|
Maqaal: Shakaalkiyo xargihii goosatee iyo goosgoos siyaasadeed
-
Al xamdu Al shukru: Gabar guurku ka daahay ayaa la soo doontay iyadoo 40 jir ah, deriskii ayaa ku yiri: manta waa lagu soo doontay oo odayaalaa yimid wiilkooda kuu raba ee Alxamdu- al shukru dheh, gabadhii ayaa ugu jawaabtay Alxamdu waan leeyahay, laakiin Al shukru ku darimaa oo weli leeyma guri geeyn. Hadda haddii aan dowlad heleeyno Al xamdu waa leenahay, Al shukruna wax qabadkeedaan la sugeeynaa.
-
La taliye: la taliye kuu taliya adigoon maxmiyad aheen ma jiraa? Dowladii cabdullahi ciise waxa eey laheed la taliyayaal ajnabi ah waxaa khasbayayna waxa eey aheed maxmiyad. Kuwii dambe maxaa ku khasbay la taliyayaal ajnabi ahi in eey u taliyaan.
Taa hore haddi aan tusaale u soo qaadano waxaa ay ka koobneed shan wasaarad iyo raisulwasaare.
1-Wasiirkii arrimaha dhaqaalaha,Md. Faarax Cali cumar waxaa la taliye u ahaa: Dr. lugi Casberi.
2-wasiirkii arrimaha gudaha,Md.Muse Boqor Cusman, lataliye :Dr.Tuwaliber Binardeli.
3-wasiirkii maaliyada,Md. Salad cabdi maxamud,lataliye ;Habelio Riconire
4-wasiirkii Arr. Bulshada-caafimaadka-waxbarashada,Md.Cali jimcale,lataliye Dr.Filinio wizinio
5-wasiirkii howlaha guud,Md. Maxamud cabdi nur Jujule,lataliye:Dr.Minotti Tomaski.
Lagula yaabi mayo oo waxa eey aheed maxmiyad ku ekeed 1960kii, laakin Dhabeecadaasi waa nala tagtay in aan ajnabi la taliye ka dhigano.Horaantii 1960 kii waxaa jiray Mr. Johon dryasdale oo la talye ahaan ku sii qaadanayay 100.000.sh.so sannadkii, shaqada uu hayay faa’iido malaheeyn sharcina ma aheeyn in shaqsi heshiis noocaa ah lala galo. Laakin dowladii Md. Maxamed Ibrahim Cigaal ayaaba xishootay oo heshiiskii magaca u bedeshay oo halkii uu shaqasi ka ahaa ka dhigtay shirkad la yiraa “ la societa- Africa research company, London.fiiri: faafinta rasmiga ah. polletino officiale delle republica somala. Mog,2.Augosto1969. Kacaankiina waxa uu laha la taliyayaal kale oo u badnaa jeneraalo Ruush ah, dowladaasi ma ogoleeyn in la taliyuhu u yeeriyo wax khibradiisa iyo xirfadiisa ka baxsan, inta badan. waxaa xigay la talye amar ku siinaa! Annagu ma waanan la heeyn waaya arag soomaliya oo wax la taliya, maxaase loo waayay taladiisa suuban cid ka qaadata? Mise Taladiisu waxa eey ka hor imaanee talada la taliya kale. Hadda xamar maxeey ka qabaayaan la taliye Mr. peter Reed iyo Mr. Stevene iyo kuwa kale oo Australiya iyo Norway ka yimid .waxaa ka sii yaab badan ,waddamada eey u dhasheen mushaar ma siiyaan soomana dirin AAA!!!!! ,shirkadaa mushaar siiya, haddi aad taariikhdooda gadaal u aqriso waa rag ku soo fashilmay meela hore eey iskugu sheegeen la taliye, Burundiba ha ugu dambeeysee. Mr. Peter Reed waa strategic advisor to the TFG Somalia on Road map, taladiisu waa in uu kugu kontroolo in aadan ka bixin habka Road mapka u daneeynaa ciddii dagsatay. yaab iyo raad tirasho, la taliye doowladiisii leedahay sooma dirsan, cid kalaana mushaar siisa oo ah shirkad madax banana, Shirkado shidaal iyo kuwa nabadgalyo, tii dalkiisana ma mooga. KA SOCO.
