|
Aragti: Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Gaas oo Burburinaya Puntland
Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Gaas oo Burburinaya Puntland
Waxaa war cad ah oo haatan muuqda in ra’iisal wasaare Cabdiweli M Cali Gaas uu markan u tafa-xaytay burburinta dowlad goboleedka Puntland, isagoo taageero ka helayo qaar ka mid ah jufada uu ka dhashay ee dolwadda ku jira, wasiiro, xildhibaano iyo oday-dhaqameed reer Puntland ah.
Cabdiweli M Cali Gaas ma aheyn nin bisil ee leh garaad siyaasadeed ee uu ku hagi karo dolwad Soomaaliyee, balse wuxuu jagada ra’iisalwasaaranimda ku tegay habka xaaran ah ee afar dhibic shan ( 4.5) oo ay macnaheedutahay inuu kursiga ra’iisalwasaaranimada ku fariisto isagoo metelaya bulshada reer Puntland ee laakiin jagadaas kuma uusan hanan karti, aqoon iyo waayo-aragnimo iyo doorasho loo doortay jagada. Wuxuuse maanta bannaanka soo dhigtay wixuu u qorsonaa weligiis oo ahaa inuu dantiisa gaar ahaaneed iyo danta jufada uu ka dhashay inuu ka hormariyo danta guud ee bulsho weynta Soomaaliyeed iyo tan Puntland.
Kooxda Cabdiweli Gaas aad u taageersan waxaa ka mid ah shakhsiyaad ku jira guddiga dastuurka qoray, iyagoo ku guuleystay inay dastuurka beddelaan, oo weliba ka qariyaan ummada Soomaaliyeed ilaa daqiiqada ugu danbeysa, si ay dantooda u gaaraan. Waxa kale oo ka mid ah ina-adeerkiis abdi-Shakuur Max’ud Gureey oo ah xog-haynta ra’iisal wasaaraha iyo Cabdi-Wahaab Max’uud Gureey oo ka mid ah isimmada Puntland, kuwaas oo ka dhaadhiciyey islaanka Bashiir, oo hadda isu rogay siyaasi, inuu yimaado Xamar si uu ula hadlo odayada qabiilada kale, ugana dhaadhiciyo inay doortaan Cabdiweli Gaas, si looga taqalooso madaxweyne Sheekh Shariif. Oday dhaqameed isu rogay siyaasi, dhibkeeda bay leedahay.
Inqilaabka Islaan Bashiir
Waxaa ceeb iyo fadeexo ah markay oday-dhaqameedka ay ku milmaan siyaasada, iyagoo weliba u xaglinaya jufada ay ka dhashaan, taasna waxaa tusaale innogu filan inqilaabka uu hoggaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdule. Oday-dhaqameedyada Puntland waxay dhammaantood isku raaceen inay shirka ka socda Xamar ka baxaan si ay ula soo tashtaan dadkooda, balse su’aashu waxay tahay hadday odayadii reer Puntland baxee, maxaa Islaan Bashiir keligii u yimid Muqdisho? Muxuu soo doonay, oo uu u soo daba-maray? Ceebeey Tacaal!
Islaan Bashiir wuxuu wadaa sida muuqato, inuu ina-adeerkii wiilka maskiinka ah ee Cabdiweli Gaas ku taageero sidii uu madaxweyne uga noqon lahaan Soomaaliya, islamarkaanna loo burburiyo danaha Puntland. Waa yaab mar haddii Islaankii reer Mudug uu si qaawan, oo gabasho laheyn ugu dhex milmay siyaasada, isagoo goob joog ka ah goob bulshada reer Puntland lagu kala qaybinayo. Ceeb Caleyk!
