|
Faallo: Wasiir Ku xigeenka Dastuurka Soomaaliya Cabdikarim Haji Cabdi Buux oo si kulul u dhaliilay Yusuf Garaad
Wasiir Ku Xigeenka Dastuurka, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa warqad furan oo uu qoray oo lagu daabacay website-ka Wardheernews.com ayuu si kulan cabasho iyo dhaliil kulul u soo jeediyey Yusuf
araad.
http://www.wardheernews.com/Articles_11/August/Buh/17_Open_letter_to_bbc_world_service.html
Yusuf Garaad waxuu ka xiray shaqaalaha BBC inay oggaadaan cabashooyinka loo soo jeediyo BBC oo uu tusaa oo kaliya dad gaar isag u ah. Tanoo uu wasiirku ku sheegay inay hoo u dhigtay hab-curintii iyo wadashaqeyntii guud, waxeyna falkan oo kala ka dhacdaa oo kaliya BBC qeybta Soomaalida. Wasiirku waxuu ku sheegay BBC Soomaali mid daciif ah, oo lagu caajisay isla markaan ka fog xaqiiqada, waxuna ku sheegey in barnaamijyadeedu ay ka maqanyihiin nuxur wanaagsan, waxuuna ku sheegay mid tabisa warar ka fog xaqiiqada oo dano gaar ah uu ka leeyahay iyo isagoo sheegay in shaqaalahu aysan ku faraxsaneyn.
Waxuu Wasiirku ku sii daray in Yusuf Garaad inuu u isticmaalo danihiisa siyaasadeed idaacadda. Wasiirku waxuu yiri barnaamijka Jimcaha waa mid uu Yusuf si gaar ah u isticmaalo (monopoly) oo uu ku casuumo labada profesoor ee Samatar loo yaqaano. Yusuf Garaad iyo labadan professor waxey ka wada tirsanyihiin xisbiga ‘Hiil Qaran’.
Yusuf waa siyaasi damac qalafsan leh oo shaqaalihiisa ula dhaqma si ka baxsan bani’aadanimo iyo isagoo cidii ka soo horjeesata fikirkiisa uu si xun ula dhaqmo.
Yusuf Garaad waxuu shaqaale ka dhigay gabar uu saaxiib qaas ah la ahaa oo uu la degenaa hoygeeda bartamaha London in muddo ah. Ka horna ay jirtay gabar kale oo uu shaqaaleeyey ka dbina ay ka carartay markay u adkeysan weysay hab dhaqankiisa.
Amina Weheliye waxuu ku qasbay inay is-casisho ka dib 11sano oo ay ka shaqeyneysey.
Wasiirku waxuu yiri ma jirto erey aan ku macney karo habka maamul ee Yusuf ha yeeshee waxuu leeyahay dhaqan Afrikaan Dictator ah. Cabsigelin ayuu ku sameeya shaqaalaha oo ilaa iyo hadda lala yaaban-yahay sababta ay dowladda UK u soo faragashan la’dahay.
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|