Somali News
    Hees  

Aragti: Waraabe daalay diritiisaa loo tagaa

 

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga

Nin baa laga sheegay markaan Aamus iraahdo Eey Sarar sitaan arkayaa, waxaan la yaabanahay Buunka la Xaday ee la sii sito meesha lagu yeerin doono,xusuustu way kaa naxinaysaa marka aad ka fakarto wixii la soo maray 20 kii Sanno  ee la soo dhaafay waxaadse iska qancaysaa in aan wax Alaah soo qoray cidina celin karin laakiin Qurba joogta (Laba Waalidle , Laba Dale, iyo laba Calanle)  iyo Reer Puntland miyaanay wax garan shisheeyaha waanba ka filan karaa waxa ay samaynayaan.

intaas ka dib waqti badan uma hayo in aan qoro Maqaal dheer laakiin waxaan soo gudbinayaa ujeedada hordhacaan, dadka Soomaaliyeed way la socdaan waxa Xamar ka socda,waxaana u qaybin karaa labo arimood oo kala ah Shariif Sh Axmed  waxaa ku dhacay wuxuuna ka shalaayi doonaa Aaminaada Pundland  iyo Aaminaada reer galbeed wuxuu iska jaray Madaxa lagumana kabi karo laakiin hadii uu rag yahay Habow waa lagu Dal bartaa waxaana laga rabaa Xikmad aan wax kale u sii dhamayn.

Midda labaad ee meesha ka muuqataa waa Qabyaalad qaawan oo lagu sameeyey dadka dagan Koofurta Somalia waxaana lagu tijaabinayaa wax kasta oo xun waxaana mMdax furosho loogu haystaa in ay ka tanaasulaan Qaranimada madaxa uga jirta iyo ku dhaqanka shareecada islaamka.

Xusuuso Qisadaan; waxaan sheeko ku haynaa in labo haweenka ay isku qabsadeen Canug Garsoor ayey isla tageen waa la kala  saari waayey Garsoorihii wuxuu u soo jeediey labadii Haween Canuga in la kala jaro midii aan ilmaga dhalin waa yahay ayey tiri tii kale waxay tiri iska sii Garsoore, Garsoorihii wuxuu yiri ”Tan ayaa ilmaga dhashay, sheekadaan oo kale waxay maanta haysataa Beesha Hawiye laakiin Garsooraha ayaan kii la mid ahayn kuma Talinayo in Balaayo la dhigo, kuma Taliyo in arinta la iska fiirsado waxaanse ku Talinayaa in Duliga la diido si ku haboon, waxaa cajiib ah damaca Faroole iyo Xulafadiisa ee kaaga kula lihi oo waliba maanta ah kaaga lihi kaygana annaa iska leh  ugu dambayntii Waraabe Daalay Dirirtiisaa loo tagaa ee maa cagta laga dhigo reer Koofure wax kasta lagu tijaabi tanaa ugu culus. 

W/D Cilmi Nuure Wehliye
E-Mail  cilminure@gmail.com

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)