Somali News
    Hees  

Cabasho: Beesha Yusuf Fiqi Cali (Reer Maxamed Carab) oo warsaxaafadeed ka soo saaartay cabasho

 

Beesha Yusuf Fiqi Cali (Reer Maxamed Carab) oo warsaxaafadeed ka soo saaartay cabasho ku saabsan sidii loo maamulay waxqaybsigii xubnaha baarlamaanka ee Beesha Tanade Daarood:

Kadib kulan ay yeesheen (Teleconference) nabaddoonada, waxgaradka , aqoonyahanada beesha Yuusuf Fiqi Cali eek u nool dalka iyo qurbahaba Waxay soo saareen qodobada hoos ku xusan:

1.       Waxaan cambaareyneynaa sida cadaalada ka fog ee ay ismida beeshu u qaybiyeen xubnihii baarlamaanka ee Beesha Tanade Daarood.

2.       Waxaa cadeyneynaa in Reer Maxamed carab oo seddex goor oo xubno baarlamaan la qaybsaday aan wax laga siin, tanina ay tahay tii afraad.

3.       Waxaa xaqdarro ah in qofkii shalay qaatay inuu maantana qaato

4.       Si cadaaladu u shaqeyso miyaanay ka haboonen in maalinba reer la siiyo

5.       Waxaan markhaati madoonto ah in aqoonyahanada beeshu ay maalin walba u taagan yihiin wax u qabadka Beesha Tanade markii ay wax qaybsi noqotana ayna tolka ku jirin

6.       Waxaan cadeyneynaa in sida baarlamaanka loo qaybiyey iney tolka aad u kala fogeysey

7.       Waxaan kaloo cadeyneynaa iney tani keeni doonto in beelaha Tanade ay mid waliba isimkeeda sameysato mar haddii isimkii tolku caado ka dhigtay cadaalad darro joogto ah.

Waxaa go’aanadan soo saaray ragga magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

1         Nabadoon Axmednuur Sheekh Xasan

2         Col Abdikarim Sheekh Xasan

3         Dr. Cabdisalaam Sheekh xasan

4         Eng.  Omar Cabdinur Nuux

5         Eng. Mohamed Axmed Ciiro

6         Abshir Sh Xasan

7         Bashir Sheekh xasan

8         Maxamuud Sh xasan

9         Jaamac Cabdinur Nuux

10     Xasan CabdiKariim Sheekh Xasan

11     Axmed Cabdinur Muuse

12     Aadan Cabdi Cumar

13     Mahad Cabdikariim

14     Jaamac Cabdi Cumar

15     Cabdishakuur Yaasiin Sh Xasan

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)