Somali News
    Hees  

Falanqaynta Siyaasadda: Muddo kororsiga Madaxwayne Faroole & Saamaynta Caasumadnimmadda

Falanqaynqayn siyaasadaydeedkayga maanta ayaa ku eegayaa Muddo kororsiga Madaxwayne Faroole iyo samaaynta ay ku yeelan karto Caasumadnimmada Garowe ee Puntland , waxaan soo qaadan dhacdooyin jira iyo qaab isabadaleedka inta badan siyaasaddu hadba dhinac isugu rogto iyo qaabbabka loo doono dib  u hagaajinta oo ay meesha ka baxaan waxyaabo horay u jiray .

Muddo kororsiga Madaxwayne Faroole


Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Faroole ayaa qorshaystay siyaasad ah in uu uu muddo dheer sii hayo xilka madaxwayne-nimadda Puntland balse qorshihiisa waxaa ka soo muuqdo in uu yahay mid aan meel mar noqon karin marka lagu eego wakhtiga  iyadda oo lagu cadaynaayo in ay muuqato diidmo lagalla hor imaannaayo Madaxwyane Faroole muddo dherersigiisa oo ay samaynayaan Shacabka iyo Siyaasiyiintuba , sida Muuqata deegaanadda haatan Mamaulka Madaxwayne Faroole ka shaqeeyo ee Puntland-ti 1998 -di ka mid ah way soo yaraanayaan haddi qorshe Siyaasadeedka Madaxwayne Faroole halkiisa ku taagnaado ee ah sanadku waa dhamaystirka dimuqraaddiyaynta.

Madaxwayne Faroole waxa uu qorsheeyay sida aan sooyaalka ka dheehan karo ee ah in muddada  sadexda sanno ee u horaysa aan loo howl galin diyaarinta in doorashada Puntland lagu gallo nadaam axsaabeed , Madaxwayne Faroole ayaa dib u dhigida qorshahaas in la meel mariyo ay ahayd ayaa ka saadaaliyay in uu Mustaqbal dheer sii hayo xilka maadxwayne-nimmadda Puntland dib u dhigidaasu ay caawinayso ,Hab siyaasadeedkaasuna uu noqday sidaan aragnay in Madaxwyane Faroole sanadki wakhtigiisa u dambeeyay qaybtiisi dambe uu isu keenay Ergo ansixineed Dastuur Puntland yeelanayso , dastuurka la ansixiyay ayaa waxaa la socday lifaaq sheegaaya in xukuumadda Madaxwayne Faroole uu hogaamiyo ay tahay mid xilkeedu ku egyahay 08/01/2014 ayna ku darsatay muddo sanad ah si ay u dhamaystirto qorshaha dimuqraaddiyaynta Puntland .

Marka la soo qaato marxaladda Puntland ee xilliggaan oo ah mid nusqaammiddi ay ku timi oo ay ka hoos dhasheen Puntland-ti 1998-di Maamulo kale sida Khaatumo Iwm iyo wakhti dheeraysashadda madaxwayne Faroole ayaa la oran kara siyaasadda madaxwayne Faroole waxay u qorshaysan tahay mid burburka iyo xaalad cakirnaan siyaasadeed ku jiritaanka in ay u arkayso mid qorshaheedda meel marinaayo tusaale sanadka dheeraadka ah oo meel mara waxa ka dhalan kara maamulo hor leh oo soo shaac baxa kolkaas Madaxwyane Faroole howshiisa ayuu wadanayaa oo ah halka ay xukuumadaydu gaarto ayaa Puntland ah dhulalka kale waa dastuuri soo celintoodana waan ku guda jiraa annaga oo hab nabaddeed u marayna caasumaddi Puntland xukuumaddu way joogtaa oo waa xarunteedi waa qorshasha xukuumadda madaxwayne Faroole sidda ay u dhacayso haddu ku adkaysto muddo dheeraysashada .