22/May/1958 Xaaji Maxamed Xussein oo ka mid ahaa asaasayaashii SYL wuxuu go’aamiyay in lala dagaalamo talyaaniga iyadoo xuriyadii uu u soo halgamay wax yar ka harsantahay. Xaajigu muxuu dareemay? wuxuu qaahira ka furtay idaacada codka qaahira – wuxuuna yiri: SYL waa ka baxday gacantii soomaalida ; xaajiga oo mudda gaaban aan aqiin geeridiisa ka hor ,weli wuxuu aaminsanaa in aan gumeeysi laga bixin laakin calan la qaatay.waan la yaabi jiray, laakin laakin weli lama xoroobin, clan garbasaar iyo koofiya laga dhigtayse beryahan websidyada waa ku arkayay waa fiicantahay in uu korkaaga ka muuqdo – qalbigana ka muuji-calanka ciida halaga qaado –waxa eey ku xirantahay adigoo taa aamina. Abwaan soomaaliyeed ayaa yiri: Isma doorin gaalkaan diray iyo daarta kii galiye----dembi kuma hadlaayee ma arag dowladaan rabaye. Adigu taad rabtay ma heeysaa??
Raage Ugaas ayaa yir. Nin ugaas walaalkii yahoo eeday baan ahaye,ninka ila biyale soo arkoo ooman baan ahaye ,ninka ooridiisii ninkale loo erdhaan ahaye, adigu waxaa tahay nin wallalkii masuul yahay oo eeday,nin wadankiisu barwaaqa yahay oo ooman, ninka dalkiisii shirkado loogu dhiibay baad tahay. Beesha caalamka waxaa xamar uga awood badan shirkadaha caalamka( insha ALLAH qormada kalaan ku arki doonnaa)
-
Odayashii……..: Odayaashii dhaqanka ee soo xulayay xildhibaanada, badanaa sannadkan waxa eey isku diyaarinayaan xajka oo dhaqaala ahaan ku waajibay, qaar waa aqal galeen oo waxa eey aroos cusub ku yihiin Hoteelada magaalada, qaar ayaa Nairobi gaaray oo ximbaar sugaya buufisna la ildaran,deegaankiina dib looguma noqan karo, oo tusaale waxaa ugu filan Nabadoon: Aadan Xassan Xarbi oo ka mid ahaa odayaashii shirka ayaa isku dhiibay Al shabaabka hiiraan,wuxuuna cafis weeydiistay Sh. Yusuf Ali Ugas- waaliga Al shaab. odayaashuna welwelkaas ayeey qabaan, cafisna ma hubana,waxaa ugu nasiib daran kuwa lacgtii laga dhacay iyo kuwa si farsameeysan eey lacagtii dib uga ceshadeen kuwii siiyay.
-
D –Baro: dadka qaar ayaa beryahan yiraa danyuus baro, marka eey ka hadlayaan qurba joogta soomaalida, mafiicna, haddii aad walaalkaa tiraa danyuus, adna waxaad tahay danyuus walaalkii, ha isku wada qaadin dadku isku wada mid ma ahan waxeeyna u kala qeeyb sanyihiin Diasporadu sidan:
1-Tacbaan- waa mid qurbaha ku daahay ama asagoo da’ah tagay kana weeyn 50 jir ,waa howlgab inta badan isbitaal iyo rug caafimaad ka ag dhaw lafahiisoow dhaqaajiyay.
2- tabliiq :marba wadan ayuu tagaa,meel ceshata ayuu la’yahay, wadankiina kuma soo noqo karo oo tacab iyo tacliinba uma kordhin.
3-tacabur: waa soow u tagay, asaga iyo caruurtiisuba soo ma noqonayaan.
4-tacbane: waa mid loogu talagalay camiil harawsi ah, dadka ugu faamo aniga dowlad heblaa iwadata oo been ah, naftiisa iyo dadkana been u sheega.
5- talaabsade :fannaan iyo sport, naftiisa iyo dadkaba ku maaweeliya, welina wadaniyadu raad ku leedahay.
6 -tarbiya xume: xabsiyoow ku jiraa,qabri iyo qaabdaroow sugaa.
7-tabane: masjid iyo samafal ururis ayaa howl maalmeedkiisu u badan yahay.
8-tixraace: webside iyo idaacadaa tiri, ayuu dadka kula murmaa wax uuna xaqiiqdooda ogeeyn.
9 -takrifale: Aabahii ayaa lacag uga dhintay ama dowladihii hore masuul ka mid ahaa,ama asagaa kuwii dambe ka qaraabtay.
