|
Aragti: Labadan Nin Sheekh Shariif iyo Maxamud Axmed ( Tarzan ) in xiligan lagula tartamo xilkaay hayaan may ahyn-4 ta sano ee soo socda in ay talada sii wadan waliba loogu hanbalyeeyo aya haboon

Umada Somali sideedaba waa Umad inkaar ku dhacdey,sababta inkaartu ugu dhacdeyna waxa weeyaan iyaga oo cagahooda ku doonta,iskana qaban dhibaatada runtana isku sheegin,iyada oo markaas la adeegsanayo xeerka Somalida ee Qabyaalada juhligaa kuna dhisan Nin jecleysi iyo Beeshada ha ka hor iman fikirkooda sax iyo khaladba,waana arinka keenay in Somali ilaa maalintii xornimada ay qaateen 1960 ilaa hada lagu jro 2012 khasaare u soo kordha mooyane faa'iidaba aan gaarin.
Qalinkayga waxan u qaatay uguna hiilinaya siyaasada ka socota Koonfur Somalia,dhawana loo tartami doono jagada ugu sareysa ee Madaxweynimo Somali,hadaba aniga oo in mudaa la socdey siyaasada guud ee Somalia ama geyiga Somali guud ahaan ayan jecleystey muwaadin ahaan sida aan saxa u arko in aan Umada Somali u soo gudbiyo.
Aan ku horeeyo Madaxweyne Sheekh Shariif anigoo si kooban u soo qaadanaya sida uu xilka ku yimi,Sheekh Shariif waa Madaxweynihii bedalay Marxuun Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf, sida uu Madaxweynimada ku noqdey hawl fudud maha, dab iyo naar ayuu Kursiga kala soo baxay iyo waliba xiligii ay ugu adkeyd, waxuu soo kacaa kufoba waxa uu noqdey Madaxweynihii ugu da'daalka iyo nasiibka badnaa tan iyo intii ay dhacdey Dawladii Kacaanku 1991,Madaxweyne Sheekh Shariif waxuu saaxiibnimo iyo gacan weyn ka helay wadamada dariska ah ee Africanka qaas ahaan wadanka Uganda,waxa suuragashay in Magalada Muqdisho oo ah halbowlihii ama Madaxii Umada Somali ay rajo ku soo noqoto,sidoo kale Jawhar iyo Afgooye oo ah iyaguna laba deegaan oo Hodana,Magalada Muqdishana ku nooshahay Qayraadka labadan deegaan,waxa kale oo Ciidamadu dhawaan gacanta ku dhigeen Magalada Xeebta Marka,waa Magalo aad muhiim u ah,hanaan socodka Geediga Umada Somali sidaas ayuu hada ku socdaa waana war kheyr qaba,sharafteedana xiligan waxa kasbadan oo Madaxweyne Umada u ah Sheekh Shariif.
Mayor ka Muqdisho.
Maxamud Axmed Tarzan,waa Nin dhalinyaro ah in badana qurbaha ku noola,qaas ahaan wadanka cariga Ingiriiska,Tarzan markuu dhibaatada ka jirta Magalada Muqdisho u dul qaadan waayey ayuu u go'aansaday inta kartidiisa in uu wax u qabtu Dadkiisa iyo Dalkiisaba,Muqdisho oo koone kastaba dab ka holcayo,xabadaha darbiyada la isku raacinayo hadh iyo habeen,gawricida iyo isku qarxisku maalinkastaba ka socdeen ayuu si Geesinimo leh ku qabtey xilka Duqa Magalada Muqdisho-Muqdisho Mayor.
Tarzan waxuu suuragaliyey in uu si dhakhso ah gacanta ugu dhigo nidaamka Magalada Muqdisho,indhihii Caalamka oo dhan ayuu u soo jeediyey in wali rajo ka jirto nolosha Muqdisho,markaliya aya Aduunkii oo dhan u soo jeesteen Magalada Muqdisho waxa la is weydiiyey waa kuma Ninkan Tarzan? Gobalkan aan ka deganahay Canada qaas ahaan Magalada Vancouver in mudaa saxafadaha ugu warka dheer waa looga hadlayey waa kuma Tarzan? iska daaba wadamada kale sida wadanka uu sharciga ka haysto U.K, sidoo kale saxafada wadanka America aad ayey uga hadleen Mayor ka Muqdisho,iyagoo dhamaan is weydiinaya siduu Muqdisho nabada ugu soo celiyey iyo mucjisada ka danbeysa da'daalkiisu waa maxay?.
Aan hadaba u soo noqdo Somali Maryooley aqli xun wax ma garato,Aduunkoo dhan Qaxooti ka ah,wali doonaya in ay ku sii jiraan dhib iyo dagaal sokeeye,iyaga oo aan marnaba isticmaaleynin Aqligooda suuban,labadan Nin ee dhalinyada ah Aduunkii oo dhami isku raacay in ay hayaan hawl muhiima ayey Somali ku mashquul yihiin sidii labadan Nin Xididada loogu saari laha Guduna loogu jari laha,arinkaasna waxa ay u wadaan waa Nin Jecleysi iyo Qabyaalad,is weydiinmaayan nabadan maanta ka jirta Muqdisho ciyaar ciyaar kumay iman Dhiig badan aya u daatey,Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Mayor Tarzan wey da'daaleen hawl khatarana wey ka soo gudbeen,maanta ha loogu Abaal mariyo in ay halkaas ka sii wadan hawsha weyn ee ay bilaabeen,Umada Somalina hiil iyo hooba ha la garab istaagan.
