Somali News
    Hees  

Faallo: Faalada Maanta Waa Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Iyo Kuwa Dambeeyo Qaskooda

 

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga

Faalada Maanta Waa Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Iyo Kuwa Dambeeyo Qaskooda

Maalintii Isniinta aheyd oo ay bishan Agoosto aheyd 20ka ayaa waxey bilaabeen Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Cusub Ee Baarlamaanka Soomaaliya in Warqadihii Aqoonsiga ay u qeybiyaan Xildhibaanada Cusub Ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya kadib markii ay diiwaankooda gashteen xildhibaano ay soo xusheen Guddoomiyaha Gobolka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole, Ra’isulwasaare Cabdiwali Maxamed Cali, iyo Guddoomiyehii Hore Ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxey Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay si ula kac ah uga tageen 75 xubnood  oo ay soo xuleen Oday Dhaqameedyo Soomaaliyeed. Waxey cudur-daar ka dhigteen Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada in 75ka xubnood ay ahaayeen Qabqable Dagaal iyo Hogaamiye Kooxeedyo Diineed isla markaana ay ka degi la’eed Soomaaliya wixii ka dambeeyey 26kii Janaayo sanadkii 1991kii.

Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxey marmarsiiyo kasii dhigteen iney soo gaareen qoraalo ka yimid Qaraamida Midoobay, kuwaa oo lagu sheegay in 75ka xubnood aanan lagu biiri karin Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya maadaama ay 75kaasi xubnood ay Qaraamida Midoobay u diiwaan gashatay iney ahaayeen, hadana yihiin Dembiileyaal Dagaal.

Dhinaca kale, Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka waxey xalay dhalay ka dhigeen Haraagii Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, waxeyna kusoo badsadeen Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya oo la dhisay 20ka Agoosto, 2012, si markaasi ay u rumowdo riyadii aheyd in Soomaaliya laga dhiso talis lamid kii Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre oo xooga ku haaystay Soomaaliya 21 sano iyo seddex bilood iyo shan maalmood.

Cadeyn waxaa u ah iney soo celinayaan Taliskii Diktatoore Jeneraal Maxamed Siyaad Barre marki Baarlamaanka Cusub uu Guddoomiye u doortay Jeneraal Muuse Xasan Cabdulle oo kamid ahaa saraakiishii aadka ugu dhawaa Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre isla markaana qeyblibaax ka qaatay dhibaatooyinkii Soomaaliya ka dhacay.

Cadeyn kale waxaa ah iyadoo Xildhibaanada Cusub Ee Baarlamaanka ay ka tageen nin kale oo ka daa’weynaa Jeneraal Muuse Xasan Cabdulle. Waxaa cadeyn kale ah, markii Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay kusoo dareen Baarlamaanka Cusub xildhibaano aqoontooda aad u hooseyso oo aananba ogeyn dhibaatooyinkii uu geystay Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre 21kii sano, seddexdii bilood iyo shantii maalmood ee uu xooga ku haaystay Soomaaliya.

Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa ay laaluushka xad-dhaafka ah ay kasoo qaateen oo ay kamid yihiin Guddoomiyeha Gobolka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole, Ra’isulwasaare Cabdiwali Maxamed Cali iyo Guddoomiyehii Hore Ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan waxey marnaba soo hadal qaadin dhibaaatooyinkii isdaba jooga ahaa ee uu Soomaaliya ka geystay Taliskii Naxariis-darrada lahaa ee Kelitaliye Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Sooma qaadan Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, taliskii Soomaali gaarsiiyey in Soomaalinimo ay meesha ka baxdo. Soomaa qaadan Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka, taliskii horseeday in dadka loo kala qeybiyo beel beel, qofkii ka horyimaadana lagu shaabadeeyo inuu qabiilka aad ugu dhaqmo.

Taliskii Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre ayuu ahaa kii horseeday in Soomaaliya ay kala fogaato isla markaana ay gooni isu taagto Jamhuuriyadda Somaliland kadib markii Reer Somaliland ay u adkeysan waayeen xadgudubyadii loo geystay, gaar ahaan xadgudubkii 1988kii.

Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxey sanadkan 2012 ay soo qaateen Shaxdii Shirkii Carta Ee Jabuuti Ee sanadkii 2000, taas oo ku saleysneed in dusha laga saaro Hogaamiye Kooxeedyo wixii Soomaaliya ka dhacay isla markaana dib loo soo celiyo Haraagii Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre ee uu markaasi hogaamiye u ahaa Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan, kadibna loo caleemo saaray inuu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Gaashaanle Sare Axmed Cumar Jees oo ay markaasi wareysi la yeelatay BBC-da Laanteeda Af Soomaaliga wuxuu yiri:

”Waxaa Shirka Carta kaalinta koowaad la siiyey Haraagii Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre. Waxey taasi horseedi doontaa inaan ka hortagno waxa lagu dhodhoobo Jabuuti, waxaana ku noqonayaa Kismaayo.”  

Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo hada usoo xushay Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya xildhibaano u badan Haraagii Diktatoore Maxamed Siyaad Barre, waxaa ku habooneed in ay ka wada saaraan Baarlamaanka Cusub; 1. Haraagii Keltaliye Maxamed Siyaad Barre,, 2. Kuwii lagu sheegay Qabqableyaal Dagaal iyo 3. Kuwii lagu sheegay Hogaamiye Hogaamiye Kooxeedyo Diineed, si markaasi loo helo Baarlamaan Cusub oo xildhibaanadiisa yihiin xalay dhalay.

Ha yeeshee, waxey Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay door-bideen in ay kusoo badsadaan Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya; xildhibaano kasoo jeedo Haraagii Kelitaliye Maxamed Siyaad Barre.

La arki doonee, halka ay ku dambeyso shaxda loo soo dhiibtay Qaswadayaasha Guddiga Farsamada Ee Xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

W.Q. Dr. Abdulkadir Abukar Spinato

aa_spinato@hotmail.com

Tel: 00 44 75 38 89 41 90

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)