Somali News
    Hees  

Maqaal: Qiblada Qabbaaniyaasha!

Qiblada Qabbaaniyaasha! 

Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiraah: “Biyo ururo meel godan ayay isugu tagaan” mid kalene waxay leedahay: “Geel tegay tubihi ceel” mid kalena waxay ahayd: “Biddoow anigu ku sheegayee, yaan camalkaagu ku sheegin”.

Sida qarankii u qallibmay, waxaa Soomaaliya loo qabtay dhawr shir, dhammaan ku suntanaa nabadeyn, waxaase jiray qaar loogu yeeray wadatashi, aanse nabaddu marna ka marnayn, dabcan nabaddu waa nudubka nolasha iyo naruuradeeda, Soomaalise naawili waysay, hadday ka dhigatay halqabsi iyo warcelinta koowaadba “Nabad ma sheegtay? Ama ma jirtaa? Waa nabad” nolosha ayaa rajo ku dhisan, horay u hanqaltaagguna waa halbeegga noolaha, ma quusto, is mana dhiibo, wuxuu ku hawllan yahay huleel iyo hawl, hadalkuna waa hawraarta hadranka.
Baho Higle kalgacalna ku kali tagi waaye, af qarmuunina ku wada joogi waaye” shir nagama dhammaado shayna nooma hagaago, sanadkii la soo dhaafay waxaa la qabtay ugu yaraan 3 shir, waxaa ka badanaa kuwa magaca Soomaali ku sheeganaa, ee aynu wada ognahay in aysan shaahidka ka ahayn.
Qormadan waxaan uga hadlayaa Qiblada Siyaasi ku sheegga Soomaaliyeed. Inta badan dunida Carabta ayaa lagu dhaliilaa in Washington looga taliyo, ayna tahay lama huraanka madaxa Carbeed, uu booqda Maraykanka sanadkii dhawr kol.

Dabcan waa dawladda dunida ugu awoodda badan dhan walba, dano xoogganna ka leh gobolka Bariga dhexe, waxaaba ku taal gobol ka mid ah gobollada Maraykanka “Israel” oo marar badan ay ugu garbisay gardarro qaawan, waana meeshuu Abwaan Cali Diiriye “Cali Gaab” ka yiri:

Israel Ma booddeen

Bari dhexe intuu tagay

Nabad kuma bariisteen

Waa Boqol Yuhuuddiyo

Ragbaa biirinaayee

Beerka u firaayaa

Barqa laguma gaareen

Beydkii Ilaaliyo

Barxadii Ilaahiyo

Barxadii Rasuulka

Waxaan loo bannayn iyo

Bakhti kuma dhex kariyeen

Bishimaha Dushoodiyo

Been weeye Nabadduye

Baaruudda qiiqdiyo

Buntuq weeye dunidiyo

Afirkay isbiirsoo

Isa soo bahaystoo

Ninkii Baal u leexda

Basar wax ugu sheegoo

Ku ballama dagaal.

Sida Carabta meel gaar ah looga xakumo, ama ay ugu qiblaystaan, ayaa annaga dhankeena Siyaasi isku sheegga Soomaaliyeed, wuxuu leeyahay qiblo u gaara, wanaag iyo wacanaan laguma sheegin, deeqsinimo iyo dadnimo loogama baran, karti iyo kasmo laguma yaqaan, xigmad iyo xeelad laguma xusin, xeer iyo xukun wanaagsan laguma xisaabsho, xaalad degganaan iyo xirfad sare looguma xiiso, xasad iyo xaqdi ayey xero u tahay, xalqo Daafi iyo xibin qiiriin cun laguma xadido, waxba yaanan xeerine, waa XABASHI QIBLADDA QABBAANIYAASHA SOOMAALI!

Burburinta dawladdii dhexe, duullaanka waxaa laga soo qaaday, oo beel walbaa dabada la gashay xerada Daafi qurunleeyda, haddii dalkii burbur galay, jabhadihiina dagaallo dhexdooda ah ku hoobteen, waxaa xilligaa lagu qabtay shir sanaddii 1993-dii oo ka dhacay Addis Ababa. Sanado ka dibse iyadoo udbaheeda wadata ayey wadanka soo gashay, yaa u sabab ah? Dad badan yaa aaminsan qabqablayaal reer Gedo ahaa, maya, sidaa ma ahan Alshabaabta hadda joogta oo shaar kale wadatay ayaa sabab u ahayd, ka dib markii ay dadkii deegaanka dhibtay.