10- taabac: qoladii timaadba waa la jiraa, waa taageera aan dhabtii aqoon sababta uu wax u taageerayo.
11-tiiraanyeeysane: Sarkaal hore ama wadani daacad ah ayuu ahaa waxaa hortiisa ka muuqda tii hore iyo tan manta oo isku qaba la’.
12-toosane: ,ganacsade,Ilma koris iyo hami aduunaa waqtigiisu u badan yahay.
13-is tuse: xisbiyada,hayadaha dalka uu joogo ayuu isku ekeeysiiyaa.
14-tamashle: qaad ayuu u soo doontaa Africa gabdhahana ballan dhoofis ah ayuu ka qaadaa.
15- technical committee: qaraabo, qiilana fuli, iska qardda jeex, qaajaa qurbaha kugula daahdee.
16- tooba seeg: waayeel dalka iyo diinta caayo.
16 –tirtirane: ceeyroow iska sugtaa,aduun iyo Aakhiro halkaas xafiisoow ka sugaa.
17- tacliin: dalka wax u soo baro ayaa hamigiisa ku weeyn.
18- tabaraa tir: dalka iyo dadka kama tagi laheeyn ee dantaa ku geeysay in uu go’aan kaa qaato.
20- taamaaye: reja ku nool.
21- tuur xume: sida madaxa loo xiirto ama loo shanleeysto ma yaqaan.
22-tuxtuxle: passpot ajnabi ayaan wataa ayuu ku faanaa.
23- toosiye: wuxuu ku fekeraa sidee xal loo helaa. …..Kuwa kalena waa jiraane Haddii aad diaspora tahay adigu kumaa tahay? waxaad tahayba aniga walaalkeey dhiban ayaa tahay danyuusna ku dhihi maa.haddiisa uu danyuus jiro waa ka……
-
DOORASHO: Ma leeys doortay, ma leeys xulay, ma leeys xaday, ma leeys xiniinya taabtay, ,ma leeys xukumay, ma leeys xodxotay mise waa leeys…
Xukun jaceeylka hadda jiro waa cudur. Anigase ALLA mahaddii anoo yaraa leeyga talaalay, jiradaan weli calaamadeehada iskuma arag. Xildhibaanku wuxuu qaadan jiray qadar 1600$ oo dowlada iyo UN iska kaashadeen. Sannadkii waa 1600$X12=19200$. Afarta sanno oo uu xilka haaydoono waa 1600X 12X4=76800$. xilka uu hadda haayo wuxuu ku iibsaday 150000$.waa laba jibaar mushaarka uu qaadan doono ka badan. lacagtaa uu ku maal gashaday ganacsiga siyaasadeed waa in eey dib ugu soo noqoto, Xagee laga keenaa? Adiga jeebkaaga – Cashuurtaada iyo magacaaga ayaa la iib geeynaa, qofba maal gashigiisu wuxuu la eg yahay inta uu isleeyahy waad xadi kartaa berrito, darjooyinka tuugnimada ayaa kala ah kuwa lagu bixiyo koobab dahab ah, qalin iyo maar,iyo kuwa sugayo shahaado sharaf tuug ama shahaado ka qeeyb gal, kan aad hadda taageersantahay miduu u tartamayaa ? tuugadu dhaxdooda waa isa sii dhagraan,xildhibaan ayaa asagoo og in laaluush lagu soo magacaabay, ayuu dadka hortiisa ku dhaartay been , kii ayaa mid kale qol la galay oo kaligii ku dhaariyay in uu codkiisa ka gato, ma ninkii dadka hortiisa been ku dhaartaa kaligaa run kuugu dhaaraa, berryahan xamar waxaa jirta murti dheheeysa, Lacagu waa qaadasho, codna waa cidaad doonto. Abwaanaa yiri: ( dab xawaala soo maray dahar woowga daran yahay ninki dumar wax heeybshana raga woowga daran yahay) ninkii ummadda horteeda been ku dhaartay, kaligaa ….
Inteenii xamar joogtay waan wada ogeeyn sida leeysku soo xulay,sicirada suuqa ee odayaasha, siyaasiga, gudiyada ,dallaalada iyo kuwa kale. waxaan quustay Markaan arkay Gen. Gabre, taliyihii ciidamada ethiopea ee berri xamar ka dagaalami jiray oo liis wada, waxaan islahaa ciidamadiisii markeey baxeen asna waa baxay, weli waa joogaa,waxna waa u hirgaleen… waa xamar qaadkaaaas!!!..
