Somali News
    Hees  

Maqaal: Haddii aad boqol $ sadaqaysato, ducodaadu waa la soo koobaya,haddii aad shan boqol $ sadaqaysatona si wanaagsan ayaa laguugu duceynaya,maad ka soo qaybgeli iidhedan cusub?

Haddii aad boqol $ sadaqaysato,ducodaadu waa la soo koobaya,haddii aad shan boqol $ sadaqaysatona si wanaagsan ayaa laguugu duceynaya,maad ka soo qaybgeli iidhedan cusub? 

Arrimahii dacwada waxay dadka qaarkii ay geliyeen ama ay ka dhigeen qaab ganacsi ah, haddii kii masjidka ka addimaayay uu lacag doonayo,kii dadka qur’aanka baraayayna uu lacag rabo,kii dadka u ducaynaayayna uu lacag rabo,kii dersiga iyo muxaadarada soo jeedinaayayna uu lacag doonayo,yaa Allah dartii u shaqeynaya.

Haddii uu qof kasta doonayo in loo duceeyo,goormuu isaguna ducaysanaya,kee baase laga aqbalaya ducoda,kan iskiisa u ducaystay ama kan dadka u duceeya,sida la ogsoon yahayna in Allah uu qof kasta ka aqbalayo ducodiisa,Allah wuxuu yiri:haddii ay ku warsadaan addoomadayda oo xaggayga ay kaa warsadaan,anigu waan dhowahay waana aqbalaa ducoda qofka i barya,laakiin Rabbi wuxuu aqbalidda ducoda hordhigay labo shardi oo waaweyn, qofkii aan la imaanina aan ducodiisa la aqbalayn,midda hore:waa in qofku uu fuliyo amarka Allah,midda labaadna waa in qofku uu Allah rumeeyo,sidaas baana ducoda lagu aqbalaya (suuradda Al-Baqara,aayad lambar 186).

Sidee buu markaasi Allah u aqbalaya ducoda qof ribo cun ah ama khamri cab ah ama separate ah ama qubuur caabud ah ama qof fuxshigiisaba bannaanka soo dhigayo waliba ku faanayo,sidaas daraadeed haddii uu qofku fuxshi iyo munkar ku dhex jiro,ribo cunna uu yahay,maxay u tari haddii uu ducaysto ama loo duceeyaba,maxay u tari haddii uu boqolaal kun dollar ah uu masjid ku tabaruco ama boqolaal garaam oo dahab ah ay masjid ku tabarucdo,qofka noocaas ah oo xaalkiisa sidaas yahay wax ajar ah oo uu ka helayo haba yaraatee ma jiro,waxaana marka hore loo baahan yahay in uu qofkaasi ka baxo xaaraanta uu ku dhex jiro kaddibna uu ka  towbad keeno arrinkaasi,dabadeedna uu Allah baryo.

Qofka wax sadaqaysanayo waa qof raadsanayo ajar,labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:in toddobo ay hoos imaanayaan maalinta qiyaamaha harka Rabbi,waxaana toddobadaasi ka mid ah qof sadaqo baxsaday qariyayna oo uu xataa ka qariyay gacantiisa bidix wixii ay bixisay gacantiisa midig,waxaana la ogsoon yahay in sadaqada aysan naaqusinayn lacagta,balse ay sabab u noqonayso tayada iyo tirada lacagta iyo waliba lacagta oo barakowda,sadaqada waxay ballaarisa risqiga,waxay kaloo leedahay cimri dheer, haddana iyadoo ay sidaas tahay waxaa lagama maarmaan ah in qofka sadaqo la baxayo waa in uu ahaado waxa uu la baxayo wax xalaal ah ama si xalaal ah ay ku soo gashay,haddii ay dhicina sadaqadiisu aqbal noqon mayso.

Sadaqadu macne intaa ka ballaaran bay leedahay,waxayna soo galaysa camal kasta oo khayr ah,waxaana ka mid ah:qof  lunsan oo aad hagayso,waxyaabaha dadka dhibayo oo waddada yaalo oo aad ka leexinayso ama aad ka qaadayso,labo qofood oo is-haysta oo aad si caddaalad ah ugu garnaqdo,ilko caddayn oo aad walaalkaaga muslimka ah u ilko caddayso, geed oo aad tallaalaysid,cilmi waxtar leh oo aad dadka barayso,gaar ahaan cilmiga sharciga, labo qofood oo dagaalsan oo aad heshiisinaysid iyo kelmad wanaagsan oo aad ku tiraahdid walaalkaaga muslimka ah ama qof kaleba,intaa aan soo sheegnay iyo in ka badanba waxay soo galaysaa sadaqada,waxaa kaloo muhiim ah in qofka sadaqo la baxayo ay ka tahay daacad, Allah dartiina uu u bixinayo ama uu u samaynayo ee ma’ahan ha lagu arko ama ha lagu maqlo ama ha lagu sheeg sheego ama sheekh hebel in weji loogu raadsado sida ay dad badanba sameeyaan.  

Xadiis uu soo saaray Muslim soona weriyay abii Hureyra Allaha ka raalli noqdee,wuxuu sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:dadow,Allah waa wanaagsan yahay,aqbali maayo wax wanaagsan ah mooyaane,Rabbina wuxuu mu’miniinta ku amray waxa uu rusushuna ku amray,wuxuuna Allah yiri: rusullow,ka cuna waxyaabaha xalaasha ah, camal wanaagsana sameeya,anigu waan ogahay waxa aad samaynaysaan (Al-mu’minuun, aayad lambar 51).

Meelaha qaarkood waxay sadaqadii isu beddashay qaab ganacsi oo kale ah,sadaqayso,duco ku beddalo,waxay markaasi sadaqadii isu beddashay kala iibsasho, sida i sii adiguna qaado, waxayna arrintu noqonaysa in si dadban loo samaynayo iidheh,qofkii lacag yar bixiyana ducodiisa waa la yaraynaya ama la soo koobaya, qofkii lacag badan bixiyana ducodiisa waa la weynayn waana la ballaarinaya,isku xirka sadaqo bixinta iyo dalbashada ducodu waa labo shay is diiddan weeyaan, waa arrimo kala fog weeyaan,waxaadba mooddaa in dadka qaarkii sababta ay sadaqada u bixinayaan ay tahay in loo duceeyo iyagoo aysan ka warqabin in aqbalidda ducoda sida aan soo sheegnayba ay ku xiran tahay shuruudo lagu aqbalayo.

Waxaa nasiib xumo ah in haddii ay koox doonayso in ay masjid dhisto kaddibna ay ku faafiso internetka ama ay masjidka dhexdiisa ka sheegto,cid dheg u dhigayso ama maqlayso ma jiro,sidaas daraadeed waxay dantu qasabtay in kooxdaasi ay heshiis la gasho Tvyada iidhehada tebiya si lacagta loogu soo ururiyo,lana kala qaybsado,dadka qaarkiina oo ah kuwii lacagta bixinaayay,waxay doonayaan oo ay dalbanayaan wadaadka ducoda qurux u yeelaya oo maantoo dhan oranayo: heblaayo wanaagsanaa oo khayraysnaa oo barakaysanaa oo deeqsiisanaa ook u dayasho wanaagsanaa,waliba haddii ay heli karto wey iska rabtay maantoo dhan in iyada uum loo duceeyo oo lagu mashquulsanaado.

Maxamedeyn

Den Haag/Holland

Waa inoo mowduuc kale iyo markale inshaa Allah

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)