Muddo gaaban ka dibse, waxaa caadi noqotay in Xabashida xabado loo doonto, si weyn waxaa caan ugu ahaa Qabqablayaasha Xamar kala xadeeyey, dabcan Somaliland qurbaankeeda ha moogaan, dad noolba ha u badnaadee, gadaaalna ay uga soo biirtay Puntland, qabqablayaashu waxay si gaar ah ugu eedaysnaayeen, inay Xabashida qodban yihiin, qabbir iyo qoolna ugu jiraan, waxaanse la eegayn inaan la kala roonayn, waase dabaceedda Soomaalida, oo la yaab ma lahan.

Waxaa la yaab ah, markii hore qabqablayaasha ayaa lagu cayn jiray inay Itoobiya ka soo qaataan hub ay shacabka ku laayaan, ama ay u kala dhuuntaan si mid walbaa ugu qanciyo inuu fulinayo awaamirtooda, maanta waxaan maraynnaa in wadaadadiina u kala dhuumanayaan Itoobiya, waliba ay iyaga oo faraxsan oo dhoolla caddaynaya ka dagayaan Addis si ay shir dib u heshiisiin ah uga qaybgalaan, midkan kaliya ma ahan, waxaaba jiray mid dhexdooda loo qabtay, waa yaabe duf ku baxayaashu miyeysan wax is dhaamin, qabqable iyo wadaad mid walbaa waa kiisa kale, waa labada bog ee lacagta oo kale!

Waxaa hubaal ah, inaan daawadayaal ka nahay filimada jilayaasha Soomaalida ee ku qanacsan magacyo la moodka loo hilaabay, ma mooddaa sidii jilayaashii aflaanta, ee marba kaalinta shirkadda filimka soo saaraysaa u soo doorto buuxin jiray? Madaxweyne, Askari, Dhakhtar, Jabhad, Dulmane, Daallin, Dammane IWM miyaanay magacya la moodka Soomaalidu sidaa ahayn? Maadaama aan leenahay hal marjac oo aan la garab mari karin?.

Maanta waa maalin kale, waxaa Addis Ababa ku shirsan madax ku sheegga Soomaalida, kaliya waxaa ka maqan Siilaanyo, oo malaha asna u baaqday damaashaadka maalmaha Xoriyadda, balse, mardhaw laga filayo shir ka dhacaya magaalada London, si loo billaaba wada hadallo u dhaxeeya DKMG ah iyo Maamulka Siilaanyo, ka dib markii DMKG ah ka saartay xubnihii Faroole ku soo darsaday guddiga, ee awalba carqalad kaliya looga jeeday.

Shirkan Addis ka furan wuxuu ku yimid, waraaq si lama filaan ah mudane Faroole  ugu diray kuwan lagu sheego inay daneeyaan arrimaha Soomaaliya, kuna sheegay inuu dastuurka qaadacay, ayna tahay shir la isugu yimaado Kenya ama Ethiopia, xasuuso, xeerku wuxuu ahaa qofkii diida dastuurka inuu nabaddiid yahay! Gaas ayaa ugu hormaray, kuna tilmaamay diidmada Faroole mid u gaar ah, oo dadka kale ee diiddan Dastuurka inay u gaar noqoto, maxaa reebaya? Faroole waa u gaar, inta kalana waa ka gaar, ani ma garan, ee qofkii gartay ha noo garaadiyo.

Shisheeye u baaqa Faroole kali kuma ahan, ee waa meeshuu Cigaal Shidaad ka yiri: “Waa la buuxaa, waa la badan yahay” waaba iga weydiine, saw lama lahayn; Garoowe ayaa xarun shirar isu badashay, maxaa keenay inuu Faroole soo hadal qaadi waayo? Ma halmaamin baan filaaye, mise maadaama uu cabashadaba u gudbiyey shisheeyaha, waa in shisheeyuhuna gogosha dhigaa, kaliya ma ahane, waa inayba go'aamiyaan waxa ka soo bixi doona, si aan u dhicin in cabashadii meel cidla ah ku dhacday.

Is weydiinta mudan ayaa ah, haddii Faroole ka dhaga adaygay, in shirka Muqdisha lagu qabto, maxaa shalay loogu firxanayey Garoowe? Illeen qofkii gogosho aad fidiso diidaa, inaad tiisa tagtaa waa taloxume, anigu ma garan Shalay Garoowe in sadbursi lagu go’aamiyo, maantana aan sinnaan Muqdisho wax u qaybsanno la diido, ee aqriste adi ma garatay? Run ahaan inay tahay meeshii laga oran jiray: “Bisayl iyo Qiireen waxa u dhexeeyaa waa yacyacood” haddaan laga dhigayn xaajada: “La jiifiyaana bannaan, la joojiyaanan bannaan”.