Hogaamiye Kooxeedna doodaa ka timid.War Lord- waa kalmad asal ahaan ka timid hogaamiye yaashii dalka shiinaha ee berri dalka kala goostay, taariikhdaas iyo tan soomaalida hogaamiye yaasheedana haddi la isku fasiro anaga iyo ajnabigu laba macne oo aan isleheeyn ayaan kala aamineeynaa.
Hogaamyie kooxeedyadii na soo maray ma aheeyn kuwa fiican xaalad fiicana kumana howgalin -hogaamiye kooxeedku hadduu hogaamiye kooxeed runa noqonaa,sababta loo leeyahay ha laga saaro liiska ayaa laga yaabaa ineey tahay in la rabo in dib loo soo nooleeyo- Kama badna dhow iyo toban qaar maba soo galayaan oo ma rabaan xatta haddan laga reebin ,laakin hadda sabab ayeey heleen. Impagati waa la isku cafiyay somalida dhaxdeeda ,waxaana la yiri hogaamiye kooxeed ma jiro ,soomaalidaaba dhaxdeeda dhameeysee maxaa loo soo nooleeyay, qaar ayaa beesha caalamku u aqoonsatay in eey la dagaalamayaan argagixiso caalamiya oo la maal galiyay, haddana beeshii caalamka ayaa ku eedeeynee howshii eey u dirsatay, waa ciyaata saan u rabo u qaado. Odayaashii dhaqanka ee shalay howsha u dirsaday, in eey beesha difaacaan ayaa hadana soo magacaabay, waxaan huba in qaar ka mid ah gudiga farsamadu ayaa lacag u soo diri jireey markeey qurbaha joogeen si beesha loo difaaco,Gudiga qaarna ragii maxkamadaha ee lacagta eey magacooda ku soo xawili jireen ayeey liiska ka reebeen waa hubaa in qaar eey ahaayeen sidaa kulise ma dhihi karo.soomaalidu waxa eey xasuustaan in hadda ka hor Janaral: Caydiid liis caalamiya lagu daray oo lacagna la dul dhigay haddana dhowr bilood kadib in dayaarad gaar ah eey u keeneen kuwii liiska ku daray oo Adis Ababa loogu qaaday, waxa kale oo soomaalidu eey ogyihiin in Nelson Mandella lagu daray liiska Argagixisada caalamiga ah oo xatta markii uu madaxweeynaha noqday uu liiska ku sii jiray, asagoo liiskii safarada looga mamnuucay ku jira oo haddan amadaxweyna ah ayuu tagay wadamadii waaweeyn ee liiska ku daray .Markii uu xilka ka degay ayaa la yiri : Nelson liiskii ayuu weli ku jiraa ee halaga saaro,waa 90 jire. Liis la faham, Dan ma lagaa leeyahay…. Spoilers: kaccankii ayaa nabary,soomaaliduna horeey u taqiin- waa ha hadlin ha dhaqadhaqaaqin –waxaa tahay kacaan diid haddad rabitaanka kacaanka diido. Oo la macna ah waxaa tahay spoiler haddad rabitaanka danleeyda diido.
Haddii dooda xildhibaan nimadu ku socoto in sharci daro lagu noqdo ,waxaa abuurmaya laba barlamaan,mid kor laga aqoonsan yahay iyo mid magaciisu qarsan yahay oo gudaha laga aqoonsanyahay, waxaa cad saameeynta beesha caalamku ku leedahay maamul u sameeynta soomaalia taa oo aan ku ekeeyn dhinacyada dhaqaalahha iyo farsamada. Dad badan ayaa aaminsan in xulitaanku uu ahaa wax kala xoog, waxaa kale oo la saadaalinayaa in dad badan oo xildhibaano soo noqday eey isla beeshooda sababsan doonaan, waxaana masuuliyada qaadi doona koox hubeeysan oo aan heeybtooda la garaneeyn, kadibna beeshii ayaa dib u soo magacaabee kii laga boojeeyay ama boojeeye kale. (((ogoow, Ninkii carooda cid ma waayo, Itoobiyana hub waa ka soo helaa, doowlada qatar na lacag))).