Mucaaradka oo iyaggu ah kuwo intooda badan haatan banaanka jooga ayaa dhowaan la filayaa in ay abaabulaan in deegaanadda ay ka soo jeedaan  xukuumadda Puntland aysan ka howl galin , dhanka kale waxaa socda qorshe loogu magac daray Badbaadinta Puntland oo ragga ku howlani ay wadaan in dib loo soo celiyo Puntland-ti 1998-di balse in ay u meel marto iyo in kale lama xaqiijin karo , waxaana dhici karta in halkaas lagu soo dhiso xukuumad Puntland-ta wayn ah ama midda yar oo yeelata madax kale iyadda oo ay haddana jirto xukuumadda Madaxwayne Faroole kuna andocoonayso jiritaankeedu in uu yahay mid xeerka waafaqsan oo ergo ansixisay .

Haddi Madaxwayne Faroole tanaasullo waxaa dhici kara labba arimood oo ah in doorasho dhacdo iyadda oo aan dib isuggu soo celini dhicin ayna tartamaan siyaasiyiin qaybtood deegaanadda ay ka soo jeedaan ay ka jiraan Maamullo kale , iyo in ay dhacdo in la qabto shir dib isuggu soo celin , sidoo kale labbada qorshe tusaalayn ayaa dhici karra iyadda oo ay xukuumadda madaxwayne Faroole Garowe fadhido ,Haddi midda hore ay dhacdo ee ah in doorasho dhacdo iyadda oo aan dib isuggu soo celin laga shirin waxaa la filan karaa in ay halkeedi sii  ahaato oo aysan waxba badalin siyaasiyiinta yimaadaa , waxaa sidoo kale dhici karta in ay isbadalku noqdo deegaan deegaan ku badalo oo kuwo hadda ka tirsan Puntland ay ka baxaan kuwo hadda aan ka tirsanaynina ay soo noqdaan , balse waxaa haddana meesha ka marayn in siyaasigu yeelan karo saamayn ah isku xir iyo dib isuggu soo celin .

 Saamaynta Caasumad-nimmadda Garowe 


Siyaasadda oo ah wax aan shacabku ka fakarin balse siyaasiyiintu ay qorsheeyaan  ayaa lagu arkaa isbadalo aysan garashooyinka Shacabku meesha soo dhiganayn , Caasumadda Maamul Goboleedka Puntland ayaa ahayd muddadi ay Puntland jirtay Garowe , kolki Madaxwyane Cabdulaahi Yusuf AUN uu ku darsaday wakhtiga dheeraadka ah waa lagu kacay waana iskaga tagay Puntland xarun caasumaddeedkeedi iyo teedi dhaqaalahaba waxa markaas lagu qabtay Magaaladda Garowe doorasho ay tartameen Jaamac & Muuse oo uu ku guulaystay Madaxwyane-nimmo Jaamac Cali Jaamac .

Haddaba samaaynta muddo kororsiga madaxwyane Faroole ay ku yeelan karto Caasumad ahaanshaha Garowe ee ay caasumadda u tahay Maamul Goboleedka Puntland ayaan oran karaa marka koowaad xiligaan Mucaarad rabba in ay qabtaan Doorasho ma tagi karaan Caasumaddi Puntland oo Maamulka Wakhtiga dheeraystay ayaa jooga awoodna ku leh , Kolkaas xukuumad kale oo Puntland magaceeda sheegta  hadday timaado oo doorasho la qabtay ku soo baxda waxay caasumad ka dhigan halka  markaas la is leeyahay way ahaan kartaa Caasumad iyadda oo la oranaayo waa KMG .

Haddi la qabto shir la leeyahay waxa lagu badbaadinayaa Puntland ka hor inta aan la dhaafin wakhtiga doorashada oo uu shirkaas maadxwayne Faroole u hogaansamo kana tanaasulo siyaasadda uu qorshaystay ayaan oran karaa markaas caasumaddu ka hadal ma yeelaynayso waloow ay dhici karto in haddi Maamulka Khaatumo Isimadiisa iyo siyaasiyiintiisu qayb ka noqdaan shirkaas dib isugu soo celinta Puntland haddu dhaco ay ku gorgortamaan Caasumadda waa in Laasacaanood loo raro iyadda oo la leeyahay waa in marka hore la soo celiyaa oo Maamulka Somaliland laga soo qaadaa , arintaas caasumad ka dhigida Laasacaanood ayaa laga dheehan karaa in Gobolka Sool uu mustaqbalka Fog sii ahaado Puntland , balse waxaa dhanka kale jiri karta in la dhaho waa xuduud iyo waa magaallo maqan balse ma jirto magaalo kale oo Khaatumo haday dib ugu soo noqoto Puntland la is oran karo waala gayn karaa Caasumadda .Laasacaanood waxay ahaan kartaa Caasumad Puntland haday noqoto in ay yeelato miisaan siyaasadeed waxayna wax badan ka caawini kartaa in Puntland yeelato nadaam dadku doorashada yeeshaan.