Xataa Wuxuu garan waayey Dhibta Bulshada Soomaaliyeed
Ra’iisal wasaare Cabdiweli Gaas, si uu u gaaro jagada ah mar inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya, xataa wuxuu garan waayey, oo uu tixgelin waayey dhibta ku habsatay bulsho weynta Soomaaliyeed, Cabdiweli Gaas wuxuu arki waayey dadka Soomaaliyeed ku raafdsan adduunka afartiisa gees ee u baahan nabad ka dhacda dalkooda, si ay ugu noqdaan dalkooda hooyo. Horay baa loo yiri hasha ragaadka iyadoo isku nabta; wuxuu maanta culeyska iyo dhibta u geystay qaxootiga Soomaaliyeed ee mar doonaya inay dalkooda ku soo laabtaan
Dhagar Qabe Daahir Mire
Waxaa kale oo jira warar naga soo gaaraya Ameerika ee sheegaya in rag uu hormood ka yahay nin aad ugu jajaban burburka Puntland ee la yiraahdo Daahir Jabriil, oo ballanqaaday inuu isku xirayo xargo siyaasadeed, si uu Cabdiweli Gaas u gaaro dantiisa gaarka ah, islamarkaanna loo burbruiyo danta bulsho weynta Soomaaliyeed. Waxaa Daahir loo balannqaday in jago buuxdo la siin doono haduu Cabdiweli Gaas noqdo madaxweynaha Soomaaliya. Daahir kuma cusuba qaska siyaasada Puntland oo horay wuxuu u ahaa gacanyarihii Cabdulaahi Yusuf
Dhabar-jebinta Madaxweyne Sheekh Shariif
Ujeedadda ugu weyn ee uu ra’iisal Wasaare Cabdiweligaas u ordayo waxay tahay in la dhabar-jebiyo madaxweyne Sheekh Shariif iyo la taliyayaasha ku hareereysan, si uu ula wareego jagada madaxweynaha. Waxaa jira warar sheegaya inuu koox oday-dhaqameedya ah oo ugu horeeyo Islaan Bashiir inuu ku beer-la-xawsaday qofka hor taagan danaha Puntland inuu yahay madaxweyne Sheekh Shariif iyo la taliyayaashiisa.
Haddaba si loo soo celiyo danaha Puntland waa in jagada madaxweynanimada gacanta loo geliyaa Cabdiweli Gaas, islamarkaana daaqada looga tuuro madaxweyne Sheekh Shariif. Waana sababta keentay in oday-dhaqameedyada qaarkood oo ka soo jeeda Puntland ay Xamar ku haraan, si ay u qaban-qaabiyaan in Gaas uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya bisha Agoosto wixii ka danbeeya, madaxweyne Sheekh Shariif oo hadda u sharaxan jagadaas laga saaro daaqada. Sir-ma-qabe Allow u sahan, kolee madaxweyne Sheekh Shariif haddii mindiyo loo afeystay, oo uu weliba ka danbeeyo ninkii Cabdiweli Gaas ee uu shalay halkaas keenay, Ilaah baa u maqan, waayo waa nin daacad ah.
Maxaa la gudboon reer Puntland?
Waxaa maanta la gudboon bulshada reer Puntland inay muujiyaan isku duubni, oo ay meel uga soo wada jeestaan fashilka iyo buburka lagu hayo maamulkii ay soo dhisteen 13 sano ka hor. Waxaa laga rabaa inay kacaan, oo ay arrintan ka muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan, ugana xunyihiin, islamarkaana ay la xiriiraan xildhibaanada reer Puntland iyo oday-dhaqameedyada dhabta ah ee reer Puntland.
Waxa kale oo reer Puntland la gudboon inay taageeraan madaxweyne Sheekh Shariif ama madaxweyne kasta oo bulshada Soomaaliyeed isu keena karta, laakiin marna ma aha inay taageeraan nin iyo odayaal dhaqameedyo u soo jeestay burburinta Puntland.
Maxaa La Gudboon Shacabka Soomaaliyeed
Dadka Soomaaliyeed ee 21 sano dhibaateysnaa waxaa la gudboon inay hurdada ka kacaan, waayo labaatan sano ka dib, weli rag hunguri xun, oo aan u tureyn baa qorsheynaya inaya inay mar kale dhibato hor leh geliyaan, iyagoo u daneynaya dantooda gaarka ah.
Fahad Sheekh Macalin
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|