-
DADKA:Dadka gadaal ha loo Aqriyo inta aan xil loodhiiban, musharaxaan ahay waxaa ku xigta xoola ma heeysataa. HAA, rajaad leedahay. Intaad ka keentay lama leh waa xoolahii uu adiga kaa xaday ayaad ugu fududeeynee in uu kuwa kale kaaga sii xado. Kii yiraa wax ma heeysto,waxna ma xadin waxaa loogu jawaabaa kuma wadi karno. Adigu waxaad aaminsantahay in uu yahay wasiir ay saarantahay masuuliyad qaran ,lakin asagu ma aaminsana, adaa khaldan. Waxaa shaqa kuu soo wada doontay ,xaldoon, xatooya doon, xoola doon, xarraka doon, xigta doon, xushma doon, xildoon,dadka gadaal haloo aqriyo.
beryahan dame waxaa iska caada noqotay in raisulwasaare uu xilka isku dhajiyo , ka dibna uu iska tago haddii jeebka……… weliba hadduu wato passport reer galbeed .Raisul wasaare maharkiisa $2 million ayaa ugu yar, waxaa u dheer wixii uu biilka ka reebtay , xilkana kuma soo noqdo, damac iyo maseeyrba ha iska jiree, warkiisana waa la waayaa, cuddada kadib ayuu siyaasada ku soo noqdaa. Masuulada dowladeed qaar in aad magacooda idaacada ka maqashaa fiican oo aadan arag , si fekerkii aad ka maqashay ee laguugu cabeeyay uuna kaaga bixin.
CALAA NAFAQATI: dad waa xumaaday, samman Aakhir miya? waxaan arkay masjid marba dhinac laga sawirayo, waa la dhisay waxaa la gu qoray magacii samafale ku deeqay, bil kadib waa la dayac tiray hadana magac kalaa lagu qoray sawirana waa laga qaaday,si loogu geeyo sama falihii ku deeqay. Galbeed, waxaad ku arkee tabeele eey ku qoran tahay calla nafaqat xaajiya khadija –Al-kuwaiti. Barrina xaajia zanab al-baxreeyni. dhinaca kale Fatima al –imaaraati- sawira kalena jaaliyada somalida ee dalka dibadiisa ……… calla qadri daaqa. Hal masjid oo ah 5 masjid, kii la baxay ALLAA u og, kii kalana ALLA ma moogo, Culumaduna saa ma wada aha oo kuwa iimaan leh weli waa jiraan.
-
WAA KU MATALAA: xiriir bulsho iyo tixgalin bulsho waa zero. Nabadoon aan nabad doon aheeyn,wadaad aan wadaad aheeyn,ganacsade aan ganacsade aheeyn . qof ku leh anigoo ku hadlaya magaca beesha aan I wakillan. magaca haweenka soomaliyeed ee aan I dooran, aragtiga culumada aanan war iga heeyn ,…. Intas aan I wakiilan afkooda iyo magacooda ayaan ku diiday.
-
DOCTOR: Doctor : marrabo in aan waxbadan ka ogaado cudurkaaga,indhaha isku qabo ,neefta isku celi,ismoogeeysii dhadhanka iyo qaraarka daawada. BUKAAN( soomaali): ma filee in aan ku bogsanaa. DOKTOR: waa tijaabo daawadu, rajaduna ma xuma waa 1%. haddii aad ku bogsan weeydo doozahaa laguu badinaa, soomaalida-waxaa lagu durayaa cirbadda foosha dedejiso oo ka tan weyn tii loogu talagalay maroodiga,waxaa ku duraya daqtar gacan adag Dr.XXX. 21 sanaa lagu sugayay ee sagaal bil kayar ku dhal, ilma wareersan oo suntii korkooda ku jirtaa soo baxay.
-
30%: iyadoo beeluhu eey qorsheeysteen in eey buuxiyaan shuruudii aheed 30% ayaa xubnaha beesha caalamka iyo guddiga farsamada laga helay qish ah in laga soo tagi karo,taa oo keentay in gabdhihii hore loo soo xulay laga noqdo.haweenkuna iskuma hiiliyaan ee tii wax heshaba safka horeey ka gashay dhaarta ,sida kaliya ee hadda lagu soo celi karo waa haweenka xildhibaanada noqday ee la dhaariyay oo barlamanka banaanka ka istaaga oo yiraa: gali meeyno illa la soo dhameeystiro ballankii caalamku naga qaaday,taa oo soo jiidanee indhaha caalamka,khasbeeysana in lagu kordhiyo tiro haweenka u gaar ah oo buuxisa 30%.