Aqriste, nabaddiid aan u laabtee, “QASWADE” ma la dhihi karaa, mudanihii ay xilka ka qaadeen intii u dooratay xilkaa in ka badan? haddana laga fujin waayey, isagu garaadkiisa kuma tagayo, garabna waa haystaa, waa “Gardarro garab og lagama guulaysto” garabka wuxuu ka helayaa canaasir ka tirsan madaxda sare ee dawladda, oo iyagu raalli uga ah inuu sii hayo xilkaa iyo shisheeye uu waligiiba u ahaa kabaqaade, illeen hadduusankalkaale u ahayn iyaba ma garab siiyeene.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa, mudanaha muddo go’an xil loo soo doortay, markuu u dhammaaday inta Kampala tagay oo Madaxweyne Museveni hoosta ka galay sanad soo kororsaday? ee walibana yiri cid ka hadli kartaa ma jirto, waa lama taabtaan qodobadii aan ka keenay Kampala, kana sara mereenba axdigii KMG ahaa, intaa kaliya ma ahan, masuul ka ahaa dagaal la baajin karay inuu dhoco, waxaan ka hadlayaa fashilkii ku yimid shirkii Kharduum daba yaaqadii hilaadintii 2006-dii, intaa kuma simine, haddana laba sano kale, da’yarta diin, dib u xorayn ku dagaal galiyey, dabadeedna meel cidla ah uga tagay.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa, mudanaha muddo go’an xil loo doortay, ee markii uu dhammaystay sanad jeebkiisa ah ku darsaday? Isagoo waliba u cuskaday dastuur uu ku ansixiyey qol mugdi ah, oo aan loogu codayn sida Dastuurkii Somaliland oo kale, oo maalin cad dadku u wada dareerin inay meelmeriyaan rabitaankooda, waxaaba ka sii daran inuuba isbaaro u dhiganayo wada hadalladii la filayey inay dhexmaraan dawladda KMG ah iyo maamulka Siilaanyo, eraga isbaaro iyagaa adeegsada, anna sidaa ayaan iyagu ugu adeegsaday, illeen ayaga ayuuba qabanayaaye, marka laga soo tago inuuba kuu habboon yahay.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa, mudane xil laga qaadee is xajiyey, ee Maxkamadda saree maamulka xukuntay in sharci loo raacay xil ka qaadistiisa? Ee inta Odayo isu wacday Xamar iyo meelo kale laga tagay xaal mastuur lagu gaaray; inuu xilka sii hayo, waaba yaabe, markii hore maxaa xeer iyo xugun loo samaynayey? Haddiiba aan la dhaqangalinayn.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa, wadaad camaamad madaxa ku xirtay, ee Xabashi ku xiran, deegaanka kala daahay inuu maamul u sameeyo? Maalin walba u taagan raacda reeb iyo ku dhufoo ka dhaqaaq, waa Jinni ku xaqsay iyo tacab khasaaray, malaha dhacdadii Dhuusamareebna waaba qiil ay doonayeen, oo ah in marka hore deegaanka laga sifeeyo Alshabaab, oo ninka isqarxiyey miyuuba deegaanka iska soo abaabulay? Saw lama oran wuxuu ka yimid dhankaa iyo Xamar, ani isuma kay qaban.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa, nin aqoon lagu tilmaamo, wata darajo aqooneed midda ugu sarraysa, haddana u xusulduubaya siduu sokeeye ku gumaadi lahaa? Dabcab dadka la laynayaa deegaanka ay ka soo jeedaan isuga uma dhalan, kumana dhalan, waaba haddii loo qiilin lahaaye, haddana Maamul gacan ku rimis ah oo “AZAANIA” uu u  baxshay ayuu dadku ku qasbayaa, dabadana waxaa ka riixaya quwado shisheeye, illeen waxaan joognaa sabankii shisheeyaha lagu wada daabnaaye.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa nin wadaad sheeganaya, ee haddana u darban laynta dad aan waxba galabsan? Mid yaan la halmaamin inuu Xabashida Saaxiib la ahaa waligiisba, ma wada xasuusateen in jabkii Maxkamadaha ka dib, isagoo dhaawac ah loo qaaday Itoobiya, ee inta la soo daweeyey oo la soo daryeelay dib loo soo celiyey, si uu hawshan wasaqda ah u fuliyo, haddaba Gardheer iyo Taf xaydan dambe yaa lagugu qaldin, Garku waa tin soo baxda, ama gaabso, xiir ama dayso, Muuse Suudi, Barre Hiiraale, iyo Gen. Moorgan yaa ka Gardheer? Haddana waad ka dharagsan tahay inay yihiin qabqablayaal dagaal, bal dhanka kalana milicso, Fidal Castro oo Hantiwadaag ah, haddana Garkiisa ma aragtay?.