Nimanka Maanta u tartamaya Madaxweynaha Somaliya kuligood waa Dhalinyaro Qurbaha ka tegay,waxa wacan in la is weydiiyo xageey joogeen 7 sanadood ka hor? hoos ma ka soo bilaabeen sidaas Tarzan? dabku markuu Muqdisho ka holcayey kumey dhiiran,maanta oo Muqdisho nabad la ciirciireyso Allah ha u siyaadiyee in ay yiraahdan ( Ana wey ikan Madaxweyne Somali ha la ii doorto ) aqliga fiyoow marnaba ma qaadan karo,la iskuma hayo in ay yihiin Rag aqoon iyo xirfad leh hase ahate,waa in ay hoosta ka soo bilaabaan ilaa heer Wasiir nimo,bilaa sharuud si wadanimo ah ugu shaqeeyaan Dadkooda iyo Dalkoodaba,waa taas tan Umadu ku Qiimeyn kareysaa beritoole Ninkaasi waa wadani intaas oo hawlood ayuu soo qabtey,laakiin Beesheyda aya i wadata Muqdisho iyo Somaliya ayan si sahlan Madaxweyne ku noqonaya mid suuragala maha,yaanu wakhtigu idinka khasaarin.
Gunaanad waa Maxay sababta aan u taageeray labadan Nin? Sheekh Shariif iyo Maxamed Axmed Tarzan?
Sababta aan u taageersanahay labadan nin Sheekh Shariif iyo Maxamed Axmed Tarzan waxa weeyan markaan eegay hawsha weyn ee u bahan in la sii wado,Raga la tartamaya jagada Madaxweyne mid mid markaan u eegay Nin ka soo bixi kara xiligan hawsha ay hayaan Sheekh Shariif iyo Maxamed Ahmed Tarzan kuma jiraan haduu ku jirana bal farta ha la iigu fiiqo oo ha la yiraa Ninkaas aya xilka halkaas ka sii wadi kara Madaxweyne Somaliyana ku haboon? midkoodna kuma jiro saaxiibayal aynu runta isku sheegno,Muqdisho xiligan waxay u bahantahay Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Mayor Maxamed Axmed Tarzan labadooduna u dhashay deegaanka Muqdisho,halkaasna waa fursad aad u weyn,deegaanka ayan u dhashay waa fursad aad u weyn Shinbiraha aya xitaa la jira,Ciida Magalada Muqdisho aya u hiilinaya,Dadka iyo Duunyadana hadalkeedaba daa,laakiin Madaxweyne aan u dhalan Muqdisho Vila Somaliyana cabsi ku seexda xiligan Somali Uma baahna,Beesha u dhalatay deegaanka Muqdisho dhibaato aad u weyna ka soo gaadhay sidoodaas xiligan ha ku wadaan Umada Somalina ama Beelaha Somalina tanasul ha keenan i jiid aan ku jiide soo aragnay,4 sanadood ka dib ama 10 sano ka dib marka nabadu soo wada noqoto,waxa la sameyn karaya Xisbiyo aynu ku tartano heer Gobal ilaa heer Madaxweyne.
Xiligan maanta Somali ku jirto uma baahna Maamul iyo Madaxweyne cusub oo ka hirgala Muqdisho,tankale yaan la ilaawin wey adkaanyeysa hadii Madaxweyne cusub yimaado sida loo helidoono Madaxweyne iyo Mayor ka Muqdisho oo xiriir iyo kala danbeyn weyni ka dhaxeyso sida maanta ay kala danbeynta iyo wada shaqeyntu ugu dhaxaysa Sheekh Shariif iyo Maxamed Axmed Tarzan,waxan leeyahay Somaliweyneey dhibaato soo aragney,inaga daaya xiligan Dawlad Cusub iyo Madaxweyne cusub, Nidaamkan xidideystey waa Geed Canbe ah in mudaa soo baxayey aynu ka guun gaadhno Geedkan Canbaha si Umadu Midhaha u gurato,laakiin Geedkan hada jira nabadana keenay aynu Gudin ku jarno Geed Cusub Madaxweyne Cusub aynu hada taagno waa wakhti lumis dhibaato mooyane faa'iido ka heli mayno.
Ugu danbeyntii dhamaan Xildhibeenada codkooda ku dooranaya Madaxweynahaya Somaliya Bisha September 10-2012 waxan ka codsanaya in ay dib u doortaan 4 ta sano ee soo socda Madaxweyne Sheekh Shariif hadii Allah yiraa,sidaas ayey dhamaan Umada Somaliweyn ee dhibaateysan dantu ugu jirtaa,Umada Somali diyaar uma aha Geed Canbe hada la beerayo, Geedkan dhibaatada badan ka soo gudbey ee Sheekh Shariif aynu si wacan uga shaqeyno dhibkana ka deyno Umaduna ha ku nasato Midhahana ha ka gurtaan,kheyr ayaan u rajeynaya dhamaan Umada Somali meelkastoo Aduunka ay ka joogan,Guul iyo Barwaaqo dhamanteen, ilaa bisha September 10-2012. Allah ha ina gaarsiiyo.
Umada Somali xiligan diyaar uma aha Madaxweyne cusub waxa uu ka dhiganyahay Geed Canbe ah oo hada la beerayo hawl badan aya u taala iyo wakhti aad u dheer, sidan hada ay ku socoto aya wacan,4 sano kadibna Umadu iyagaba u xor noqon cida ay talada u dhiibanayan hadii Allah yiraa.
Khan Maxamed Farax.
Vancouver Canada.
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|