Haddiise shirka looga hadlaayo arimaha Puntland uu dhaco ka dib xilligga doorasho qabashada 08/01/2013 oo la dhaafay ayna meesha timi isbadal dhanka deegaanadda ay hadda Puntland ka arimiso ah ayaa la oran karaa markaas Caasuamdnimadda Garowe ee Puntland waa mid ka hadalkeedu uu noqonaayo mid miiska yaal oo ay ka hadlaan kooxda markaas Puntland-nimmadda doonaysa  , oo xataa haddi aysan Reer Khaatumo ku soo noqon Puntlander-nimadda ayaan oran karaa inta ku hartay ayaa heshiikoodu noqonayaa in Caasumadda Puntland loo wareejiyo magaallo markaas la is leeyahay ma dhici karto in koox gaar ahi ay ku awood sheegato .

Madaxwayne Faroole oo aysan Siyaasadiisu u muuqan mid dhamaad dhib la,aaneed iyo sida uu u dhigtay u meel marta noqota ayay haddana noqonaysaa mid saamaysa Caasumadnimmadda Garowe , Sidoo kale waxaajira Sooyaal taariikheed ah dhacdooyin uu Faroole ka sameeyay Garowe ee ay ka mid tahay in uu Albaabadda ka xirtay Xildhibanadda Puntland xilligaas oo uusan ahayn Madaxwaynaha Puntland , dhacdadaasu waxay noqon kartaa mid ku sii xoojisa siyaasiyiinta ka fakaraaya arintaas Caasumaddu mid ay ku doodaan .

Burbur iyo habacsanaan siyaasadeed dhacda oo yeelata kala yaacid bulsho Maamul wada samaystay ayaa dib u yagleelitaanku noqdaa mid saameeya waxyaabo baddan oo horay u jiri jiray , Kolkaas waxaa dhici karta in Caasumadda Puntland ay ka wareegto Garowe .

Idlayn 
 In ay miiska timaado ka hadalka Caasumadda Puntland ee Garowe ayaa waxaa sababteeda  leh Madaxwayne Faroole oo isaggu la yimi ku xadgudka Xeerarki Puntland loo sameeyay iyo isagga oo hab fakar siyaasadeedkiisu noqday mid aan midnimadda hayn karin iyo in uusan wax qorshe ah uga dagsanayn Mustaqbalka Puntland iyo siday u sii jiri karto balse uu ka door biday siddaan kursiga ku sii joogaa kolkaasna uu qaaday dhabaha aan dhamaadka lahayn iyo siyaasadda aan meel marka noqon karin ee ay ka maran tahay siyaasadayntu iyo kala horaysiinta awoodaha iyo kasbashada Mucaaradku .

Waxaan ku soo idlayn isabadlka Puntland-ta hadda waxaa ka dhiman in aynu aragno dhacdooyin ka dhasha muddo dherersiga Madaxwyane Farooleee ah sanadka dheeraadka muddo 15 Maalmood ah oo ah 31/10/2012 oo uu ku egyahay wakhtiga Baarlamaanka Puntland ayna tahay in ay kala dareeraan oo ay ku noqdaan odayaashi soo doortay .

FG- Falanqaynta siyaasaddu ma ahan mabaadiida qofka waa ka hadlida iyo faallaynta sida aad u arki karto Mustaqbal siyaasadeed Maamul iyo Deegaan Iwm , Akhristuhu uma macnaysan karo doonitaanka qofka, waa in la soo qaado aragtiyo kala duwan oo iska soo horjeeda !!

 


W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
E-Mail: Dooxajog5@hotmail.com
Facebook: Halkaan Riix

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)