha soo xulatay mar haddii weli wax lagu qeybsanayo nidaamka qabiilka ee loo yaqaano 4.5, sidaasi daraadeed waxaa ila haboon haddii la doonayo inay Soomaaliya isla guurto in takoorka laga daayo Xildhibaanada la sheegay in beelahooda lagu soo celiyay, waxaana oran lahaa guddiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka cusub inuu Alle fahamsiiyo awoodda kooban oo ay leeyihiin inta ay la'eg tahay iskana daayaan siyaasadeynta iyo kala qoqobidda Xildhibaanada ay beelahoodu soo xusheen si ayan berri guddigaasi mas'uul uga noqonin haddii ay saldhigi weyso siyaasadda Soomaaliya.
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|