Aqriste, “QASWADE” ma la dhihi karaa nin wadaad sheeganaya, ee maalmo ka hor soo ansixiyey Dastuur beeleed, ee inta Garoowe ka soo duulay, markuu Xamar cagaha soo dhigay, isagoon nasan, isla markii warsaxaafadeed diidmo ah soo saaray, la yaab, midka qolka madaw lagu soo ansixiyey, ee lagu garab maray xeer iyo xugun wixii dhignaa, aan la tixgalin dareenka dadka uma muuqdo, ee waxaa u muuqda midkan Soomaali oo dhan ka dhexeeya, hubaal inuu xaq u leeyahay inuu codkiisa dhiibto, balse, inuu miisaamo ayey ku habbooneed.

Aqriste, middan si fiican iila dhuux, waxaan is leeyahay waaba midda ugu muhimsan inta aan soo xusay, “QASWADE” ma la dhihi karaa, kuwan wadanka ku soo hogaamiyey shisheeyaha? Bal wadanka gees ka gees eeg, maanta gobol aan Xabashi joogin ma lahan, Somaliland iyo Puntland iyagu qurbaanka si joogto ayey u bixin jireen, koofurta deegaannada qaar ayaa Fiddaw iyo Xersi xir ahaan iyana u gayn jiray, hadda waxay maraysaa inaysanba sugan, ee ay ugu timaad meesha uu yaal, halkaana ka maamusho, kana yeesho sida ay doonto.

Madasha waxaa ku sugan Shariif oo carriga Maraykanka ka imaanaya, markii horana ka sii duulay Uganda, Tahliil ayuu horay u sii qadanayey malaha. Faroole oo codsadaha shirkan ah, isna wuxuu ka imaaday dal shisheeye, Caalin isaguna iyo Gaas oo Muqdisha ka soo duulay, Shariif Sakiin wuxuu ka soo duulay Baydhaba Jannaay, oo ayaamahaanba sidii Shimbir Malabkii ugu dul wareegay sanayey, malaha wuxuu is leeyahay marka aad ku qaddo guddoonka baarlamaanka yaan lagugu qabsan? Xerta Ahlusunna, sidii qaruxu Dhuusamareeb uga dhacay, warkoodba lama hayn, awalba waxay ahaayeen dhal Amxaaro, haddana waxaa ku sii dhacday dhallaan la'aan.

Aqriste, bal maanee kuwii isku sheegayey inay yihiin hoggaanka dalka, maamul gobol iyo maamul guudba, waxay ku horan yihiin xerada Xabashida? Alla ayaan darro ka weyn miyaa jirta? Mid ma is leedahay in halkooda looga dhaadhiciyo xabsi, ay ku jiraan inta Soomaaliya ka hagaagayso? Sidii uu sameeyey madaxweyne Anwar Al sadaat, ka dib markii uu martiqaad u fidiyey madaxdii ku murun saneyd maamulka wadanka Yemen,  qabqablayaashii dhanna xabsi ku ururshay, deedna maamul iyo hoggaan cusub u dhisay, Wallee middaa oo kale waa nagu fiicneyd, ma ahan kaligood, ee xayn badan ayaa magaalooyinka lafaysanaya, iyagana yaan laga reebin.

Wax badan yaad maqasheen eraga ah: “XABASH YAHOW XABASHKU DHALAY” qofkii eragaa lagu yiraa caayi uma dhimanayn, nasab dhimid iyo bahdil ka weyni ma jirin, maantase qofkaan ahayn sida eragu yahay, waxna ma ahan, waxna ma noqon karo, xil iyo xukunna waa ka xaaraan.

Aqriste, bal eeg sida waayuhu isu badaleen? Maanta inaad dhal Xabash noqotaa waa ammaan iyo arrin wanaagsan, illeen waxay kuu suuragalinaysaa inaad xaraan ku naax noqotood quudatid hanti guud iyo midda gaare, adoon marnaba ka baqayn dabagal iyo xisaabi xil ma leh!