-
LACAG. wareer koowgiis, soomaalidu hore uma aqoon lacag warqad ah iyo mid macdan kale ahba, erayga lacagna wuxuu u ahaa cabir kaliya. Waxeey wax ku cabiran jireen : dhudhun,taako,suus,madaal,xur,xusul,yaasiin,baac,cag iyo kuwa kale,Tusaale: CAG waa intaa ka hooseeysa qoobka,oo noqotay cabir guud oo ah LA-iyo CAG, Sida: 10 Arri ahi waxeey LA- CAG tahay neef Geel ah,oo ah 10 Arri ahi waxeey la meel tahay neef Geel ah. Markii noloo keenay warqado wax lagu qiimeeynaa ayaan ula baxnay LA-CAG, la cabir.
Laakin lacagu dhibeey keentay, dad walaalo ah waa isku dirtay, gabar gurigeeda ku wanaagsaneed suuqeey keentay, dad aan dambi gali laheeyn dambiyeey galisay, xaqdareey xukuntay, oday dhaqaneey fasahaadisay, culumeey qiil been ah ku qasabtay. Sheeydaanaa yiri: maalintii lacag la sameeyay ayaa nasasho iigu horeeysay,ileeyn shaqadaan qaba lahaa iyadaa ii qabatay. Annana waxaan aragnay nabadoonkii cidda oo dusha eey uga qorantahay FOR SALE, shaydaanaa mar kale oo uu shir jaraa’id qabtay gabagabadii wuxuu u hambalyeeyay madaxda soomaalida.
-
SHAKAALKIYO: Baarlamaankii hore wuxuu eeday wax badan ,waxaase ugu saameeyn badnaa markuu diiday heshiiskii badda,ka hadda waxa kaliya ee laga sugaa loona dhisay waa in uu ogolaado ama uuna ka hadlin, haddii laga saxiixdo waa laga maarmaa,hadduu diidana waa lakala diraa…heshiiskii hore inkastoo eey diideen, waxbaa ka dambeeyay,waxaa la aaminsanyahay in aan ka tagnay dhul aan leenahay oo hodon ah,iyadoon dacaayad aheeyn waxaa la sugi waayay inta doowlada laaga soo dhisayo,shirkii iyo boorsadii waa howlgaleen, qaar soomaliya ayaa leh: welgoodba ha qeeyliyeen ,soomaali anna ah oo aqaan waa 2 cisho, I SII, QAADO. …dowlado ka awood badan ayaa saxiix looga qaatay dhul shidaal ku jiro.
Caalamoow ha qaldamin,soomalidu saa ma ahan si kastoo xoog loogu sheegto ama camiil loogu adeegsado qaanteedu ma harto,saxiixna kuma samirto,meeqeey dhaxdooda kale saxiixdeen, looma dhameeynaa meel u taal.si loo soo celiyo saxiixyada fakaday waxeey u baahantahay howl adag oo khatar dhinacya badana leh iyo naf hurid, ma u bareeree? Koleeyba anigu waxaan gala safka hore yaanan kala harrin aan iska kaashanno. WALAAHI,meel xumeey maree farsamaa naloo dagay.30/8/2012 heshiisaa dhacay kaa oo adiga,aniga iyo ubadka dambe wax u dhimaa.in add ogaataa dambi laga dhiga oo laguugu ciqaabi karaa,saa u ogoow,hadaan kuu sheego baxarka waa igla jirtaa,diyaar ma u tahay,ka feker…… KMG dhab ahaan ma ka baxday? Mise saxiisaa lagu suggaa?.
Ka raali noqo in aan kugu dheereeyay war laga yaabo in aadan wax ka faa’iidin, oo murti la’ aan ah ,ama aadan wax ka fahmin,shakhsi gaar ah ha u macneeyn hana ku dabaqin qormadaan, wixii aan ku gafay iga cafi, wixii aqoon dariyi ii geeysay iga sax. waa balan in aan kaa qaato.
LA soco qeeybta kale.
NB.Inkastoo 29 sanno laga joogo maalintii iigu horeeysay ee arday jaamacadeed aan soo hor istaago, kadina illa 6 jaamacadood aan wax ka dhigay , hadana beryahaan professoradu waa bateen,wax saxa ALLAA og, Aniga iigu wac magaceeyga oo kaliya,aqoon aan la goob tago iyo waaya aragnimo aan wax ku fahmo malihi, adaan rabaa in aan wax kaa barto.

Yaxya Sh. Caamir..E- Mail: yahyamw4@gmail.com
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|