Somali News
    Hees  

Maqaal: Hay’adda Somali Advice & Information Services (SOMINFOS) oo dhammaan ummadda Soomaaliyeed u direysaa hanbalyo ku aadan xuska sanadguurada 52aad ee kasoo wareegatay xilligii ay Soomaali xuroowday.

Hay’adda Somali Advice & Information Services (SOMINFOS) oo dhammaan ummadda Soomaaliyeed u direysaa hanbalyo ku aadan xuska sanadguurada 52aad ee kasoo wareegatay xilligii ay Soomaali xuroowday.

Dhamman maamulka iyo shaqaalaha hay’adda Somali Advice & Information Services (SOMINFOS) waxa ay hawada u marinayaan ummadda Soomaaliyeed meel walboo ay joogaanba hanbalyo iyo tahniyad ku aadan maalmaha qaaliga ee xuriyadda ee 26ka Juun iyo 1da Luuliyo. Maalmahan oo ah runtii maalmo qaali ah oo taariikh ah oo halgan adag loosoo galay sidi gobanimo buuxda looga heli lahaa gumeystayaashii ingiriiska iyo talyaaniga. Maalmahan waa maalmo aan la iloobi karin laakiinse aan xaqoodi la marin duruufaha jira dartood.

Hay’adda oo fursadan ka faa’ideysanaysa waxa ay halkan hanbalyo iyo tahniyadba ugu direysaa dhammaan ummadda soomaaliyeed meel walboo ay joogaanba gaar ahaan halyeeyadii kasoo qeyb qaatay halgankii gobonimo doonka siiba kii SYL, kii waqooyi iyo meel walboo ay joogaan dadkaas taariikhda baalka dahabka ah ka galay. Sidoo kale waxay hay’addu mid taas la mid ah u direysaa mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee dalkeena gaar ahaan Dowladda federaalka Kumeel gaarka ah, Maamulka Dowladda Puntland iyo maamulka Somalilandiba.

Waxaan kaloo fursadan uga faa’ideysanayaa in Soomaali meel walboo ay joogaanba ay ka faa’ideystaan fursadan na sugeysa ee ah doorashooyinka soo socda oo aynu doorano mas’uuliyiin u qalma in ay Soomaali hogaamiyaan oo aan waddanka wax danbi ah ka galin, islamarkaana ku sifoobay Alla ka cabsi, daacadnimo, aqoon iyo karti. Soomaaliyeey si dadkaas loo helo waa in lasoo xulaa gole baarlamaan oo tayo leh oo ay ku jirto shaqsiyad iyo damiir wadaniyadeed oo aanan la laaluushi karin. Ogaada maanta ayaad fursad heystaan iska daaya qof jecleysi, iska daaya kan baa I xiga iyo reer hebel.

Allaah ayaan waxaan ka baryeeynaa in uu nagu hagaajiyo tubta toosan oo xaqa na waafajiyo. Allahyoow waxaan kaa baryeeynaa Soomaali oo midda oo danaheeda iyo horumarkeeda ka shaqeysa. Waxaan kaloo leeyahay hanbalyo maamulada Puntland iyo Somaliland sida ay u sameysteen maamulada wanaagsan iyo kala danbeynta. Hanbalyo ayaan leeyahay oo Allaha idiin saa’idiyo maamulka iyo kala danbeynta ka jirta dhulkiina. Si gaar ah waxaan ugu hanbalyeeynaya maamulka Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole iyo golihiisa wasiirada sida ay kor ugu qaadeen Puntland teer iyo intay maamulka qabteen.

Puntland waxaan si gaar ah ugu hanbalyeeynaya sida wanaagsan ay uga soo dhalaashay siyaasadda dibadda, maareynta dhaqaalaha puntland iyo waliba arimaha bulshada gaar ahaan caafimaadka iyo waxbarashada. Sidoo kale sidi loo maareeyay amniga bilihii ugu danbeeyay. Waxaa kaloo guul aheyd Puntland sidi loo ansixiyey dastuurki iyo waliba habka xisbiyada ee loo gudbi doono dhawaan inshaa’allaah. Maashaa’allaah waa arimo lagu farxo waddadaas la qaaday waana arimo u baahan in la dhiiro galiyo lana bogaadiyo.

Soomaali ha israacdo oo Allaha ka dhigo kuwo danahooda u istaaga oo dib u dhista dalkooda Aaamiiiin.
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Chairman of SOMINFOS- Leicester UK

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)