Aqriste, haddaad markii hore aamin sanayd, in wadanka Soomaali maamusha, maantaba indhaaga ku arag, wixii aad aamin sanayd iyo waaqica isu eeg, waan filaa inay kaaf iyo kala dheeri tahay, maxaa yeelay dunida kama jirto, wadan madaxdiisa oo dhan looga yeerayo wadan shisheeye, ee haddana isku shubaya, sidii inay Alla bari ka qaybgalayaan, shirkani wuxuu caddayn u yahay inaan wax madax bannaani ahi jirin, qofkii mid ka duwan hayaa, ha soo bandhigo, isagoo mahadsan.

Sida aysan dunida uga jirin dhacdada caynkaa ah, ayey Soomaaliya caadi ka tahay, kuwa u sii cararaya iyo kuwa codsaday waxaaba ka sii liita, kuwan Odoy dhaqameedka lagu sheegayo, dushooda iyo diirkooda lagu dul gorgortamayo, Alla damiir dhintay ee dux beelay illeen dadnimo lagama sugo! Markii ay dhihi lahaayeen, anaga maxaad noogu wacateen haddii aysan taladu naga go'in? Ayaa qaarna dib u carooday ka dib markii amar lagu siiyey, qaarkii harana HOOS GUNTIYO ku maqsuudeen, hoos iyo hareerba ma hillaaban, heegada sarana warkeedba daa.

 

Rag kaa faqay rafiiq nimaad tihiin talo lagaa reebay

Meel aan lagaa rabin indhaha lalama si raaco

 

Kaligood ma ahan, bal eeg kuwa aqoon yahanka isku sheegaya, inay idaacadaha iyo TV-yada ka quuq leeyaan ma ahan qaab kale keeni waaye, ka dar oo dibi dhal, waxa marashax isku sheegaysa ee maalinba maalinta ka sii dambaysa haddan aan lagu hayn hale ra’yi oo ku aaddan waxaan dhacaya iyo wadankaan mugdiga sii galaya, ee ay doonayaan inay madax u noqdaan, Doqoneey dabkaa ba’. Abwaan Soomaaliyeed ayaa hore u yiri: “Ma dumaalo naagaha ninkay nolol ku deyrshaane” Abwaan kalena waxuu yiri: “Dundumooyinkoo lala hadlaa damac ma yeeshaan”.

Waxaa ka sii liita, inta madax iyo maamul urur ku jira u ah, Hiil Qaran, Daljir, Tayo IWM, qaar gudahaa lagu aasaasay, qaarna dibadda laga suu unkay, kase wada siman inay yihiin hiil iyo hoo la’aan, hubaal inay tahay maalin loo baahnaa in la maqlo codkooda, hase yeeshee ka door biday inay u kuur galaan siday madaxtooyada ku gali lahaayeen.

Waxaa ka sii liita wadaaddo wax ay bulshada ugu qaybsan yihiin aan la garayn, mid inta Puntland ku soo ansixiyey Dastuur beeleed, maalintuu Garoowe ka soo duulay ee Xamar yimid diiday dastuurka Soomaaliweyn lagu badbaadinayo, aqriste ma is qabanaysaa? waxaa la mid ah Sheekh Ummal oo yiri; “inta dastuurka rabta dantooda ayey ka arkeen, inta diidanna dantooda ayey ka waayeen” waaba iga su’aale wadaadkani miyuusan ka waantoobin inuu Soomaali mar walba meel uga dhoco? War qofkii yiri; qodabka Jinsiyadda, Xuduudaha wadanka, Federalka, Caasimadda, iyo inuuba ku meel gaar yahay awgiis ayaan ku diidayaa, ma dantiiisa gaarka ah ayuu ka waayey? Waxaa kaloo la mid ah Shiikh Dhicisaw, oo aan la garanayn waxa uu u doodayo iyo waxa uu ka doodayo, waxa uu diidayo iyo waxa uu doonayo.

Dhaqan iyo dhur midna lama dhawrin, qaanuun iyo qodob midna lama qaabin, xeer iyo

xukun midna lama xigan, maan iyo maskax midna lama maarayn, xil iyo xushamad midna lama xusin, xaq iyo xero midna lama xeerin, waxaa la yaab ah meesha wax ku dhammaadeen, halka la taagan yahay iyo sida xaalku ku dambayn doono.

Bashir M. Hersi

brdiraac@hotmail.com


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)